“Berberi Intii ay Xidhnayd Intaas Oo Dekedood Baa Hanaqaaday, Somaliland Waxay Leedahay Dano Badan Oo Dunidu Doonayso, markaa Waxaynu U Baahan Inaynu Si Xigmad, Xeelad & Xirfad Leh U Iibino…….”

0
1

EX-Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Soo Bandhigay Ujeedooyinka Ay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Ka Lahayd In Dekedda Berbera Iyo Saldhiga Milateriba La Siiyo Dawladda Imaaraadka

Waxa uu ka hadlay isbeddelada haatan ka jira geeska afrika, fursadaha Somaliland ugu jira isbeddeladaas, damaca dunida ee geeska afrika iyo sida laysku waafajinayo danta dalku leeyahay iyo masaaliixda wadamada carabta

Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii hore ee madaxtooyada xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, Maxamuud Xaashi, ayaa tafaasiil ka bixiyay ujeedooyinka heshiisyada Somaliland iyo Imaaraadka iyo guud ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Carabta u bilawday wakhtigoodii oo uu sheegay in ay Somaliland garab ugu samaynayeen, kuna raadinayeen aqoonsi. Maxamuud Xaashi oo marti ku ahaa kulan ay qabanqaabisay hay’adda CPA ku qabatay Hargeysa kaas oo lagu falanqeynayay Khilaafka wadamada carabta iyo isbadalada ka socda Geeska Afrika, ayaa xogo dheeraad ah ka bixiyey heshiisyada ay somaliland la gashay wadanka imaaraadka carabta.

EX-wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu ka hadlay xaalada isbeddelada ee haatan ka jira gobolka geeska afrika, fursadaha Somaliland ugu jira isbeddeladaas, damaca dunida ee geeska afrika iyo sida laysu waafajinayo danta ay Somaliland leedahay iyo masaaliixda wadamada carabta. Sidoo kale waxa ka hadlay ujeedooyinka ay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ka lahayd in dekedda Berbera iyo saldhiga milateriba la siiyo dawladda Imaaraadka, diidmadii ay arrintaasi ka muujiyeen wadamada carabta iyo qaabkii ay xukuumad ahaan u daaweeyeen. Maxamuud Xaashi oo arrimahaas iyo ku kaleba ka hadlaya ayaa yidhi;

“marka hore Juquraafi ahaan halka mandaqadi ee gobolkani ku yaalaa, dano caalamiya ayay abuureen. Dunidii oo dhan baa danaysay, wadamada dunida ugu xooga weyn sida, Maraykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha, Turkiga, dawladaha Gacanka carbeed iyo dalalka Midowga Yurub, dhammaan waxay yihiin kuwo danaynaya inay soo galaan ama saldhigyo ka helaan amaba dekeddo ka helaan. Tartan baa ka bilaabmay iyo ishirdin. Waxaana keentay, batroolkoodii oo dhammaanaya iyo noloshoodii oo soo koobmaysa, dhaqaale badana way hayaan, waxaanay doonayaan inay maalgalin ku sameeyaan qaaradan dihin ee afrika oo la boobaan Shiinaha iyo kua kaleba. Xukuumadihii xisbiga Kulmiye eek ala dambeeyay ee ay hoggaaminayeen Siilaanyo iyo madaxweyne Muuse Biixi, waxa aanu aaminsan nahay Somaliland inay muddo dheer ku soo jirtay oo aynu ka shaqaynaynay siyaasadeena dibedda, waxa aanu aaminsan nahay hoggaamiyeyaashii qarankan u soo kala dambeeyay, inaanay waxba qarankan ka hagran irbad iyo dhuub waxay galin karayeenba way galiyeen, markaanu fikirnay waxa aanu annagu u aragnay, inaynaan iibin karaynin siyaasad dux iyo iidaan aan lahayn. Siyaasad mudhmudh leh oo shandad saaran ma iibin karno, dunida waa in aynu dano ka iibinaa waa inaynu dano wadaag ogolaanaa, adduunkuna sidaas buu maanta u shaqeeyaa. Sidaa daraadeed, waxa isweydiin leh Somaliland miyaanay dano lahayn, ma wuxuun baynu dawarsanaynaa, ma caydh baynu nahay, waxan dunidu isku haysato ee geeska miyaynaan waxba ku lahayn. Waxaan leeyahay Somaliland waxay leedahay Dano badan oo dunidu doonayso oo la dawaynayo baynu gacanta ku haynaa, markaa waxaynu u baahan inaynu si xigmad iyo xeelad iyo xirfad leh inaynu u iibino. Sababtaas darteed ayaanu ugu dhiiranay inaanu dekedda Berbera maalgashi ku samayno, deyn ma heli karno, adduuna ma haysano, hadaynaan taas yeelin na weligeed way xidhnaanaysaa, intii berberi xidhnayd intaas oo dekedood baa hanaqaaday.” Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi

Ugu dambayn, Dadkii ka soo qaybgalay oo u badnaa dhalinyaro aqoonyahanno ah ayaa halkaasi Maxamuud Xaashi ku weydiiyay su’aalo la xidhiidha mawduuca, qaar ku saabsan mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo qaar ka hadlaya sida uu haatan yahay xidhiidhka isaga iyo madaxweyne Biixi

SHARE
Article hore“Madaxweynaha Qaranka Halaga Daayo Naanaysaha Xun Xun ee ‘Handaraab & Qaful’ Iyo…..”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here