“Caarre Ciidankiisii Waa La Noo Soo Celiyey, Isagana Waxa Laga Yaabaa Inuu Dhawaan…”

0
3

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Ciidammadii Caarre Raacay Soo Noqdeen, Tiknikadii Uu Watayna Uu Meel Ku Xeraystay, Dalkana Ka Dhoofayo

Hargeysa (Hubaal) – Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiim-baro) ayaa sheegay in Ciidammadii Qaranka Somaliland ee hore ula socday Kornayl Caarre ay dib u soo noqdeen.

Badhasaabka oo shalay Saxaafadda ugu warramay Magaalada Hargeysa oo uu safar shaqo ku joogo ayuu sheegay in Ciidammadii la socday ay dib u soo noqdeen, inkasta oo aanu sheegin Cidda soo celisay ee ka shaqaysay inay ka tanaasulaan Mowqifkoodii hore.

Guddoomiye Tim-baro oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Caarre Ciidankiisii waa la noo soo celiyey, isaguna shakhsi ayuu noqonayaa.”

Maxamed Tiim-baro waxa kale oo uu sheegay in Caarre uu Tiknikadii uu watay uu meel ku xeraystay, isaguna dalka ka dhoofayo “Tiknakadiina meel buu ku xeraystay, isagana waxa laga yaabaa inuu dhawaan innaga dhoofo…”ayuu yidhi.

Kornayl Caarre ayaa sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland oo uu ka mid ahaa, waxaana isaga iyo Tiro Askar ah oo la socotay ay fadhiisin ka samaysteen degmada Qardho ee Puntland.

SHARE
Article horeU-marag-furka 26-kii June ee Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here