Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Afar Masuul Oo Kale Oo Maxkamad Lasoo Taagay

0
1

Addis ababa (Hubaal) Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa hore uga mid ahaan jiray.

Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xidhiidha ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xidhey guri ku yaalla magaalada Addis Ababa 27-dii bisha, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

Lama oga in Cabdi qareen loo ogolaaday iyo in kale, balse waxa ay u muuqataa in la mariyay nidaamkii madaniga ahaa ee habraaca garsoorka, taas oo ah in dacwadda marka hore furo xeer illaaliyaha, booliiska xidhaan, kadibna maxkamad ka geeyo 24 saac gudahood.

Source: BBC

SHARE
Article horeMaxaa Sii Hurinaya Colaadaha Soomaalida Iyo Oromada?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here