HUBAALMEDIA.COM
Boqor Buur-madow Oo hadal Adag Kaga Falceliyey Fadqalalada Lagu Diidan Yahay Xukunka Go’aanka Maxkamadda Ciidamadu Kasoo Saartay Dilka Taliyihii Booliska ee Saaxil
July 27, 2016 - Written by Mustafe Faro

“Waxanmaqlayey rag dhagaxaan tuur tuurayey, dhaqan baynuna lahaan jirney ahaa ninka wax dhima ee dembiilaha ahi dadka cafis buu weydiisan jirey, dhagaxaan, waxana aanu leenahay walaalayaal Waddadii ay lahayd Maydaan Marin…”Boqor Buur-madow.buur madow

Hargeysa (Hubaal)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa ka hadlay xukunkii dhawaan maxkamadda ciidanka qaranku ku riday eedaysanayaashii loo haystay dilka taliyihii Booliska ee gobolka Saaxil, Marxuum Casayr, waxana uu sheegay in xukunka raggaas lagu riday oo dil u badnaa uu hambalyeynayo.

Boqor Cismaan oo isagoo ku sugan gobolka Sanaag arrintan ka hadlay, ayaa ka digay mudaharaadada gobolka Saaxil ka dhacay ee xukunkaas lagaga soo horjeedo, waxana uu ku sheegay wax dhaqanka caadiga ah ka baxsan, “nabaddu cid walba waa u dan, waxana aan maqlayey rag dhagaxaan tuur tuurayey, dhaqan baynuna lahaan jirney ahaa ninka wax dhima ee dembiilaha ahin dadka cafis buu weydiisan jirey, dhagaxaan iyo rabshad iyo waxaasina dhaqankeena ma aha.” Ayuu yidhi boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.

Boqorka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dadka xukunka diidan ay u ekayd inay cafis u doontaan cidda dhibtoodu hore u gaadhay, halka ay mudaharaadada ka samaynayaan, waxana uu yidhi,“Xukunka ka dhacay Hargeysa  aad iyo aad baanu u hambalyeynaynaa, waxana aanu leenahay wallaalayaal wadadii ay lahayd ee dhaqanka ahayd ee dembiga ka calaacalkiisa iyo cafis inaad doontaan  may daan marin, dadka reer Somaliland-na way arkayaan, tolkuna wixii ay noola yimaadaan waanu sugaynaa.”

Boqor Cismaan, ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha ka socda waddada Ceerigaabo iyo Burco, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay waddadaas dhamaystiraan, si ay taariikhda ugu gasho madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE,“waxqabadka waddada ceerigaabo aad baanu hambalyeynaynaa, waxana aanu rajaynaynaa inay waddadaas dhamaystiri doonaan inta aanay xilkooda ka deign, taasina waxa ay noqon doontaa taariikh uu madaxweynaha xilka haya iyo xisbigiisu ka tegi doonaan, waxana aanu leenahay dhameeya reer Somaliland oo dhammina way idin garab taagan yihiin.”ayuu yidhi boqor Buur-madow.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews