“Baryahan Waxa Baraha Bulshada lays garabdhigayay sawirrada Wasiirka Caafimaadka Oo Xanuunka Faaligu Haleelay Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Oo Hargab U Jiifa”

0
1

Eng. Maxamuud Maal Cali  Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Guriyaynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Mucaaridka Uga Digay Inay Siyaasad Ka Raadiyaan Xanuun Alle Ku Keenay Qof Bani’aadam Ah

“Wasiirka wasaaradda hawlaha guud kuma jiro xaalad caafimaad oo adag, aad buu u fiican yahay, waxase jira niman mas’uuliyiin ah oo ka tirsan xisbiga Waddani oo u tegay wasiirka kuna sheegay inuu ku sugan yahay xaalada aad u cakiran…….. Masuulka Waddani u hadlay booqasho ugumuu tegin ee waxa uu ugu tegay hawlo gaara oo uu ka lahaa, runtii waanu u soo dhameeyay wasiirku hawshii uu ugu tegay masuulkaasi. Markaa ma garanayno meesha uu ku arkay wasiirka oo dayacan”

Hargeysa (Hubaal) “Wasiirka wasaaradda hawlaha guud kuma jiro xaalad caafimaad oo adag, aad buu u fiican yahay. Xanuunka haleelayna mid sii fog maaha ee waa Hargab, baadhitaanno maahane, ma jiro xanuun loo dhigay dhakhtarka, wuxuuna haatan ku sugan yahay gurigiisa.” Sidaasi waxa yidhi agaasimaha waaxda dhulka iyo guriyaynta ee wasaaradda hawlaha guud, Eng. Maxamuud Maal Cali oo shalay warbaahinta la hadlay maruu ka waramayay xaaladda caafimaad ee wasiirka wasaaradaasi Cabdirashiid Qambi

Eng. Maxamuud Maal Cali Waxa uu ka digay in siyaasad laga raadiyo xaalada wasiirka oo uu sheegay inay aad u wanaagsan tahay, balse ay jiraan dad khatar ka dhigaya xanuunka wasiirka, kkuwaasi oo waa sida uu hadalka u dhigaye ku faafinaya baraha ay bulshadu ku xidhiidho, “Baraha bulshada waxa la galiyay oo la isgarab dhigay, wasiirka wasaaradda caafimaadka oo xanuunka faaligu haleelay iyo wasiirka wasaaradda hawlaha guud oo Hargab u jiifa. Dadka siyaasad ka dayaya xanuun qof bani’aadam ah haya, ha cuslaado ama ha fududaadee, waa mid mushkiladeeda leh.” Ayuu yidhi agaasimahu

Agaasimaha waaxda dhulka iyo guriyaynta ee wasaaradda hawlaha guud Eng. Maxamuud Maal Cali waxa uu asxaabta mucaaridka, gaar ahaan xisbiga Waddani ugu baaqay inay siyaasadda ka raadinayaa meel aan ahayn xanuun Alle ku keenay qof bani’aadam ah, waxana uu yidhi; “Waxa jira niman mas’uuliyiin ah oo ka tirsan xisbiga Waddani oo u tegay wasiirka kuna sheegay inuu ku sugan yahay xaalada aad u cakiran. Masuulka Waddani u hadlay ee u tegay wasiirka, runtii booqasho ugumuu tegin ee waxa uu ugu tegay hawlo gaara oo uu ka lahaa, waanu u soo dhameeyay wasiirku hawshii uu ugu tegay masuulkaasi. Markaa ma garanayno meesha uu ku arkay wasiirka oo dayacan, waxaanan u sheegaya, masuuliyiinta caadaystay inay siyaasad ka dayaan xanuun ku yimaada madaxda dawladda, xanuunka Illahaybaa keena ee bahasha siyaasadda meel kale ka raadiya.”

SHARE
Article horeXukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Arrin Farxad Galinaysa Shaqaalaha Dawladda
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here