BOGGA SABTIILAHA AH EE BOOBE: Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

0
27

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 “Wadaamaha la dawdabay,

  Dan-yartay ka maqan tahay,

  Raacdadu ma daallana,

  Dorraad iyo shalay-jire,

  Doorka maanta noo jire,

  Dib-u-jire hadhow-jire,

  Ninba weel u daray baa,

  Deyn loogu leeyahay,

  Diiwaanka qarankiyo,

  Taariikhdu dug ma leh,”

 Kulmiye

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 6aad

22/12/2014ka Hargeysa,

Mar labaad waxaan isku deyayaa in wax yar ka iftiimiyo waxa Barnaamajkaa ka qabsoomay iyo waxyaabaha aan ka qabsoomin aniga oo ku dedaalaya in aanan ka been-sheegin. Taasna qoraalka ayaad ka garan doontaan, haddii ay mararka qaarkood gefaf iga dhacaanna raalli ha la iga ahaado. Waxaan isku deyi doonaa in aan si mowduuciya oo dhab ah u falanqeeyo Barnaamajkan aniga oo aan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda maanta jirta midnaba ka tirsanayn.

Waxa kale oo akhristayaasha u furan in haddii ay doonaan iska illoobaan falanqayntayda iyo faallooyinkayga oo ay iyaguba maankooda la kaashadaan waxyaabaha Barnaamajkaa ka hirgalay iyo waxyaabaha ka baaqday. Cid kasta oo faallooyinkayga fikir ka duwan qabta oo doonaysa in ay ka hadasho, dawgu waa uu furan yahay, habaarka iyo af-lagaaddaduna dibadda weeyaan.

Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ee doorashadii Madaxweynaha ee 2010kii, muxuu ka yidhi Baarlamaanka? Bal hadda immikana aan daalacanno isla Bogga 13aad ee aynu ku dhex jirnay. Akhristayaashu kuma qasbana ugumana talo-gelin in ay fikirkayga qaataan. Mar horto waxaan idiin soo gudbinayaa wixii uu Xisbiga Kulmiye ballan-qaad ummadda u sameeyay ee uu codadkoodii ka siistay. Mar labaadkana faallayn iyo falanqayn kooban ayaan raacinayaa.

Cinwaanku waa Baarlamaanka, waxa laga qorayna waa:

“Wuxu Kulmiye ballan-qaadayaa in uu Baarlamaanka kula shaqeeyo madax-bannaanidiisa uu Dastuurku siiyay iyo wada-shaqaynta labada Gole ee Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida).”

Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo Baarlamaan la shaqeeyay ma jiro e’, aynu runta isu sheegno oo nidhaahno Xukuumadda iyo Baarlamaanku sidee ayay u wada hawl-galeen haddii ay dhacdayba. Dafiri maayo xilliyo ay jireen Xukuumad iyo Baarlamaan wada shaqayn jiray. Xaqiiqadu se waxay tahay in ay Xukuumadda laba u kala yihiin labada Gole oo midna ay si hufan oo is-kaashi leh ula hawl-gasho, ka kalena ay maryo dhiigle kala furtaan xilliyada qarkood. Aniga oo aan hadalka idin ku dheerayn Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu si dhow oo is-kaashi leh xilliyada qaarkood uma ay wada shaqayn. Xukuumadda iyo Golaha Guurtidu se inta badan is-ma seegaan. Dhaqammada caynkaas ahi ma aha qaar ku fadhiya is-tixgelin bal se waa si daatiya oo shakhsi iyo danaysiba leh inta badan u dhaca.

