Bahda HUBAAL Oo Booqatay Biriishka Weyn Ee Hal-bowlaha U Ah Isku Xidhka Caasimadda Hargeysa Oo Qarka U Saaran In Uu Dumo Xilli-roobaadkan+DAAWO SAWIRRADDA Kaabadda Tiir-dhexaadka U Ah Dhismihiisa Oo Dhaawacan

0
29

HArgeysa (Hubaal)- Biriishka Weyn ee isku xidha laba daamood ee Magaalada Hargeysa aya gebi ahaanba waqti xaadirkan qarka u saaran in uu dumo kadib markii kaabadaha isu haya biriishku aan shan iyo tobankii sanno ee u dembeeyey wax dayac tir ah lagu samayn sidaas darteedna ay biyaha daadka ee dooxa soo maraa hoosta ka qodeen.
Biriishkan oo ah halbowlaha koowaad ee isku xidha isu socodka magaalada Hargeysa ayaa kaabada dhexe oo ka mid ah saddex kaabadood oo uu ku taagan yahay waxa sida sawirka hoose idiinka muuqata ay qodeen biyaha daadku kadib markii cid daryeesha la waayay ee ay dawladda Hoose ee Hargeysa iyo xukumaduna ka seexatay.
Biriishkan ayaa khatar ku jira haddaan si dhakhso ah wax looga qaban iyada oo weliba ay xilligan dalka ka curteen roobabkii gu’gu.
Weriye ka tirsan HUBAAL Media oo shalay booqday Biriishka hargeysa ayaa indhihiisa ku soo arkay dil-dilaaca ku yimi kaabadihii hal bowlaha u ahaa dhismihiisa kuwaas oo dadka taariikh yahannada ahi xuseen in dayactir biriishka lagu sameeyaa ay ugu dambaysay waqtigii uu duqa magaalada Hargeysa ahaa Maayarkii Cawl Cilmi Cabdalla sanadihii 2000 ilaa 2001-dii.
Haddaba Halkan Hoose ka daawo Muwaadin foolxumooyinka ka muuqda biriishkii caasimaddu lahayd.

Biriishka
Biriishka 2
Biriishka 3
Biriishka 4

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here