BOGGA SABTIILAHA AH EE BOOBE: Ballan-qaad Afka ah….Dib Haddaan U Aammino

0
30

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino… (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 “Wadaamaha la dawdabay,

  Dan-yartay ka maqan tahay,

  Raacdadu ma daallana,

  Dorraad iyo shalay-jire,

  Doorka maanta noo jire,

  Dib-u-jire hadhow-jire,

  Ninba weel u daray baa,

  Deyn loogu leeyahay,

  Diiwaanka qarankiyo,

  Taariikhdu dug ma leh,”

 Kulmiye

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 4aad

20/12/2014ka Hargeysa,

Qodobka 3aad ee Himilada Xisbiga Kulmiye wuxu u dhigan yahay sidan hoos ku qoran:

Xisbiga Kulmiye wuxu ku naalloonayaa yegleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadiida talo-wadaagga ee ka soo jeeda diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

Faallaynta Qodobkan:

Qodobkan waxba ku sii tiigaali maayo ee bal hadda shacbiyahow idinku is-weydiiya in uu run yahay oo lagu dhaqmay iyo in kale. Waxaynu waqti iskaga luminnaba ma aha, maxaa yeelay arrinkuba wuxu taagan yahay in Xisbiga Kulmiye “Ku naalloonayo.” Haddii uu ku naalloonayay iyo haddii kaleba Xisbigii Kulmiye ee aynu codka siinnay talo iyo adduun midnaba faro uuguma jiraan. Markaa hawaawigiisu muxuu ina tarayaa?

Intaana waxaan ku soo dhaafayaa saddexda Qodob ee ay inoogu sheegeen himilooyinka Xisbiga Kulmiye.

Intaa haddii aynu soo aragnay, Xisbigii Kulmiye ee aynu codkeenna ka siisannay barnaamajkan aan la mahadin, wuxu gelayaa ballan-qaadyadiisii aan la fulin sida ay aniga ila tahay. Ciddii iga ra’yi duwanina fikirkeeda in ay dadweynaha u soo ban-dhigto oo ay kayga deedafayso ayaa habboon. Hadda aniguna ma hadlin ee qoraal baahsan ayaan aragtidayda ku soo ban-dhigay oo ay tahay in sidaas oo kale lagaga jawaabo. Malaha idin kama qarsoona sida “facebuugga” loogu qaadaa-dhigay arrinkan ama gorfayntan. Dadku wax I dhalliilay oo ku mahadsan kol haddii ay qormooyinkaygii akhriyeen oo ay ka fal-celiyeen, iyo wax igu taageerayba waa ay leeyihiin, abaalna labada dhinacba waan ugu hayaa. Qoraallada ay dhibtaasi iga soo gaadhay kuma qanacsani mid meelaha iga eegta oo muran aabbihii goblamay ii la yimaadda. Ninkii wax isku hayaa badka ha yimaaddo oo dadweynaha fikirkiisa ha u soo bandhigo.

Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye, isaga oo ka hadlaya: Taabbo-gelinta Xukun-wanaagga dalka (Good Governance), Wuxu qoray 2010kii:

“Dawladda maanta noo dhisani waa mid tamar-daran oo baahiyaha horumar ee qaran ee jira inaga saari karin. Waa mid aan la jaan-qaadi karin casriga maanta jira. Maamulka dawliga ahi wuxu ka jiraa dhawr gobol oo qudha, ma wada gaadhsiisna dalka, hoosna looma daaddejin maamulka dawladda. Golaha Wasiirrada ee maanta jira wuxu ka kooban yahay dhowr iyo konton Wasiir, Wasiir-ku-xigeen iyo Wasiiru Dawle oo aan tayo lahayn.”   

