HUBAALMEDIA.COM
Boobe Yuusuf Ducaalle Oo Ka Sheekeeyey Hal-abuurka Hees 70 Sanno Ka Hor Curatay Oo Axmed F. Idaajaa Tafsiir Qaldan Ka Bixiyey Qisadeeda
June 18, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Yuusuf Xaaji Aadan Oo aan xuquuqdiisa sheegan karayninna Wuxuu Ii Sheegay In dadkii   maalintaas ay marayeen dalcadda buurta Sheekh la socday   uu kamid ahaa nin la odhan jiray……”

boobe yuusuf

Hargeysa(Hubaal):-Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale sida oo xeer dheere ku hawlan ururinta taariikhda suugaanta iyo weliba sooyaalka kale ee bulshada Soomaalida gaar ahaanna Somaliland ayaa   soo bandhigay ciddii sameysay erayada iyo weli ba laxanka heesta “Soomaaliyeey Toosoo Isku Tiirsada.”, oo muddooyinkii dambe ay soo baxaysay dad kala duwan oo siyaaso kala durugsan u sheeganaya curinta erayada iyo laxanka lu dhan heestaasi oo imika hees qaran u ah dalka Soomaaliya.  Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) oo hada ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu si faahfaahsan uga hadlay muranka ka dhashay heestaasi isaga oo si cad u soo bandhigay cidda lahayd erayada heestaasi iyo weli ba laxanka ku ladhan ba, waxaana uu sheegay in abwaankii weynaa ee Yuusuf Xaaji Aadan Qabile uu lahaa erayada heestaasi oo hada uu sheegtay nin la yidhaahdo Cali Mire oo ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

Boobe Yuusuf Ducaale, waxa sida oo kale uu si xog-oggaalnimo ah uu u soo bandhigayaa wakhtiyadii la sameeyey heestaasi iyo weli ab sida oo kale sheekooyin ku saabsan heestan oo dhex-martay isaga iyo Yuusuf Xaaji Aadan Qabile iyo weli ba sida oo kale wakhtiyadii ay dawladda Siyaad Barre heestan u qaadatay in ay noqoto heestii calanka Somaliya oo illaa hada ay u adeegsadaan.

