HUBAALMEDIA.COM
Baarlamaanku Yuu Metalaa?- Qalinkii: Eng. Khadar A. Farah,
July 16, 2016 - Written by Mustafe Faro

XUKUUMAD UUN BAA LA XAGXAGTAAYE, BAARLAMAANKU (GOLAHA SHACABKA) WAA HALKA AYNU KA DHUTINAYNO EE AAN ISKU DAYO IN AAN DALIILSHO.
Xubin baarlamaan waxa uu ku yimaadda cod shacab (shacbiyadda amma reer ha ku mutaysto amma kalsooni kale’e).
Dadkaasi u codeeyay ayuu danahooda metalaa. Dantaasi dan la mid ah dad leh ayaa iyaguna kuwooda saasoo kale ugu codeeyay oo GOLAHA SHACABKA ayaa saas ku abuurmay. Gole waxa loogu baahday maadaama oo XUBIN KELI AHI (LAB AMMA DHEDDIG) METALI KARTO UUN BALSE AANAY FICIL KU DARISTA DANTAAS AWOODI KARIN IN AY KELIGEED/KELIGII U DOODO KUNA DABA TAAGNAATO SIDII AY XUKUUMADDU U FULIN LAHAYD.

curve
Jaantus(graph)-ka kowaad ee ku lifaaqan qoraalkani. waa mid lagu muujinayo xidhiidhka tooska ah (direct proportional) ee ka dhaxeeya masaafada(D) iyo waqtiga (t). Waa mid ka turjumi kara XAWAARAHA(HOW FAST/ SPEED) aad ku soo gaadho gurigaaga marka aad soo qado doonanayso. Daqiiqadda kowaad ee aad soo dhaqaaqdo haddii aad saacadda(stop watch) aad bilowdo ilaa iyo marka aad guriga soo gaadhayso oo aad joojiso, dabadeedna adiga oo hayay masaafada aad soo goysay, waxa aad si fudud ku garan kartaa DAQIIQADII AMMA SAACADDII BA INTA MITIR AMMA KIILOOMITIR EE AAD SOCONAYSAY.

Sidaasi si le’eg, haddii aynu halka Masaafada (D) ee xariiqqa kor u socda amma Y-AXIS ka aynu ku badalno DANAHA GUUD EE AYNU KOR KU SOO QEEXNAY isla-markaana, xariiqa jiifa ee waqtiga (t) amma X-AXIS kana aynu ku badalno TIRADA XEERARKA AY ANSIXIYEEN BAARLAMAANKEENNU TAN IYO XILLIGII AYNU SOO DOORANNAY 2005-TII, waxa aynu filanaynay #in_uu_noqdo_xariiq_toos_ah_sida_kan_ku_muujisan_jaantuskan_hoose_ee_masaafada_iyo_waqtiga_xidhiidhidhinaya!!!

Haddii graph-ka innoo soo baxaa uu kan hoose oo kale noqdo WAXA AYNU KA DHEEHAN KARNAA QODODOBADAN DHOWRKA AH:

  1. in baarlamaanku uu yahay GOLE MATALA SHACABKA DANAHOODA.
    2. in xeer kasta oo ay ansixiyeen BAAHI KA MID AH BAAHIYAHA SHACABKA UU DABOOLAY AMMA WAX KA TARAY.
    3. in SYSTEM-KEENNA DAWLADNIMO UU YAHAY MID KAAMILAN(PERFECT SYSTEM).
    4. In aynu ka dheehan karno baarlamaankeenna XAWLIGA HORUMARINEED EE DALKU KU SOCDO (SIDA XAWAARAHA (SPEED)-ka LOOGA DHEEHAN KARO GRAPH-KAN MASAAFADA IYO WAQTIGA ISKU XIDHAYA)
    5.In la garan karo NOOCYADA XEERARKA HOR YAALLA WAQTI KASTA MID LAGA YIMID (PAST) IYO MID HADDA LA JOOGO BA (PRESENT) kaasoo innoo sahlaya in aynu WAX KA QORI HORUMARKA DALKU KOLBA HALKA UU MARAYAY IYO HALKA UU HADDA MARAYO.
    6.In aynu darsi karno (RESEARCH)JIHADA HORUMARINEED EE MUSTAQBALKA AYNU HIIGSANAYNO IYO NOOCYADA XEERARKA AYNU U BAAHANNAY IN AY KA SOO UNKAMAAN DHINACYADA KALA DUWAN EE QARANKA GUUD AHAAN.

Guntii iyo gunaanadkii, xaqiiqada shaqsiyyan waxa aan ku qeexi karnaa ” MAXSUULKA KA SOO HADHA ARRIN/SHAY MARKA HORE LAGU BILAABAY FIKIR. AMMA QEEXID KALE. MAXSUULKA KA SOO HADHA FIKIR MASKAXEED LALA YIMID OO KA DIB MARKII LA DABBAQAY LAGA TAGAY HADBA INTII WAAYAAHA IYO WADCIGA JIRAA UU SAAMIXI WAAYAY”

Haddaba graph-kan tusaalaha ah haddii aynu XAQIIQADA AYNU KU KOR KU SOO QEEXNAY WAAFAJINNO, ma qaabkaas uu hadda yahay ee xariiqa xagasha 45 degree-ga ah buu ahaanayaa, mise qaabkiisu ba wuu is badalayaa oo xarriiq qaabab kale leh sida ka ka muuqda sawirka labaad buu noqonayaa. Graph-ka labaad oo kale haddii XIDHIIDHKA KA DHAXEEYA DANTA GUUD IYO TIRADA XEERARKA AY BAARLAMAANKU ANSIXIYEEN uu noqdo, waxa ay ka dhigantahay in DANTII GUUD AY ‘CONSTANT’ tahay amma meel uun ay taagan tahay. Su’aasha markaas graph-kaas laga soo dheegi karaa waxa ay tahay ” HADDII XEERAR INTAAS BA LA ANSIXINAYO LAAKIINSE AY DANTII GUUD EE UMMADU MEEL UUN TAAGANTAHAY, DAN CAYNKEE AH AYAY XEERARKA LA ANSIXIYAA KA TURJUMAAN, YAASE DANTAAS ISKA LEH OO AY METALAAN XILDHIBAANADU?

Jawaabta su’aashaas idinkaan idiin dhaafayaa aqristeyaal. Xal kana mar kale ayaan idinla wadaagi doonaa sida aan u arko OO ISKUBEDALL ISBEDDAL KEENA sida uu u ku iman karo ayaan idinla wadaagi idinkuna wixii aydun ku soo daraysaan ku dara.

Macasalaama,

Eng Khadar A. Farah,

Hargeisa Somaliland.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews