HUBAALMEDIA.COM
“Bulsho-yahay Siyaasiggaaga Ayaa Dan-laawe Ahe, Muqdisho Danbi Malaha”
August 28, 2016 - Written by Mustafe Faro

W/Q: Maxamed Cali Bile

ina cali bileHabeen dhaweyd ayaan TV-ga ka daawadey siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda Soomaaliland oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho iyaga oo ka cabanaya sida loo qeybiyey xildhibaanada aqalka sare ee baarlamanka iyo guud ahaanba go’aanadii ka soo baxey shirkii madasha. Siyaasiyiintaasi iyo odayaashaasi waxa ay mid mid u muujiyeen cabasho iyo calaacal iyo inaan xaqoodii la marin. Arrintaasi waxa ay igu dhalisey inan youtube-ka furo oo an mar labaad daawado khudbad an beri hore daawadey oo uu madaxweyne Cigaal (AHUN) u jeediyey labada gole muddo qiyaastii laga joogo 20 sanadood. Khudbaddaasi waxa uu kaga warramey markii u horeysey ee siyaasiyiin ka socota Soomaaliland ay tegeen magaalada Muqdisho 1957-kii si ay uuga qeyb galaan shir ay yeeshaan shanta Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu ka waramey sidii uu u dhacay midowgii Soomaalia iyo Soomaaliland 1960-kii . Marka ad dhageysato khudbaddaasi, waxa kaaga soo baxeysa in hoggaamiyayaashii. Soomaaliland ee 1960-gii ay ahaayeen dad aan laheyn barnaamij cad oo ku saabsan dawladnimada iyo midnimada Soomaaliya. Waxa kale oo kaaga soo baxaya iney ahaayeen dad iska jibbeysan oo aan damac sidaa u fogba ka laheyn siyaasadda oo la mirqaansanaa Xamarta la tegey. Waxa keli ah oo aad khudbadda ka fahmeysaa in siyaasiyiintu ay ku socdeen taageerada dadkooda oo jeclaa midnimo Soomaaliyeed, balse aaney laheyn isteraatejiyad hoose oo wax lagu qeybsanayo oo dawladnimo lagu dhisanayo. Marka ad khudbadda madaxweyne Cigaal (AHUN) sii dhageysato, waxa kaaga soo baxaya, in siyaasiyiinta ka socotey Soomaaliland ee Xamar tegey 1960-gii ay ahaayeen ama dad qeyru mas’uul ah ama dad aan aqoonba u laheyn dawladnimada oo aan barnaamij wadan, si fiicanna aan isugu diyaarin ciyaarta siyaasadda ee Soomaaliya ka socotey. Wax kale iska daayoo, Cigaal oo madax u ahaa siyaasiyiinta Soomaaliland, muu ogeyn kamanuu qeybgelin shirkii baarlamaanka ee lagu ansixinayey qodobada midnimada labada dhinac.

Haddey tahay siyaasiyiintii 1960-kii iyo haddey yihiin kuwa maanta Xamar tegey, labaduba waxa ay miiska soo dhigaan dood aan run badan ku fadhiyin oo ah in Soomaaliya ay khiyaameysey oo ay caddaalad darro kula dhaqantey Soomaaliland. Sidaasooy tahay, marna miiska ma soo dhigaan waxa lagu khiyaameeyey iyo heshiiska la isku ogaa ee la jabiyey. Khiyaamo waxa la yidhaa marka wax lagu heshiiyey oo la kala qortey la jabiyo. Siyaasiyiintii 1960-kii Xamar tegey iyo kuwa maanta tegey labaduba waxa ay aqbaleen iney ahadaan qaar safka siyaasadda xagga danbe kaga jira. Waxa ay labada qoloba raali ku noqdeen in marka wax la qeybsado la siiyo hadhaaga. 1960-kii, 10-kii mansab ee ugu weynaa dawladdii Soomaaliya laga dhisey 1960-gii, midna lama siin siyaasiyiintii ka soo jeeddey Soomaaliland, raali ayaaney ku ahaaayeen oo wey aqbaleen. Kuwan iminka joogaa waxa ay heysteen fursad aad u weyn oo ay ku doodi karaan in maadama ay ka soo fallaagoobeen dadkoodii, midnimadana ay ilaalinayaan, in kuraasida koowaad iyo labaadba iyada la siiyo. Ayaan darradu waxa ay tahay, damaca noocaas ihiba kuma jiro, marka horeba, kumaney sii talo gelin iney meeshaa wax weyn ka goostaan. Waxa keli ah ee kuu soo baxaya in siyaasiga Soomaaliland ka socdaa yahay DANLAAWE aan barnaamij ku socon oo marka ay arrintu isla rogtana, calaacal kula soo hoos noqdey ummaddiisii.

