Bilowgii Dhammaadka Dugsiga Sucuudiga

0
4

Qalinkii: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub

Dhacdooyinkii Hargaysa iyo Muqdisho ay kala kulmeen wadaaddadii Salafiyadu waxa ay ahayd dhacdo ugub ku ah dhammaan xarakooyinka, dadka u dhuundaloola iyo wadaaddada ay qabtani ku dhacdayba. Sababta oo ah afartankii sanadood ee la soo dhaafay dugsi-aragtiyeedkoodu wuxu ahaa hormoodka wadaaddada Soomaalida.

Dawladda Sucuudigu waxa ay xoogga saartaa faafinta aragtida Salafiga ah. Ereyga ‘Salaf’ waa erey carabi ah oo tilmaamaya wax tagay. Ujeedkiisa diiniguna  yahay; ka dabataggidda dadkii noolaa saddexdii qarni ee ugu horreeyey tirsiga Hijriga fahankoodii diineed. Waa fahanka ay wada haysteen afartii mad’hab, lixdii muxaddisiintu iyo mufarasiriin badan. Waxa aynu ka hadlaynaa waa hab-adeegsigiisa kooxaysiga ah ee u janjeedha mad’habta Xanaabilada.

Axmed Ibnu Xambal waa aasaasaha mad’habta fiqiga ah ee Xanaabilada, sida oo kale waa mid ka mid ah culimada xadiiska. Ismaandhaafkii ku saabsanaa Quraanku ma makhluuq baa ayuu ka qayb qaatay, isaga oo hormood u ahaa culimadii diiddanaa in Quraanka lagu sheego makhluuq. Imaam Axmed waxa uu adeegsan jiray ereyga ‘salaf’ waa sababta loogu aaneeyo in uu ahaa bud-dhigaha dugsiga salafiyada oo isaga mad’hab ahaan iyo fikir ahaan taabacsan.

Qarnigii siddeedaad ayuu mar kale magaca ‘Salafi’ noqday mid soo laba kacleeya. Ibnu Taymiya oo dagaal kula jiray; Shiicada, Muctasilada, Jahmiyada, Suufiyada iyo Ashaacirada ayaa dhufays ka dhigtay magacan si aan loo la wadaagin sheegashadiisa.

Adeegsiga ereyga salaf, wuxu ahaanjiray mid xujada loo adeegsado oo la yidhaa; fahankaygu waa kii saddexda qarni. Waxa se la xigtaystay kolkii uu u shaqayn waayey magacii Sunnigu. Sunni-waa cidda raacda Kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo habdhaqankii Rasuulka. Dalladda Sunniga waxa laga saari kari waayey Ashaaciro iyo Maaturidiya, sidaa ajligeed ayaa magacan ay ka dhigteen dhufays aan cid la lahayn.

Qarnigii laba iyo tobnaad wuxu ahaa barwaaqa-sooranka dugsigan. Waa markii uu helay dawlad aragtida salafiyada suuqgaysa. Maxamed Cabdiwahaab wuxu heshiis la galay oday Sucuud oo ah aasaasaha dawladda Sucuudiga. Heshiiskaasi wuxu ahaa dalka aan kula qabsado, adigu xukunka dawladeed qaado, dhashaadana dhaxalsiiso, anigana fikirkayga diineed faafintiisa ila garabgal.

Maxamed Cabdiwahaab wuxu dib u soo nooleeyey habraacii Axmed Ibnu Xambal iyo aragtiyihii Ibnu Taymiya. Salafiyadiina wuxu ka dhigay dugsi u cufan dhan walba; mad’hab ahaan Xanbali ah, fahan ahaanna Ibnu Taymiya waafaqsan, fahankiisii aaminaadeed ‘Caqiido’ waxa uu ku daray naaxnaaxinta qaybtinta Tawxiidka.

Sucuudigu kolkii ay shiidaalka heleen waxa ay dejiyeen qorshe isfidin aragtiyeed ah. Jaamacadda Maddiina waxa ay noqotay shabaqa u weyn ee dad lagu soo xerageliyo. Dunida Islaamka waxa ay u soo bandhigeen in qofkii doonaya in uu shareecada barto lacag la’aan ay ku barayaan, inta uu joogana masruufkiisa ay iyagu dammaanad qaadayaan. Waxa lagu soo wada hirtay aqoontaa bilaashka ah, iyada oo aan ujeeddadeeda runta ah la ogayn.