Qodobkan Baarlamaanka ku suntan intaa kuma koobna. Waa uu sii socdaa waxaanu odhanayaa oo kale oo Barnaamajka Kulmiye, intaa hore ku kabayaa:

“Waxyaabaha bar-tilmaameedka u noqonaya Xisbiga Kulmiye ee la-shaqaynta Baarlamaanka waxa ka mid ah:

  • Hor-gaynta Mashruucyada sharci ee u baahan ansixinta Baarlamaanka,
  • Hor-gaynta Baarlamaanka miisaaniyad-sannadeedka Qaranka waqtiga uu tilmaamay Dastuurku, iyada oo ay Xukuumaddu ugu dhaqmayso sida uu go’aansaday Golaha wakiillada,
  • Hor-dhigidda Baarlamaanka Heshiisyada caalamiga ee Xukuumaddu dhinac ka tahay,
  • Hor-gaynta Baarlamaanka dhismaha hay’ad kasta oo la abuurayo si ay u hesho shakhsiyad qaanuuni ah (judicial Personality),
  • Dhaqan-gelinta shuruucda Goluhu ansixiyo,
  • Madaxweynaha xukuumadda kulmiye, wuxu ballan-qaadayaa in uu sannad kasta warbixin sannadeed siiyo fadhi wadajir ah ee labada Gole,
  • In uu xaaladda uu dalku ku sugan yahay uu mar kasta warbixin ka siiyo fadhi wadajir ah ee labada gole,
  • Wasiirrada iyo hawl-wadeenka hay’adaha kale ee Xukuumadda wuxu ballan-qaadayaa in uu hor-geeyo Golaha Baarlamaanka mar kastoo looga baahdo,
  • Xukuumadda Kulmiye waxay dhiirri-gelinaysaa wada-shaqaynta labada gole ee Baarlamaanka,”

Faallayn:

Mashaariicda sharci ee ansixinta u baahan oo dhan lama geeyo Golaha Wakiillada inta bandanna muranno aan dhammaan ayaa ka dhaca. Wax Miisaaniyad lagu sheego waa la hor geeyaa Golaha Wakiillada, bal se dhiillada iyo dhibaataduba waxay ku jiraan in aan Xildhibaannada la siin waqti ku filan oo ay kaga doodaan, ereyga ay dhaameelyahannadu inta badan adeegsadaanna waa duudduub ha lagu ansixiyo. Waxa la yidhi: “Meyd maxaa ugu dambeeyay, iyo kaa la sii sido.” Miisaaniyaddan 2015ku laba maalmood ma ay dhex oollin Golaha Wakiillada oo fursad lagaga doodaba lama siin Xildhibaannada. Oggolaanshaheedii waxa fadhiyay oo gacanta u taagay 39 ka mid ah Xildhibaannada xukuumadda sacabka u tuma. Mucaaradku sidii ay u dhammaayeen waa ay ka dareereen. Intaa ay jirtay Xukuumadda Siilaanyo miyaad maqasheen xisaab-xidhkii sannadlaha ahaa oo lagu sameeyay Miisaaniyadda? Subxaan!

Heshiisyada Caalamiga ah ee ay Xukuumaddan Siilaanyo soo gasho, inta badan lama geeyo Golaha Wakiillada, waana waxyaabaha muranka ugu badani ka dhaco. Waxa ugu badan ee la isku diidaa waa Heshiisyada mugdigu ku meersan yahay ee saldhigga u noqday ammaan-darrada ee la xidhiidhaha baadhista iyo sahaminta saliidaha (shidaalka).

Bal hadda, immikana aan eegno ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye ee arrimaha la xidhiidha Xukun-daaddejinta, waxaanay ku qoreen barnaamajkoodii:

“Horumarinta iyo xoojinta nidaamka xukun-daaddejinta (Decentralization), iyadoo la dhiirri-gelin doono Golayaal Degaan oo tayo leh oo ay hoggaaminayaan Maayarro aqoon leh oo tayo leh, ayadoo Maayarka iyo Maayar-ku-xigeenka si toos ah ay dadweynuhu u soo dooranayaan.”

Wax dhiirri-gelin ah lama samayn oo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda midna sidaas ma yeelin. Sidii ay ballanka ku qaadeen Maayarradii iyo Ku-xigeennadii lama soo dooran. Ta kale wax aqoon iyo tayo loo eegay ma aynu arag. Adigu isku soo duub oo goolkaasi muu dhalan.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here