Beesha Biciide Oo Dawlada Ku Wareejisay gacan-ku-dhiiglayaashii Nimankii Dilka Ka Gaystay Ceel-afwayn

0
1

Hargaysa (Hubaal):-Edaysanayaashii Dilka Ka Gaystay Deegaanka Ceel-Afwayn Kana Soo Jeeday Beesha Biciide Ayaa Cuqaasha Beeshaasi Ay Dawlada iyo Beeshii Dhibka Loo Gaystay Ku Wareejiyeen Laba Qof Oo Ku Eedaysnaa Dilkii Dagmada Ceel Afwayn. Shirka Lagula Kala Wareegaayey Gacan-ku-dhiiglayaasha Ayaa Waxa Goobjoog ka Ahaaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Maayirka Magaalada Ceerigaabo, Cuqaasha Beesha Biciide iyo Beesha Sacad yoonis Iyo Gudidii Dhexdhexaadinta Labada Beelood.

Waxa halkaasi ka hadlay cuqaasha iyo madax-dhaqameedka labada dhinac. “Waxa maanta halkan lagula kala wareegayaa, raggii na loo diray ee ahaa dhibgaystayaashii, dhacdadii ugu dambaysay dagaaladii soo noqnoqday. Halkan oo aannu laba nin ku wareejinayno dawladda iyo reerkii ay dhibta ka gaysteen, labada nin oo kala ah; Cabdirisaaq Cawad Ducaale iyo Axmed Cabdi Cawad Cabdulle.” Sidaasi waxa yidhi mid kamid ah odayaasha beesha wareejinaysay dhibgayste

“halkan waxa aan ka cadaynayaa labadaas nin ee dawladda loo dhiibay, anigoo ah Axmed Xasan Cali-jiis, ahna caaqilkii Sacad-yoonis, gacan-ju-dhiiglayaashaasi waan ka gudoomay sidaa ay dawladdu gacanta iigu hayso.”

“anigoo ah Saleebaan Jaamac Cilmi, ahna chief caaqilka Yoonis Ismaaciil, waannu gudoonay labadaas gacan-ku-dhiigle ee dawladda gacanta loo galiyay ee ay hayso.”

SHARE
Article horeShirkii Djibouti Lagu Soo Xidhay Ma Mid Siyaasadeed Ayuu Ahaa?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here