Cabashadda Madaxweynaha Maalinkaas, Maaha Fiicnaantii Madaxweynihii Shalay

0
1

Cabashada laga muujiyo Madaxweynaha maalinkaas xilka haya, waxa loo aaneeyaa fiicnaantii Madaxweynihii shalay, laakiinse, sirtu ku jirta halkaasi, waa faham la’aanta hab-dhaqanka dabeecadda hoggaamiyahaasi uu jecel yahay iyo qaabka hoggaamineed ee uu ku maareyn jiray xaaladdaha qaar markay la soo darsaan, ama fahan la’aanta wanaaga lagu jiray maalinkaas, akhriste bal fahan maanta aad barri garatide.

 

Haddii aynu dib u yara milicsano shalay abuuristii nabad-galyada iyo xasiloonidii ka dhalatay fahankii fiicanaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho dhalkiisa, kaasoo ahaysiisay maanta jawi degan iyo rajo fiican aynu ku guran doono maalmaha soo socda midhihii ay beereen Madaxweynayaashii hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, si aanay barri u wiiqmi karin kobacii is daba jooga ahaa midho dhalkiisa,  waxa gun-dhig u ah xal-u helida khasaarahaas in wax laga barto hab-dhaqanada dabeecadihii  hoggaamineed iyo habka hoggaaminta ay ku maareeyeen xaaladdihii kala duwanaa, si aynu taasi u xaqiijino waa in aynu ku sameynaa is barbar-dhi, laga  dheehan karno muuqaaladii kala duwanaa ee inooga muuqanayey hab-dhaqanada dabeecadahoodii hoggaamineed iyo qaabka hoggaamineed ee ay ku maareyn jireen xaaladdaha qaarkood Madaxweynayaashii Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sida aynu wada ogsoonahay Aduunka waxa ka jira Madaxweynayaal badan, laakiinse, aad bay u yar yihiin inta hoggaamiyayaal ahi, haddaba, marka aynu eegno  Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Aw-Cali oo aanan maanta jili karin muuqaalka hab-dhaqankiisii hoggaamineed ee uu ku soo maareeyey, wakhtigii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Marka aynu intaasi ka nimaadno, Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta Hillaadinta, taasoo uu u sii marin jiray dadka dhamaan talaabooyinka iyo nidaamka geedi socodkiisii hoggaamineed wakhtigii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hoggaamiyayaasha ugu muhiimsan ee ku guuleystaana waa kuwa leh arragti fog iyo jiho hillaadineed, kuwaasoo badanaaba kaga dhabbeeya himmiladii ay hiigsanayeen.

Waxa kale oo ka mid ahaa Hoggaaminta Sinaanta, waxaanu awood siin jiray shaqaalaha ka hawl-gala xarumaha dhexe ee dawlada, taasoo lagu ogaaday cilmibaadhis qaadatay muddo dheer,  inay tahay habka ugu wax-tarka badan ee  ay kuwada wada-qanacsan yihiin aduunku.

 

Waxa kale oo uu ahaa Tababare hoggaamineed, waxaanay ahayd mid shaqadeedu ay aad u sareysay, oo fadhiyey goobta natiijada laga hagaajinaayey hawlaha  waxqabad ee loo baahna, run ahaantii, sida aynu wada-ogsoonahay Madaxweyne Cigaal hoggaamintiisii waxa gacan weyn ka geystay taageerayaashiisii oo soo saaray  horumarinta xirfaddiisii, taasoo siinaysay Niyad, dardar-galin iyo dhiirigalin dheeraad ah.

Waxa intaasi uu sii dheerayd oo uu lahaa abuurista sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaaminta Kooxda,  taasoo lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga himiladdiisa lagu gaadhayey ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo iyo jiho hillaanideed.

 

Taasoo, ka shaqeysiisay dhamaan wixii ku lug lahaa wadnaha iyo maskaxda xukuumadii uu hoggaamiyaha ka ahaa, sida aynu wada garowsan nahay kumay lug yeelanin wadashaqeyntii iyo aaminaada iskaashigii saaxiibtinimo, caqabadihii ugu badnaana ee ka hor yimidna waxaynu ka fillanaynay in uu ku guuleysan doono, inkastoo laga yaabo guuldarada hoggaamintan inay keento  tayada hogaamineed ee liidata, balse, waxa ay ahayd mid aad u sareysay tayadiisa hoggaamineed.

 

Waxa sidoo kalena uu u isticmaali jiray xaaladda qaarkood Hoggaaminta sharciga, taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla markaana uu gacanta ku hayey dhamaan masuuliyadda xukunka dowlada, oo gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la taliyayaashiisa, iyadoo aan laga doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg ah loogu fuliyo hawlihii loo baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto,  manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo hoggaamintan inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.

 

Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, laakiinse, ay yar tahay  taageeridoodu.

