“Caalamku Wax Buu Ka Baran Karaa Sidii Somaliland Uga Guulaysatay Maleeshiyaadka”

0
1

Michael Rubin, Xeeldheer Arrimaha Millatariga Oo Warbixin Ku Faalleeyey Sida Soomaaliya Oo Dawladda Maraykanku Ay Ku Taageerayso Sannadkan  $900 Oo Milyan Oo Doolar Aanay Haddana  Waxba Uga Qaban Dhinaca Ammaanka Dalkeeda,

Hargeysa(Hubaal)- Aqoonyahan  Michael Rubin oo ah Xeeldheere Millatari oo Maraykan ah ayaa  warbixin uu shalay ku daabacay warsideyaasha caalamiga ah wuxuu  ciwaan uga dhigay “Caalamku wax buu ka baran karaa sidii Somaliland uga Guulaysatay Maleeshiyaadka.”

Mr. Rubin Wuxuu warbixintan ku faalleeyey sida Soomaaliya oo Dawladda Maraykanku ay ku taageerayso sannadkan  $900 oo Milyan oo Doolar aanay haddana  waxba uga qaban dhinaca Ammaanka dalkeeda, taasina ay Maraykanka ku tahay tacab khasaar. Waxaanu xusay in Soomaaliya ay ku guulaysatay  horyaalka dalka ugu musuqmaasuqa badan Adduunka oo  ay xataa ka sii liidato   dalalka Yemen, Waqooyiga Kuuriya  iyo  Venezuela.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo faallada Mr.  Michael Rubin  ka soo xigatay Warsidaha Foreign Policy, ayuu ku sheegay in Somaliland ay miisaaniyaddeeda oo dhan  $350 Milyan oo Doolar ay Saddex meeloodow meel geliso Ammaanka iyo Gaashaan-dhigga.

Mr. Rubin wuxuu xusay inuu soo bandhigay siday Maraykanka lagama maarmaanka ugu tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan oo uu socdaal ku tagay bishii hore.

Khabiirku wuxuu ku dooday in lacagaha Soomaaliya la siiyaa ay tahay mid keenaysa wakhti lumis isla markaana fawdo sii gelinaysa dalkaas, waxaanu carabaabay in khaladaadkii Maraykanka iyo Qarammada Midoobay ay ka sameeyeen Ciraaq ay mid la mid ah ka sameynayaan Soomaaliya.

Waxa kaloo uu naqdiyey Safiirka Marayanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto  oo uu xusay inaanu iman Somaliland, isla markaana dhaqaalaha loogu yabooho Soomaalida  uu doonayo in lagu isticmaalo Soomaaliya oo kaliya, waxaanu tallabadaas ku sifeeyey mid ka hor imanaysa siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ee ku wajahan Afrika.

Mr.  Michael Rubin   wuxuu intaas ku daray in Dawladda Maraykanku ay lacag xad dhaaf ah ku bixiso ka hortagga maleeshiyaadka caalamka ka jira, balse wax aad u yari ka midho dhalaan dedaalkaas, waxaanu  qiray in Somaliland ay maleeshiyaadkeedii gobollada oo dhan ay ku guulaysatay inay iskugu geyso hal ciidan qaran, waxaanu caddeeyey in hannaankii ay u maareysay Maleeshiyaadku ay cashar u noqon karto  meelo badan oo caalamka ah.

SHARE
Article horeQasaali: Xujadii Islaamka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here