Buug Lagu Ururiyey Tirakoobka Labka & Dhediga reer Somaliland Oo Xukuumaddu Soo Bandhigtay

0
1

“Hay’addaha Caalamiga Ah Iyo Wadamadda Somaliland Taageeraaba Way Ku Hawlgali Karaan Xog-ururintan”

Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda qorshaynta qaranka ayaa shalay soo bandhigtay buugga tirakoobka raga iyo haweenka ee Somaliland iyo sidoo kale duruufa ku gedaaman.

Kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta oo uu ugu horeeyo wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha wasaaradda caafimaadka, masuuliyiin ka socota safaaradda dalka Sweden iyo xubno ka tirsan ururada bulshada gaar ahaan haweenka.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta Mud. Cawaale Ibraahim Shirwac oo ka waramay ujeedada kulanka iyo sidoo buugga laga sameeyay tirakoobka raga iyo haweenka ayaa yidhi “buugani waxa uu ka turjumayaa halka ay raga iyo dumarku kaga jiraan Arimaha caafimaadka,siyaasadda,arimaha bulshadda iyo kor u qaadista xirfadooda ee xaga haweenka taasi oo aynu odhan karno maanta somaliland haweenku door muuqda ayay kaga jiraan xadii aynu odhan lahayn xaga siyaasadda oo xukuumadda madaxwayne muuse biixi kor ayay u soo qaaday kaalinta ay haweenku xukuumadiisa kaga jiraan,markaas buugani waxa uu sheegay in haweenku xaga ay waxbarashadda kaga jiraan meel fiican. “Markaas buugan aanu soo saarnay ee waaxda xog uruurinta wasaarada qorshayntu waxa ay ka turjumaysaa sida ay haweenku ku yihiin dhamaan dalka waana xog uruurin dhab ah oo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka laga keenay waxaana loo baahan yahay in xog uruurinta wasaaraddaha dalku ku hawl galaan oo dhamaantood ay taabanayso,waxaanan leeyahay haay’addaha iyo wadamadda somaliland taageerana way akhrisan karaan oo way ku hawl gali karaan dhamaantood.

 

Agaasmaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Xergeeye oo halkaasi ka hadlay ayaa isna yidhi;  “Waxyaabihii halkan la innoogu soo gudbiyey oo runtii ay ka muuqatay xaga dumarka ay ka galayaan shaqooyinka, ama kuwo sare ha noqdaan ama kuwo hooseba iyo xaga waxbarashada, labadaba inay hooseeyaan, taas Waxaynu doonaynaa in innaga oo og muhiimada ay dumarku u leeyihiin guud ahaan qaranka iyo qoyska.”

SHARE
Article horeMadaxweyne Biixi Oo Kulan la Qaatay Wefti Qaramada Midoobay Iyo Urur-Goboleedka IGAD
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here