Mujaahid Boobe, waxa sidan uu ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyey wariye Barkhad Maxamed Kaariye, waxaana uu ugu horeyn Boobe naqdiyey barnaamij ka baxay idaacadda codka maraykanka laanteeda afka Soomaaliga oo baahisay in hal abuurka curiyey heestaasi uu ahaa nin la odhan jiray Cali Mire. “Shalay [xilliga waraysiga laga qaaday maalin ka hor] ayaa waxaan dhegeysannayay idaacadda VOA-da iyadoo Axmed Faarax Cali [Idaajaa] uu barnaamijka dhaqanka kaga hadlayay [sooyaalka] heesta Soomaaliyeey Toosoo, dabadeedna markaan dhegeystay ee barnaamijkii dhammaaday ayaa waxa uu sheegay in heestaas uu iskalahaa Cali Mire, midhihii heestana wuu tiriyey iyadoo laba qaybood ah, qayb Ta-ley ah oo qaafiyaddu T tahay iyo qayb Alifley ah oo gebogabada heesta ahayd”. Sidaas ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale, waxaanu intaa ku daray “1985-kii ayuu heestaas waxaa nidaamkii Siyaad Barre u qaatay inay noqoto heesta astaanta qaranka, xilligaas anigu waxaan ku sugnaa Magaallada Diridhabe waxaanan ka tirsanaa ururkii gobanimo doonka ahaa  ee SNM, laga bilaabo maalintaas ayay heestaasi noqotay wax lagu murmo laakiin wixii maalintaas ka horreeyey cid soo hadal qaadi jirtay mayjirin. Berigaa inyar baan [heesta qisadeeda] ka qoray oo waxaan ku qoray jariirad yar ama wargeys yar oo wareegiisu iska koobnaa oo ururku lahaa, waxaanan kaga sheekeeyey maalin uu Yuusuf Xaaji Aadan Qabille [Aabihii 2aad ee waxbarashada Somaliland] iiga sheekeeyey qisada heestaas, waxaan jecellahay inaan sheekadaas idiinka dhaco: waxay ahayd 1976-kii, waxaan joogay oo aanu Yuusufna waxa joognay magaallada Muqdisho, galab bay ahayd salaad casar laga soo baxay waxaanan joognay halkii la odhan jiray National Theatre-ka, Yuusuf gaadhi yar oo uu wadan  jiray oo 850 ahaa ayuu ka soo degey dabadeed waxaa uu iiga sheekeeyey heestaas Soomaaliyeey Toosoo”. “Yuusuf Xaaji Aadan Waxaanu xilligaas ka wada tirsanayn qabanqaabada bandhig heer qaran ah oo la odhan jiray bandhiga fanka iyo suugaanta oo loogu diyaar garoobayay bandhiga dhaqanka iyo fanka ee beellaha madow oo berigaas ku qabsoomay dalka Nayjeeriya, guddidaas waxaanu ku ahayn shan xubnood oo kala ahaa Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille, Xuseen Sheekh Axmed Kadarre, Maxamed Cali Kaariye, Siciid Saalax Axmed iyo Aniga. Gelinka hore tiyaatarka ayaanu joogi jirnay oo aanu baroobada dhagaysan jirnay galinka dembena waxaanu qorsheyn jirnay bandhigaas. Xuseen Sheekh Aadan Kadarre wuu dhintay, MaxamedCali Kaariye wuu dhintay, Yuusuf Wuu dhintay, garanmaayo maanta inta nool,  berigaas  buu Iiga sheekeeyey heesta oo wuxuu Yuusuf Igu yidhi; heestu waxay ahayd 1947-kii oo aan curiyey, wuxuu ii sheegay in xilligaas uu ku sugnaa dugsiga Sheekh oo uu macalin ka ahaa, wuxuu ii sheegay in markuu midhaha heesta dhammeeyey uu iyagoo dalcadda maraya inay codka iyo laxanka lagu qaadoba dhammeeyeen, Yuusuf wuxuu sheekadaas iigu daray in dadkii Soomaalida ahaa eemaalintaas la socday ay marayeen dalcadda buurta Sheekh in uu kamid ahaa ninka la odhan jiray Cali Mire oo isna macalin ahaa, ma garanayo in uu maanta nool yahay in uu dhintay, anigu anoo carruur ah baan Hargeysa ku garanayaa oo xishmad iyo qadarinba iga mudan, haddii uu dhintay naxariistii janno Illaahay ha siiyo. Intaas kadib waxaa uu Yuusuf ii sheegay in markii ugu horreysay ee heestaas meel fagaaro ah laga qaadaa ay ahayd xaruntii xisbiga Leegada ee magaallada Gaalkacyo, dabadeedna heestii halkaas bay ka tagtay oo waxay tagtay Muqdisho, codkooda waxaa ku qaadi jiray dad badan oo uu kamid ahaa Qaasim Hilowle oo ahaa Faadumo Qaasim Aabaheed, ooahaa nin dheer oo xoog wayn oo madow oo cod laxaad leh lahaa ninkaasaa qaadi jiray, anigu sidaasaan kumaqay qisada heestaas oo Yuusuf Xaaji Aadan Oo Maanta Mootan oo aan xuquuqdiisa sheegan karaynini iigaga sheekeeyey. Waxaan maqlay in markii heestaasi noqotay heesta astaanta qaranka ay sheegteen dad badani, Cali Mire mid buu lahaa, Faadumo Qaaasim oo sheegatay iyaduna oo tidhi heesta aabahay baa lahaa markaa anigu Cali Mire wax alliyaale wax aan odhanayaa ma jirto xishmad iyo xaqdhow buu iga mudan yahay laakiin waxaan leeyahay in heestaas oo qaafiyadeedu tahay T uu lahaa Yuusuf”.  Mr. Boobe mar uu Weriye Barkhad su’aalay sababta keentay in guusha heestaasi ay dad badani sheegtaan waxaa uuyidhi “sababta waxaa keenay in markay caan noqotay ee ay hees Soomaaliyeed oo baahday noqotay oo qof waliba qaaday oo meel walbalaga qaaday kolka horena ay halgankii gobanimo doonka astaan u ahayd in caan baxeeda uu ku jiray magaca qofkii curiyey,qofkii laxanka sameeyey, kii muusiga tumay markaa maynaan maqli jirin dadkaasoo dhan xataa Yuusuf baynaan 1985 ka hormaqli jirin”. Sidaas ayuu yidhi Boobe.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews