Boorama: Madaxweynaha Oo Kormeeray Buundada Isku Xidha Magaalada & Jaamacadda Cammuud

0
1

Boorama-Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Buundada isku xidha jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama oo dhismaheedu in muddo ah socday, horena madaxweynuhu u dhagax-dhigay.

Maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, Mudane Axmed Yuusuf Maxamed, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey halka ay marayso Buundadu, waxana uu tilmaamay inay ku han weyn yihiin inay dhawaan dhammaato.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maareeyaha iyo hawl-wadeennada kale ee hay’adda horumarinta waddooyinka ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen dhismaha buundada, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay xil iska saaraan dhammaynteeda.

Buuntada isku xidha Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama, ayaa halbawle u ah isu socodka jaamacadda iyo magaalada, waxana uu madaxweynuhu isaga oo dareensan muhiimadda waddadan uu ballan ku qaaday dhismaha iyo hirgelinta Buundadaas muhiimka ah.

SHARE
Article horeMadaxweyne Biixi Oo Ka Qayb-galay Qalinjebinta Dufcaddii 18-aad ee Ka Baxda Jaamacadda Cammuud
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here