BURCO: Taliyihii Ciidammada Taraafikada Ee Gobolka Togdheer Oo Geeriyooday Xilli Uu Ku Gudo Jiray Baadhayay Shil Baabuur

0
38

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum  Dhamme Cabdilaahi Maxamed Faarax (Soofadhiiste)

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada qaranka Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Dhamme Cabdilaahi Maxamed Faarax (Soofadhiiste) oo ku geeriyooday habeen hore  oo ay taariikhdu ahayd 31/01/2018, magaalada Burco ee gobolka Togdheer, tacsi taa la mid ahna waxa uu madaxweynuhu u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay.  Marxuumka oo ahaa taliyaha qaybta taraafikada ee Togdheer ayaa ku geeriyooday shil gaadhi wakhti uu ku guda-jiray  waajibaadkiisa shaqo, gacantana ku hayey shil ka dhacay agagaarka cigaal Hotel ee magaalada Burco saacadihii danbe ee xalay, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey taliye hawlkar ah oo ka baxay qaranka iyo ciidamada booliska Somaliland, ahaana taliye ku dayasho mudan. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, Ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here