Borobogaandada Iyo Qabyaaladda Is Huwani Waa Aafo Inna Haysata. Cumar Axmed Cali. Q/ 2aad.

0
1

Qormadii hore waxaan ku  soo qaatay siday iskugu xidhan yihiin hadal badnaanta iyo himilo yaraantu. Waxa kale oo aan ku soo qaatay mid ka mid  ah  dhowr caqabadood oo aan doonaya in aan qormooyin dhowr ah idinkula wadaago.

Qormada  maantana waxaan ku soo qaadan-doonaa haddii Alle idmo  CAQABADII 2aad oo ah, siday Borobogaandaha iyo qabyaalada is huwani   u naafeeyeen  koritaanka dhaqaale ee wadankeena.

Sideedaba horumarku waxa uu ka dhashaa maalgalin lagu sameeyo dhulkaaga hooyo, taa soo u qaynsanta  mid  ay muwaadiniintu maalgashadaan  iyo mid uu shisheeyuhu maalgashado, (local investment and foreign investment).

Waxa’se  daruuri ah in ay meeshaasi   ka jirto xasilooni siyaasadeed iyo mid amni oo laysku haylayn karaa.

Xaqiiqooyinka wadankeena yaalaa waxay ina tusinayaan  in  borobogaanduhu uu yahay caqabada ugu weyn  ee maanta  hortaagan in la maalgashado  dhulkeena.

Waxaana taa lagu sababayn karaa,  bulashada  oo aan wali goosan  midho ka soo go’ay maalgalin lagu sameeyay dhulkooda hooyo.

Waxa kale oo iyana jira kooxo ay shaqadoodu tahay  in ay turun-tureeyaan talaabo kasta oo ay  u arkaan in ay horumar soo kordhinayso,  waxaanay mar walba u taagan yihiin  sidii ay u fashilin la haayeen mashaariicda horumarineed ee ay bulshadu u haraadan tahay.

Hubka  ugu weyn ee ay u adeegsadaan  dibindaabyaynta  dhaqaaluhu  waa   borobogaande ay huwiyeen shaadh qabiil, waxaanay si xirfadaysan  bulshada uga marin habaabiyaan ujeedooyinkooda dhagaraysan ee  ay maalin walba  la dhex kuutinayaan.

Markay doonayaan in  ay bulshada ka daahaan  xaqiiqda dhabta ah ee meesha taala, waxay  farta ugu  fiiqaan in ay jiraan kooxo gaara  iyo reero gaara  oo doonaya in ay  ka faa’iidaystaan khayraadkii ay ummaddu wada la hayd, taasina ay tahay midda  ay meesha dheer ka arkayaan.

Talaabooyinka  noocaasi ahi waxay bulshadu  kala kulantaa  dhowr arimood oo aan haboonayn:- waa midda koobaade  khayraadkii ay ummaddu la hayd ayaa  noqda miday dhexda ku duubtaan  shaqsiyaad iyo reero  is xulufaystay oo carqaladeeyay talaabo kasta oo lagaga faa’iidaysan lahaa.

Haddii ay cidi isku-daydo  in ay  maalgashato khayraadka ku duugan dhulkeena, way iskaga  huleeshaa markay ka gayoon waydo caqabadaha isdabayaale ee  ay maleegayaan kooxaha horumarka ku xajiimoodaa.

Waxay kale oo ay bulshadu ku sii nagaataa xaalad saboolnimo iyo dhaqaale xumaan ah.

Waa midda labaade  waxa mararka qaarkood bilawda  kacdoono abaabulan oo lagaga soo horjeeda mashaariic  horumarineed oo  dadku ay baahi weyn u qabaan,  waxaanay taasi  abuurtaa  qalalaase iyo iska-hor-imaadyo khatar galiya amniga guud ee  ay bulshadu  hoos hadhsanayso, sidoo kale waxa laga badin waayaa in lagu mitido  ilaalinta amniga oo qudha,  waxa kaloo  iyana  yaraada  rajadii  ay shacabku ka qabeen inay maruun ka faa’iidaystaan  khayraadka ku duugan dhulkooda, taa soo  ogolaysiisa  in ay  daawade uun ka ahaadaan waxay  dunida kale qabsanayso.

Waa midda seddexaade waxay  bulshadu noqotaa mid kala daadsan  oo aan la hayn  wax ujeedo ah oo ay ku  midaysanyihiin, sidoo kale ay la dageen  loolanno xoogan oo u  dhexeeya beelaha  isku deegaanka ah.

Hadaba markay yaraato kalsoonida  ay isku-qabaan  bulsho ay noloshu mataanaysay,   waxa adkaanaysa in  ay dhidibada u taagaan mustaqbalka ay ku riyoonayaan, waxa kale oo adkaanaysay in ay la yimaadaan  talaabooyin  ay ku midaynayaan maalkooda,  muruqooda iyo masgaxdooda, taa soo laf-dhabar u ahaan lahayd dadaalada ay ugu jiraan horumarinta dhulkooda,  waxa kale oo ay   ibo fur u noqon la hayd  koboc dhaqaale oo xoogan, kaa soo ka hanaqaada gayiga aynu  ku nool nahay.

Hadaba sababta ay kooxahaasi  u hardaamaynayaan bulshadoodu  waxay leedahay wajiyo badan oo  u baahan in si xeeldheer loo lafo guro, marka  la doonayo  in si waadax ah bulshada loogu iftiimiyo mashaakilaad ay ku hayaan.

waxa’se u jeedadaydu tahay inaan shacabka dareensiiyo halkay ka dhutinayaan meesha ay tahay, iyo siday ugu afduuban yihiin kooxo uu yoolkoodu yahay in ay shacabka ka dhigtaan gabood ay ku raadsadaan danahooda gaarka ah.

 

Waxa kale kooxahani jaanis ay si firfircoon ugu kowlgaan ka dhigteen wadajir la’aanta, isla-xisaabtan ka’aanta iyo damanaanta bulshadeen, taa saana ku dhiirisay in ay ku dul noolaadaan danyar gaajaysan oo waayahoodu  cusleeyay. La soco. By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed@gmail,com/0634244802.

SHARE
Article horeGolaha Deegaanka Hargeysa Wuu Hagraday Horumarintii Caasimada. W/Q: Geele Cumar Coofle
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here