Berbera Maxaa Kaaga Xidhan Ma Geel Baa Kuugu Dhalay!!!

0
104

WQ: Maxamed Xuseen Jaamac 

Qaran Somaaliyeed haddii uu qiimo lahaa  dacartiisa horaan u leefay tacsidiisana waxa aan dhigay 1991 kii ,calankii aan sacabka iyo mushxarada ku soo galbiyeyna xinjir iyo dhiig baan ku soo ceshay duhur cad indhahaaga oo shan ah , u hilowgii aan kuugu imidna muu hayn isku taga laba gobol iyo laba oo is raaca shantii soomaaliyeed ee waraabayaashu hiigayeen oo mid ah isna weheshada ayaan rabay se booraan haddimo ayaan gamcahayga ku qotay ,  qaadir kayse waa  igu guuleeyay in aan mar labaad iilka ka soo baxo ; iftiinka iyo naruurada nolashana aan maanta dib uhelo.

 

Haddii aad in uu caqli leedihiin cashar iyo cibrroba idiinku filan Somaaliland , adiga oo aan tamar hayn in aad cid sheegato barri hore kala calaf qaadeen waa idiin nacasnimo xaalkiinu yuu noqon “dabagaale abeeso dushuu ka qabaa”  inagga oo laba wadan ah oo jaar ah ood wadaag ah ayaa ka roon xisdiga aad qabtaan iyo nacaybka idin buuxshay ee aad nagu haysaan.

 

Shantii Somaaliyeed ee aynu raacdaynta uugu jirnay meeye , soo may noqon hal bacaad lagu lisay iyo nin duhur cad riyooday ,ana candhuuftayda ayaan dib u liqay riyadiina waxa aan ka toosay 1969 waxa ay ii rumoodayna 1991kii markii aan calankayga dhurwaaga ka riday.

 

Afka nool itaal baran baro xaslkiinu weeyi se maahmaah guunaa ahayd “nimaan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo” Afweyne oo ciidan iyo cududba lahaa ayaa faraha kaga gubtay ,aniga oo qaran tisqaaday ahna maanta maxaad filan subax horeba waan kugu cuwaafan, dhulkayga kibir ninkii ku daaqa dakharadaan ku jiido dib buu u qoomamayn carkee! Walaahi waa digniin bilaahi waa dardaaran .

 

Maanta kala gurasho mooyee arinka kale inooma yaal taa ku biyo cabba in badan baanu lahayn bukaan baa la baxnaanshaa inta aad arkaysaan dawlad sharci ah oo arimaha masiiriga ah aad kala hadashaan suga waxbana idinkama soo naaso cadda , taangi yugaandhiisa ayaad naf moodeen oo idinku ilaalinaaya 4km ee aad xukuntaan dalka intiisii kalena Alshabaab baa ka arimisa tab iyo xeeladkastaba waad iskugu gayseen tahlina weydeen in aad ka nadiifisaan , waxa aad isku daba yaacaysaan sagaal maamul gobaleed oo aan kala amar qaadan iyo labaatan madaxweyne oo aan is xushmayn , Farjaajihii gacan ku riska ahaana rajadii idinka muuqatay god madaw buu ku aasay dariiqii adeerkii afweyne uun buu raacay rajana kama soo jeedo.

 

Marsada Berbera maaha mid aad arinkeeda leedihiin , waxna la idinka weydiin maayo  sida dacawga hadaad uuga daba qaylisaan wax aad ka taraysaan baan jirin heshiiska ay la gashay DPword waa mid qarankani uu gaadhay saxeexayna , waa ifafaalaha garnaqsigeena , waa furahii aduunyadu ku soo fara-galin lahayd kula gurashadeena , ama jaamacada carabta la hadal ama Kiiniya oo marka horeba baddaadii qaadatay miciin mood Berbera ninkii lahaa baa ka ariminaaya adiga maxaa kaaga xidhan ma geel baa kuugu dhalay?

 

Walaalow xisdiga qaarkii waa lagu xujoobaaye arimahiina ku mashquula maatidiina qaraxa maalinkasta ku dhimanaysa badbaadiya , dumarkiina afrikaanku hadh iyo habeen kufsanaayo ka saara ,  maroodigu tagarta saaran ma arkee ka kale ta saaran buu arkaa ; meel aanad af iyo adin waxba ka soo kordhinayn ha ku habsaamina Boosaaso oo maamul gobaleed heshiis ku wareejiyey kamaydun hadal awoodna uumaydun yeelan maxaa Berbera idiinka bidhaamay oo aad ku aragteen aan edyad iyo gardaro sokeeye ahayn.

 

Xukuumad ahaan haddii aanu shacabkii nahay waanu taageersanahay heshiiska iyo maal-galinta marsada Berbera ,in kasta markii hore hanaanka loo dhigay uu ahaa mid qarsoodiya walaac badana abuuray ,waxii dhexdeena ah waxa aan ku ilaabaynaa iska dhicinta maamulka maqaar saarka ah ee muqdisho ka taliya ,oo arinkiisu uu noqday riyo haddii ay dub leeyihiin dabadooda ayaa ay ku qarin lahaayeen; arimaha dhexdeena inaga ayaa isku af garan gacan geel jire kor looma dhaqo , doqonta ayaa aynu u quus gaynaynaa , madaxda gadh wadeenka inoo ah waxa aynu u daba fadhinaa sidi ay u meel marin lahaayeen abeesadana god keeda ay uugu gali lahaayeen .

 

Dhulka soo anigu ma lihi

 

WQ: Maxamed Xuseen jaamac (M.somali)

Ababiye11@gmail.com

 

Hargeisa-Somaliland smartphone.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here