 

 

 

Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin’na uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta sharciga, taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla markaana, gacanta uu ku hayen jiray dhamaan masuuliyadda xukunka dowlada, oo gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la taliyayaashiisa, iyadoo aan laga doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg ah loogu fuliyo hawlihii loo baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto,  manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo hoggaamintan inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.

 

Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, laakiinse, ay yar tahay  taageeridoodu.

 

Halka, uu ka isticmaali jiray abuurista sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaaminta Kooxeed,  taasoo lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga himiladdiisa lagu gaadhayey ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo iyo jiho hillaanideed.

 

Madaxweynihii Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta go’aan qaadashada awoodeedu hooseyso ee Hoggaaminta tallo-wadaaga ah,  manaanu jeclaysan jiray in uu gacanta ku dhigo dhamaan masuuliyada  xukunka dowlada, inkastoo uu lahaa go’aan mas’uuliyadeed oo kama dambeys ah, inkastoo lagu yaqaano hoggaamiyaha tallo-wadaaga ah  in uu awooda xukunka dowlada u wakiisho dadka kale, ka go’aamiyaan mashaariicda shaqo.

 

Haddana, muuqaalka gaarka ah hoggaamintiiisii ee ugu muhiimsaneyd, ayaa ahayd mid leh xidhiidhin firfircoon oo aad u sareysay, ama ugu hooseysay, kaasoo tixgalinaayey hab-xisaabeedka, waxaanay ka mid tahay kuwa la doorbido, laakiise, waxay u baahataa caddaalad, karti, hal-abuur, geesinimo, daacadnimo iyo aqoon xirfaddeed.

 

Waxa kale oo uu lahaa Hoggaaminta Curinta Isbeddeldoonka, taasoo ku dhiiri-galinaysay dadku inay sameeyaan qorshayaal ka badan sidii markii hore loogu tallo-galay qorsheyaasha, iyadoo waliba in badan laga fikiray suurto-galnimaddeeda, isla markaana laga filan karo qorsheyaashaas in lagu gaadhi karo wax-yaabo badan oo aad u sareeya wax-qabadkeedu.

 

Xoggogaal ahaan, hoggaaminta waxay u eeg tahay mid haysata go’aano badan iyo taageerayaal badan oo leh awood aad u sareysa.

 

Halka uu ka isticmaali jiray xaaladdaha qaar Hoggaaminta Ganacsi,  ee lala xidhiidhiyo dayactirka is bedelka geedi-socodka hawlaha, oo siinaysay abaal marino degdeg ah taageerayaashiisii raacsanaa, iyadoo lagu fulinaayo amarka hoggaamiyahaas, taasoo noqon karta dhawaaqyada heshiisyada aassaassiga ah ee diiradda lagu saarayo wax is-dhaafsiga.

 

Halka, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi’na uu leeyahay sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaamin muujinaysa kacdoon awoodeed ee Hoggaaminta Socodka, taas macnaheedu maaha isbeddel anshaxeed, xaqiiqdii waxay astaan u tahay isbeddelka ay aaminsan yihiin taageerayaashiisii, hoggaamiyayaasha hoggaamintan ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid madax-bannaan oo ka soo jeeda asal ahaan hoggaamiyeyaashii hore,

Laakiinse, haddii aanu u diyaarsaneyn in uu wax ka beddelo wixii sababaya hab-dhaqanka iyo dabeecadaha oo uu talaabo sharciya ka qaado, gaar ahaan,  qaab-dhismeedka dabeecadaha, waxa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan  dabeecadaha gaarka ah ee  ay  kala duwan yihiin ujeedooyinkoodu.

Waxa kale oo uu leeyaahay sifaha Hoggaamin xeeladdeed,  marka loo eego bilowga cusub iyo in baahi loo qabo wixii suuro-gal ah dhameystirkeeda, iyadoo loo maraayo hab-qoraaleed xulasho sare leh oo tifatiran, wax-tarkeeduna waxay keentaa  koboc dhaqaale, marka loo eego dabeecadaha laga fisho inay ku yimaadaan ururada xilliyada isbedelka hoggaamineed,  taasoo ku lug yeelata fikradahaa xeeladdeysani boqolkiiba shan iyo koton (55%) .

 

Halka uu ka isticmaalo Habka Hogaaminta Fududeynta ee ku tiirsan hadba natiijada cabirka qiyaaseedka baahid ka jirta dalka, run ahaantii, maaha xirfad, laakiinse, waxay dhalisaa xirfad aad u sareeysa, wax-tarkeeduna wuxuu toos ula xidhiidhaa sida ay u socdaan hawlaha wax-qabad, haddii ay kooxdu tahay mid ay aad u sareeyso shaqadeedu,  waxa uu u  isticmaalaa gacan iftiimaysa habka geeddi-socodka hawlaha, laakiinse, haddii uu  hoos u dhac ku yimaado shaqadana, wuxuu noqdaa hoggaamiyahaasi  mid  siinaaya dardar-galin dheeraada  kooxdiisa, kana caawiya sidii ay u hirgalin lahaayeen hawlaha ay qabanayaan.