Anigu waxa an ku garaadeystey umadda Soomaaliland oo cabaneysa oo leh waa lana khiyaameeyey iyo waa lana xumeeyey. Sanadihii an ardeyga ka ahaa Muqdisho iyo intii ka danbeysey waxa an tegi jirey meelaha dadka iyo dhalinyarada Soomaaliland ka soo jeedda ku kulmaan. Waxa an maqli jirey cabashada iyo calaacalka iyo isciilkaambiga ay ku hadlayaa dadka wax bartey ee rumeysnaa in dawladnimada Soomaaliya ay ku fadhido caddaalad darro iyo sida ay muhiimka u tahay in laga dhiidhiyo oo laga dagaalamo. Dareenka noocaas ah waxa sal u ahaa iyada oo la rumeysnaa in koonfurta Soomaaliya ay khiyaameysey Woqooyiga. Waxa iyana an maqli jirey in aqoonta dawladnimada Soomaaliya ay ku fadhidaa tahay ta dadka woqooyiga ka yimid oo isku tilmaami jirey iney yihiin dad aqoon sare leh oo ingiriisku wax barey, halka ay u arkayeen in dadka koonfurtu ay yihiin dad aan aqoon badan laheyn oo aan dawladnimada dan ka laheyn oo been iyo khiyaamo ay Talyaaniga ka barteen wax ku wada. Fikirka noocaas ihi waxa uu ahaa mid yar iyo weynba laga simanyahay. Laga soo bilaabo 1991 iyo wixii ka danbeeyey, waxa ii soo baxdey in koonfurtu aaney doqomo aheyn ee ay si fiican u garanayaan waxa ay rabaan, balse ay tahay siyaasiyiinta Soomaaliland oo markaa hore iyo iminkaba aan si fiican u garaneyn waxa ay doonayaan

Dagaaladdii dalka ka dhacey xiligii uu dalka ka talinayey Siyaad Barre (AHUN), waxa an taariikhda ku heyna iney sal u aheyd caddaalad darro iyo dulmi ay dawladdii jirtey ku heysey gobolada Soomaaliland. Waxase aynaan isweydiin sida dulmigaasi ku yimid. Dulmigaasi intiisa badani waxa uu ahaa damac xukun ku saleysan oo qabiil adeegsanaya. Balse waxa iyana jirtey, sababo kale oo ay ka mid aheyd siyaasiyiintii ka soo jeeddey Soomaaliland oo markii la qadiyey ee ay xumaan tirsadeen ee badhkood la diley, ayey dadku u adkeysan waayeen waxa lagu hayo madaxdoodii. Sababtu waxa ay doonto ha ahaatee, waa siyaasiyiin laga adkaadey oo soo calaacaley waxa loo hiilinayey. Waxa aan marna meel lagu sheegin, waxan inaga lafteena inaga qaldan marka ay timaaddo wax iska cleinta siyaasadda iyo damaca hoggaaminta!

1991 iyo wixii ka danbeeyey, Soomaaliland iyo dadkeeda, taladdii ayaa gacanta uuga soo gashay oo waxa la filayey iney saxayaan wixii ka qaldamey. Horumar aad u balaadhan waa la sameeyey oo dalkii ayaa dib loo dhistey, nabad iyo horumarna waa lagu wada noolaadey. Guulahaa ka sakow, waxa ii soo baxdey, in dhinaca siyaasadda, gaar ahaan arimaha ku aadan Soomaaliya, in jilicsanaan iyo aqoon darro badani jirto. Waxa iyana ii soo baxaya in aan casharba laga baran wixii la soo marey. Siyaasiyiiteena iyo Wadaadkeenu waxa aanu weli fahmin tiirarka salka u ah siyaasadda koonfurta Soonmaaliya. Tiirarkaasi waa SADDEX oo kala ah: (1) Damac Dhul Ballaadhsi, (2) Damac Dhaqaale iyo (3) Damac Xukun. Labada hore ayuunbaa muhiim ah. Marka Soomaaliya laga hadlayo, xukunka waxa loo doontaa si awood loogu helo dhaqaale iyo dhul. Hadduu yahay siyaasi iyo hadduu yahay mutacalim iyo hadduu yahay wadaad Diinta ku xeel dheer iyo hadduu yahay ganacsade, saddexdaa ayuunbuu u shaqeynayaa qofka muuqda ee Soomaaliya joogaa. Sidii beeluhu u kala xoog roonaayeen ama u kala feejignaayeen ama u kala dhaqaale badnaayeen. ayuunbaa saddexdaa arimood loo kala badsadey

Siyaasiga Soomaaliland ka tegey ee Muqdisho tegey 1960-gii iyo kan maanta tegey, midkoodna malaha damac noocaas ah. Xataa bulshada Soomaaliland oo dhan ayaaney saddexdan qodob muhiimadda koowaad u aheyd. Waa sababta meel kasta oo ad dunida ka tagto oo Soomaali iskugu timaado ad u arkeyso in markasta dadka ka socda Soomaaliya ay kaga horeeyaan kuwa Soomaaliland dhaqaale ahaan uugana dhuun daloolaan maamulada dalalkaa ay joogaan. Waa laga yaabaa in dadka qaarkii yidhaahdaan reer koonfureedku waa tuug iyo been ayey ku noolyihiin iyo waa dafdaflayaal. Tey doonaan wax haku keeneene, iyagu hadaf ayey leeyihiin, waaney ka dhabeeyaan