Inta hore ma iska dhaafnaa oo xigashadan aan xaqiiqada ku fadhiyin inta ugu dambeysa ma ka soo qabsannaa. Bal hadda weedhan u fiirsada:

“Golaha Wasiirrada ee maanta jira wuxu ka kooban yahay dhowr iyo konton Wasiir, Wasiir-ku-xigeen iyo Wasiiru Dawle oo aan tayo lahayn.” Waa Xisbigii aynu codka siinnay oo ka hadlayay dawladdii Daahir Ra’yaale ee ay beddeleen. Waxay ina leeyihiin sida kor ku qoran: Tiro-badnaanta Golaha Wasiirrada iyo tayo-xumaantoodaba wax ayaanu ka qabanaynaa. Sidee ayay wax uga qabanayaan? Isla barnaamajkan ballan-qaadka ahaa dhammaadka Bogga 11aad ayay kaga hadlayaan, waxay ugu yeedheen: DHISIDDA DAWLAD KOOBAN. Oo maxay odhanayaan? Waa kuwan iyagii oo nidar ku gelaya in: “Kulmiye marka uu ku guulaysto hoggaaminta dalka, waxa uu samaynayaa:

  • Gole Xukuumadeed oo kooban,
  • Tayo leh,
  • Iyada oo Kulmiye ku shaqayn doono samaynta jiritaanka wasaarad ama hay’ad kasta oo xukuumadeed, xilkeeda, qaab-dhismeedkeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha kale ee dawladda.
  • Xigto-Isaga oo hay’ad kasta u magacaabaya cid aqoonteeda leh.
  • Dhismaha xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo hawlihiisa u muhiimsan ay ka mid tahay ilaalinta shuruucda iyo faafintooda.”

Waxay ila tahay in aan loo baahnayn in aan qodobbadan sare faallo ka bixiyo. Waxaynu isku soo koobi karnaa in aynu halkan dhowr su’aalood isku weydiinno.

  • Gole Wasaaradeed oo kooban ma la sameeyay sida Xisbiga Kulmiye ballanta ku qaaday mise tii hore looga cabanayay ayaa la baro-dhaafiyay?
  • Wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadadeed dadkii ku habboonaa si hufan oo waddaninimo leh ma loo xulay? Mise aabbahay goblin ayaa xilalka lagu magacaabay?
  • Gole Xukuumadeed oo la soo koobo ha joogto e’, ma la tirin karayaa tirada La-taliyayaasha Madaxweynaha?
  • Intee qof oo aan wax shaqo ah Xukuumadda iyo dadka midnaba aan u qaban ayaa mushahar qaata oo suuqa iska jooga?
  • Ilaa intee in le’eg ayay korodhay tirada dheg-maalka, indho-maalka, gacan-maalka, lug-maalka, af-maalka, uur-maalka, qurbo-maalka, xigto-maalka, xidid-maalka, qolqol-eedka iyo wax-baas-maalka dadka lagu dhex daadiyay si ay u soo xuuraamaan? Miyaad weli tiriseen inta qof aan ummadda u adeegin ee mushahar ku qaata: xil-ka-dege-xurmeysan, xil-suge xammuuran, xil-quude qatan iyo wax la mid ah oo aanan halkan ku tixi karayn?

Waa tii oo dimuqraaddi loogu daray ma maqli jirteen? Waxaanu leenahay waa tii oo ku darsatay ‘Land-cruiserro’ ilaa dhowr iyo afartan kun ah oo dollar ah oo daruuraha ransanaya, muraayaduhuna u dallacan yihiin. Subxaan! Mise tolow aqoonsigeenna ayaa sidaa ku jira oo waa sir ay xukuumaddani soo heshay.

Bal hadda xusuusta ayaamihii ama dharaarihii Madaxweyne Cigaal xilka hayay. Beryahaa Landcruiserradu waxay ahaayeen ama joogeenba ilaa toban kun ama dhowr toban kun dollar. Haddana lexe-jeclo uu dal iyo dadba u qabay awgeed waa kii wasiirrada ka dejiyay Landcruiserradii ee Mark II-yada dhammaantood wada saaray, qof qof ku dhegay oo laga furfuri waayay mooyaan e’. Nin rag ahi waa ogaa, doqonna loo sheegi maayo. Ilaahay ha u naxariisto e’ Cigaal hanta iyo guryo midna kama dhiman. Hore ayuu hantidiisii siyaasad iyo gobannimo-doon ugu xaraashay. Guryihii uu aabihii ka dhaxlay oo faras-magaalaha qabyo ku ah oo dunsan ayuu ka dhintay, iyo hadaaqeenna maantu wuxu yahay. Subxaan! Tolow halkee la inagu kala xisaabi doonaa.

(La soco berri haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here