Wax-tarkeedu waa mid ku lug leh habka kormeerida dhaqdhaqaaqa kooxdiisa, kaasoo bixinaaya tallooyin ku saabsan qaabka nidaamka hawluhu ay u socon lahaayeen iyo talaabooyin ka caawinaaya, sidii ay u sii jiri lahaayeen hawlaha waxqabadka ee ay ku hawlan yihiin.

 

Haddii aynu dib u milicsano luuqadii dublamaasiyadeed ee uu ku sii sagootiyey kumanaankii kun ee ku sii sagootiyey gegida diyaaradaha London International Airport, ka dib, markii ay u soo dhamaatay booqashadii gaabneyd ee uu ku joogay dalka Ingiriiska (UK), Madaxweynihii hore ee dalka koonfur Africa, Nelson Mandela,   bishii July, 9-keedii sannadkii 1996-kii.

 

Madaxweyne Nelson Mandela, oo la hadlaayey qurbo joogtii ku sugnayd dalka Ingiriiska, waxa uu ku yidhi: “Haddii maanta aan xidhnaan lahaa koodh weyn oo jeebado waaweyn leh, waxa aan idinku guri lahaa jeebadahaa waaweyn, ka dibna, waxaan idinla raaci lahaa diyaaradda illaa iyo dalkeenii”  hadalkaas oo dad badan ku kiciyey ladhkii xiisaha iyo xamaasada badnaa ee ay u hayeen, kaasoo, markii danbena isku badaley inay ilmo ka tibiq layso indhaha dadkii sii sagootiyayey Madaxweyne Nelson Mandela.

 

Inkastoo laga dheehan karo hadalka Madaxweyne Nelson Mandela in uu ku abuuray rajooyinkii ay ku gaadhi lahaayeen guushii ay ku soo hooyn lahaayeen hadafkiisii uu ku horumarin lahaa dadka iyo dalka koonfur Africa.

 

Halka, Madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi’na uu ku sii sagootiyey khudbad uu ula jeeday shaqsiyaad qurbo joog ah oo ka mid ahaa taageerayaashii Xisbiga Midnimadda iyo Horumarka ee  Kulmiye, kuwaasoo quuddareynaayey xilalka dowlada cusub ee uu soo magaacibi doono, markii uu ku guuleysatay jagada Madaxweynenimada  Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi:  “Waxaydun eersan doontaan fartiina”,

 

Fariintaas oo ku abuurtay niyad jab boqolaal kun oo aan iyaga loola jeedin oo ka mid ahaa taageerayaashii Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo filanaayey dheggahooda inay soo gaadhaan hadalo dublamaasiyadeed oo aan xanaf lahayn,  oo ku abuurta niyad fiican iyo ididiilo wanaagsan.

 

Dhacdadaas oo ay bwaanadu ka curiyeen midhaha heestan la magac baxday Teyga oo ay ku luuqeyn doonaan hobolo aan wali magacyadooda la shaacin.

 

Magaalooyinkaan tegay

Iyotuulo waxaan maray

Gaadhiga taraarsani

Wuxuu tiiro illa koray

ama taayir ii baxay

Anoo tiigso idhi meel

Wuxuu turusku  ii go’ay

Dhul aan laydhku wali tegin

Anoon haysan tellefoon

Waxaan  taar ka soo diray

Iyo tellekas laga baxay

Sidii aad u tagi lahayd

Taashkiyo kursiga dheer

Waxaan tacab u soo maray

Markaad gaadhay taadii

Haddii aan xil la ii tirin

Sow la iguma tacadiyin

Haddii aan xil la ii tirin

Sow laguuma tacadiyin

 

Waxaan tiriyey heesaha

Saarleyda loo tumo

Tubta waxaan ku soo riday

Kumanyaalo kaa tagay

Waxaan teeyo iibsaday

Iyo suudhadh lay tolay

Anigoon ku talo galin

Waligay inaan tago

Wixii aan tog iyo dhagax

Tafay buuro dhaadheer

Tabca iyo ka baxay dow

Sidii aad u tagi lahayd

Taashkiyo kursiga dheer

Waxaan tacab u soo maray

Markaad gaadhay taadii

Haddii aan xil la ii tirin

Sow layguma tacadiyin

Haddii aan xil lay tiring

Sow layguma tacadiyin

 

 

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

SHARE
Article horeHaweenay Orod Jimicsi Ah Samanaysay Oo Lugaheeda Ku Doonatay Xabsi !!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here