“Baashe & Sacad Cida Ay  Ka Turjumayaan Waa Madaxweynaha Maanta Soo Noqday Ee Dalxiiska Inoola Jooga”

0
1

 “Malaha Naasir Cali Shire Ayuun baa Walaalkii Lagu Xadantaynayee, Anigu waxan Qabaa   Baashe waa  Ka mid ummada lala xisaabtamayo” – Xil. Qabile

Hargeysa(Hubaal ):-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa sheegay in wasiir Sacad Cali Shire iyo Safiir Baashe Cawil ay ka mid yihiin xubnaha lala xidhiidhinayo inay musuq sameeyeen ee lala xisaabtamayo.

Xildhibaan Qabile oo Hadhwanaagnews u warramay oo aanu warkan ka soo xiganay  ayaa     yidhi “Anigu Baashe waxaan u arkayey nin wakiil ka ah hantidii umada oo lagu ganacsanayo, waxaana ayaan daro ah oo aanan ilaabi doonin markii uu wasiirka arrimaha dibadu yidhi dalkan Somaliland lama aqoonsana oo aniga iyo Baashe ayaa nala aqoonsan yahay oo maal gelinta ayaanu u samaynaynaa shirkad wadani ah, taas oo ah wax murugadeeda leh.”

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lala xisaabtami doono labadaas masuul waxaanu yidhi “Baashe Iyo Wasiir Sacad waa ka mid umada lala xisaabtamayo malaa Naasir Cali Shire ayuunbaa walaalkii lagu yara xadantaynayee,  umada beentii loo sheegay ayaanay jirin wax ka weyni, boqol iyo labaatan muuqaal oo mid walba uu si u hadlayo ayaa laga hayaa wasiirka arimaha dibada, cida uu ka turjumayaana waa madaxweynaha maanta soo noqday ee dalxiiska inoola jooga.”

Xigasho Hadhwanaagnews

SHARE
Article hore“JIDHKA-IS-GALI Haddaad arrimahan aragto”- W/Q: Xuseen Cabdi Cali (Badhaani)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here