Booliska Magaalo Dhan Oo Mexico Ku Taala Oo Xabsiga La Dhigay

0
1

Dhammaan askartii ka tirsanayd ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii la dilay musharax u taagnaa xilka duqa magaalada.

 

Arrintan waxa ay ka dhacday magaalada Ocampo, waxaana dhacday in la diley Fernando Ángeles Juárez oo ahaa musharax u taagan xilka duqa magaalada Ocampo.

 

Wax ka badan 100 siyaasiyiin ah ayaa lagu diley dalka Mexico, ka hor doorashooyinka 1-da July dhacaya.

 

Askarta booliiska magaaladan ayaa ka koobnaa 27 askari, kuwaas oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay saacadihii hore ee Axadda.

 

Dilka musharaxa ayaa waxaa looga shakiyay xoghayaha amniga ee magaaladan, kaas oo markii ciidamadda federaalka ay soo gaareen magaalada, dambeena in ay xiraan waxaa is hor taagay booliiska.

 

Balse saraakiisha federaalka ayaa la yimid ciidamo dheeraad ah, kadibna xabsiga u taxaabay dhammaan askartii booliiska

Xigasho: BBC

SHARE
Article horeSababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun-W/Q: Cali Cabdi Coomay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here