Ardaygii waxbarashada bilaashkaa soo doontay ee mad’hab aan ahayn Xanbalina haystay, caqiidadana laga yaabay in uu Ashcari ama Maaturidiya ahaa wuxu dalkiisa ku noqonayey isaga oo haysta mad’hab la yidhaa Salafinnimo iyo caqiido la yidhaa Salafinnimo.

Soomaalida waxa ka mid ahaa dad fursaddaa helay. Soo noqodkoodii waxa ay la yimaaddeen aasaasidda ururkii Jamaaca Islaamiya oo markii dambe noqday Itaxaad. Shaqadii ugu horreysay ee ay qabtaanna waxa ay ahayd in ay dagaal xeeladaysan ku qaadeen mad’habtii Shaaficiyada, dagaal badheedh ahna la galeen wadaaddadii Suufiyada iyo caqiidadoodii Ashcariyada.

Masalooyinka fiqiga ah ee Shaaficiyadu qabto si dadka looga weeciyo oo mad’habta Xanaabilada aragtideeda loo qaato waxa dadka hoosaasin looga dhigayey adeegsiga magaca salaf, si qofka looga leexiyo mad’habtiisa waxa lagu sheegayey in salafku sidan aanay qabin ee sida kale ay qabaan, dhammaanna waxa qaba mad’habta Xanaabilada aragtida la isku salafiyeeynayo.

Tusaale ahaan; bisinka in hoos loo akhriyo waa la isku salafiyeeyey, qunuudka salaadda subax joojintiisa waa la isku salafiyeeyey, ka waysaysiga hilibgeela waa la isku salafiyeeyey, haweenaydu xajka in aanay kaligeed tegi karin waa la isku salafiyeeyey iyo masaa’il badan. Kolkaa qofka waxa la raacinayey mad’hab la yidhaa Salafi, asal ahaanna ah mad’habtii Axmed Ibnu Xambal.

Dugsiga salafiga oo mararka qaarna loo garan ogyahay Wahaabigu afartankii sannadood ee ay Soomaalida dhexjoogeen waxtar badan oo xagga wanaagga ah waa ay sameeyeen. Tusaale ahaan; in ay wakhti badan galiyeen hubinta axaadiista sugan, axaadiis badan oo daciif iyo been abuur isugu jirana soo saareen, waa doorkooda shariifka ah ee taariikhdu ilaabi doonin. Waxa ay bidhaamiyeen khuraafad aan diinta sal ku lahayn oo diinta lagu lammanaynayey.

Fikirka Salafigu wuxu ku guulaystay riixidda xarakooyinkii saaxadda kula jiray, wuxu jaanis u helay in uu noqdo ilaha fataawaha Soomaalida. Wuxu isu dhigay in ay iyagu ummadda u noqdaan culimo. Dhulalka Soomaalidu degto intooda u badan magaalo kasta mufti ka noqdaan. Waxa aan la dafiri karin in ay noqdeen xarakada ugu weyn ee mujtamaca Soomaaligaa ka dhex wadda faafinta diinta Islaamka.

Dugsiga Salafiga oo muddo dheer saaxadda ku jiray waxa bilaabantay bilowgii dhammaadkiisa, waxana muujinaya arrimahan:

•               Isbeddelka aragtiyeed ee Sucuudigu qaatay waxa ay dhabarjab ku tahay aragtida Salafiga oo Sucuudigu saldhig u ahaa.

•               Khilaafka weyn ee u dhexeeya salafiyada dhexdeeda ee ku salaysan manhajku isna waxa uu qayb ka yahay soo degdegga burburkooda.

•               Qaabka ay u barbaariyaan ardaydooda ee keli-saxnimadu waa midda ugu weyn ee ummadda ka dhexsaartay.

•               In uu ku yaryahay wacdiga qalbiga dhisaa, kuna badan yahay muranka aan joogsiga lahayn iyo fataawaha qalalan.

•               Soo laba-kaclaynta Suufiyada nidaamsan ee si caalami ah u dhisani yadna waa mid jiritaankooda liddi ku ah.

Taariikhda waxa aynu ka baranay in aanu waarin fikir kasta oo lacag iyo awood lagu riixo. Waxa kale oo ay taariikhdu inoo sheegtay in aanay jiriddiisu raagin fikir kasta oo ummaddu liqi kari waydo.

SHARE
Article horeMadaxweyne Biixi oo Guddoomiyey Shir ay Maanta Isugu Yimaaddeen Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here