BOGGA SABTIILAHA AH EE BOOBE: Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

0
29

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 “Wadaamaha la dawdabay,

  Dan-yartay ka maqan tahay,

  Raacdadu ma daallana,

  Dorraad iyo shalay-jire,

  Doorka maanta noo jire,

  Dib-u-jire hadhow-jire,

  Ninba weel u daray baa,

  Deyn loogu leeyahay,

  Diiwaanka qarankiyo,

  Taariikhdu dug ma leh,”

 Kulmiye

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 9aad

28/12/2014ka Hargeysa,

La-dagaallanka Musuq-maasuqa:

Hadda Barnaamajka Kulmiye ayaan idiin ka soo min-guuriyay, waxaanu qoray:

“Xisbiga Kulmiye, waxay ugu muuqataa in musuq-maasuqu yahay cunsur qayb weyn ku leh ragaadinta dhaqaalaha ummadaha, sababana dib-u-dhaca bulshada ku yimaadda, sidaas darted si loo xakameeyo musuq-maasuqa barriinsaday dalkeenna curdinka ah, wuxu Xisbiga Kulmiye ku tallaabsanayaa:

  • Hawl-gelinta shaqaale dawladeed oo ku salaysan tirada iyo tayada shaqo ee loo baahan yahay, loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin dabooli kara baahiyaha qofka caadiga ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale

Qodobbada ballan-qaadkan beenoobay haddii aynu marka hore wada taxno oo mar ka wada jawaaba is-nidhaahno in aan ku hafanno ayaa laga yaabaaye, aynu xabbad-qaadno:

Faallaynta kooban ee Qodobkan:

Waxay inaga ballan-qaadeen oo ay codadkeennii inaga siisteen in ay: “Hawl-gelinayaan shaqaale dawladeed oo ku salaysan tirada iyo tayada shaqo ee loo baahan yahay,”

Hadda markii ay doorashadu dhammaatay ee Siilaanyo ku guulaystay madaxnimadii dalka, waa uu iska dhigay xilkii Guddoomiyannimo ee Xisbiga. Kaadirkii iyo Hoggaankii Xisbigu Madaxtooyadii ma soo gelin ee cid kale ayaa dhexda kaga soo dhacday. Xukuumad kooxaysan oo taladii dalka gacanta ku haysa, iyo Xisbi faro-madhan oo dalcad halkaas ah lagaga soo guuray ayaa loo kala baxay. Sidii Xamarre hadhuudh qun u baxay ku degay ayaa xafiisyadii iyo shaqooyinkii loo boobay. Waxaynu arki jirnay Xukuumado is-beddela oo madaxda sare oo keliya la beddelo. Nimankani markii ay taladii dalka gacanta ku dhigeen ilaa taxatka ayay socdeen.

Waxay dadkii dib u xusuusiyeen tuduc ku jiray maansadii Ibraahin-gadhle ee Dirsooc oo ahaa:

“Durba miyaad illowdeen,

 Madfacii la dirayee,

 Orodoo dadweynaha,

 Deydayo la odhan jiray,”

Waa tuduc ku saabsan madaafiicdii faqashtu ridaysay ee aan cinwaanka lahayn ee la odhan jiray: “Halkii aad doontaba ku dhac.” Sidaas oo kale ayaa dadka shaqada lala doonayo la sheegay in lagu odhan jiray: “Orod soo eego meel lagugu magacaabo.”

Qodobkeennii inoo socday ku soo noqo. Weedhaas hore, waxa lagu kabayaa: “…. loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin dabooli kara baahiyaha qofka caadiga ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale.” Bal lama-aragtan kaalaya! Haddii aan been iska dhowro hal mar waa la kordhiyay mushaharka shaqaalaha. Waxa se dhinac taal oo aanu muran ku jirin in sannad walba cashuurta la kordhiyo oo ay Xukuumadeenna Isku-filan had iyo goor ku dooddo dakhligii ayaa kordhay. Waa miisaaniyad qalinka lala dabo-socdo oo mar walba la kordhinayo cashuurta, taasina ay sicir-barar iyo nolosha oo kor u kacda keenayso. Guud ahaanba dalka lacagta ugu badan ee wax lagu kala iibsadaa waa Doollar. Ma innagaa leh? Dhibaato intee le’eg ayuu ku hayaa nolosha mujtamaca sidiisa u tabaalaysan ee Somaliland?

Bal ku noqo Barnaamajkii Kulmiye ee ambadka ahaa. Isaga oo musuq-maasuqa ka hadlaya iyo waxyaabaha laga qaban doono ama tallaabooyinka laga qaadi doono, wuxu qoray:

  • Dejinta siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuq-maasuqa oo fulinteedu ka timaaddo kor ilaa hoos,

 

 

 

Faallayn aad u kooban:

Idinkaba aan idiin maragsado e’, ma cid baa haysa – aragtay ama maqashayba – siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuq-maasuqa? Miyaan intii hore u jirtay la tir-tirin oo aan wax walba la xalaalaysan. Miyaan cashuurtii wadhatada bakhtigu xalaasha u yahay la jideysan in loogu ololeeyo doorasho aabbaheed goblamay oo aan la garanayn goorta ay dhacayso? Ma cid baa daah ka saran yahay qedooyinka tiro-beelay ee la isugu faanayo?

Waxa kale oo uu Barnaamajkan Kulmiye ka hadlayaa: Hanti-dhowraha Guud. Wuxu qorayaa:

  • Madax-bannaanaynta Xafiiska Hanti-dhowraha Guud si uu xilkiisa u guto,

Faallayn aad u kooban:

Qoodhiin iyo xeradiin bal waxay inaga dhaadhicinayaan eega! Madax-bannaanayntu halkee ayay joogtaa? Waa xafiis u samaysan hadba ciddii la maagayo in lagu diro. Yaa isaga laftiisa ka musuq-maasuq badan? Bal idinka ayaan idin weydiiyay e’, meelna ma ku haysaan Hanti-dhowrahaa la sheegayo? Intaa ay jirtay Xukuumaddan aan la mahadin ee Siilaanyo Xisaab-xidh miisaaniyadeed oo la sameeyay weli miyaad aragteen. Hanti-dhowre ayay inoogu sheegayaan, malaha dadkuna wuxu u yaqaannaa Hanti-dhure.

Barnaamaj-baaskii ku soo noqo. Waa Bogga 17aad. Waa faqraddii ugu dambeysay qaybtan aynu ka hadlaynay, waxaanay u dhigan tahay:

  • Oggolaanshaha shaqo-gelintiisa iyo shaqo-ka-fadhiisinta Hanti-dhowraha Guud waxa ansixinaya Golaha Wakiillada,

Golaha Wakiillda yaa isla gaadhayba. Sidii loo magacaabay ayuu weli u joogaa qof u dhaamana weligood soo heli maayaan. Maxaa markaa laga beddeliba kol haddii uu u dhammaynayo wax kasta oo ay u baahdaanba.

Mid ma diiddani oo xukuumaddan isku-filan markii ay talada dalka la wareegtayba, waxay dhistay Xafiiska ama komishanka la-dagaallanka musuq-maasuqa. Bal se Komishankaasi mid tamariyay ma noqon. Waxaan is-leeyahay Xafiis waa kireysan yahay, shaqaalena waa joogaa, laakiin wax la qabtaa ma jiro. Abidkeen intii aynu soo jirnay maalin ama mar aynu ka musuq badan nahay inama soo marin. Bal qof walowba agtaada uun eeg inta duunyo lagu cunay.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here