Qof ad is heysaan waad ogtahay oo waad isheysaan, markaa qaladka xagiisa kaaga yimaadda waabad ku tala gashaa. Waxase isweydiin leh, horta miyaan casharba la baran? Waxa muhiim aheyd in la isweydiiyo, MAXAA INAGA INAGA QALDAMEY? Suurogal maaha inaan ka sheekeyno uun Xamar ayaa na khiyaameysey ileyne. Marka an TV-ga ka daawadey siyaasiyiinta iyo odayaasha Xamar ku qabtey shirka jaraa’id ee ka cabanaya sida Baarlamaanka Muqdisho loo qeybsadey, runtii kamaan nixin, balse WAAN U KHAJILEY. Qofka siyaasiga ah oo inta uu diidey wixii ay ku tashadeen dadkiisii ee inta uu Hargeysa iyo Burco iyo Boorama ka tegey Muqdisho tegey ee yidhi anigu waxaa dadkeygu ku tashadeen waan ka soo horjeedaa oo midnimo Soomaaliyeed ayaan rabaa, lamaan yaabin. Dhinaca marka laga eego waa raganimo inu qofku mabdi’iisa cadeysto oo uu hirgeliyo. Waxase an la yaabey, wixii ad dhibtaa u martey, ee ad khatarta siyaasadeed u qaadatey cidla ka taagnow oo cabasho iyo calaacal miciinso ayaa i mari waayey. Maanta fursadda uugu weyn ee madaxtinimo ee dadlka Soomaaliya waxa iska leh qof ka soo jeedda Soomaaliland, waa haddii uu garto siyaasadaha iyo khiyaamooyinka meesha lagaga dhaqmo. Siyaasiyiintan shirka jaraa’id qabtey, iska daa Soomaali ay hoggaanka u qabtaane iyagaaba tabaaleysan oo u baahan taakulo. Cabashadii 60 sanadood an ku soo jirney ayey weli wadaan. Waxa ay weli ka hadlayaan waa lana dulmey. Waxa ad mooddaa qoti qaxooti ah oo cabanaya

Baqashada uugu weyn ee i heysaa intaa hore midna maaha. Soomaaliland iyo Soomaaliya weli waxbaa ka dhexeeya. Waa laba dhinaca oo wax wada lahaa oo aan weli si sharci ah u kala bixin. Hadal badan iyo gorgortan badaninan uu u hadhey. Waxa an rumeysanahay in siyaasiga Soomaaliland jooga iyo inta indheergaradka ihiba aaney si fiican u fahmin sida ay u shaqeyso siyaasadda ka jirta Soomaaliya. Taasi waxa ay i gelisaa, in iska daa wixii tegey oo, haddii maanta mar kale la isasoo hor fadhiisto in ay markasta gacanta sare yeelaneyso Muqdisho. Siyaasi kasta oo Soomaaliya ka soo jeeda waxa ajandihiisa uugu jira inu Soomaali oo dhan xukumo. 10 shirkadood ee uugu waaweyn Hargeysa 6 ka mid ah Muqdisho ayaa laga leeyahay. Ganacsadaha Xamar. jooga iyo wadaadka Xamar joogaa waxa uu ku tashanayaa inu ka ganacsado oo uu weliba xukumo Hargeysa iyo meel ka shisheysa. Hadda waxa laga yaabaa in dadka sidaa u fiukiraya aaney taladooda iyo xukunkoodu dhaafin xaafad Muqdisho ka tirsan. Hadana hamigaasi uu ku jiraa. Inaga siyaasigeena xamar tegey weli kamuu fikirin inu maayar ka noqdo Muqdisho, kamanuu fikirin inu Soomaaliyaba xukumo. Waxa niyadda kaga jirta inu marka reer Soomaaliya wax qeybsadaan, in isagana wax loo garto

Muqdisho waxa la ciyaaraa kubbad la ogolyahay inad lugta ku laaddo, oo ad gacanta ku qabsato oo ad madaxa ku dhufato oo ad la orodoo si ad u gaadho saddexda hadaf ee an kor ku soo sheegey mid ka mida. Inagga kubadda hal nooc uunbaa la ina barey, oo ah in lugta uun lagu ciyaaro. Cilladdan ina heysata kuma koobna oo keli ah siyaasiga, balse waa cillad bulshadeena ku dhan, haddey tahay mutacalimkeeda iyo haddey Wadaadkeedaba

Iminka oo an qoraalkan qorayey ayaa arkey saaxiibkey Yusuf Garaad oo gidaarkiisa facebook oo ka hadlaya siyaasadda Soomaliya, waxaanu yidhi: #Isbahaysi_Siyaasiyiin_ma_ahan_sida_Guur_ee_waa_sida_Ganacsi_ _Jacayl_ma_hago_ee_Dan_ayuu_ku_saleysan_yahay#

Alla Mahad Leh

Maxamed Cali Bile

qorane bile@gmail com

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews