Cabdillaahi Cukuse Oo Xasarad Ku Tilmaamay Hadallo Uu Madaxweyne Ku xigeenka UCID Ku Duray Safarka Madaxweynaha

0
25

“Cabdirashiid Xasan Mataan Maraykan Ayuu Ka Yimiye Wuxuu U Baahan Yahay In Maabka dib loo baro inay laascaanood Gobolada ugu muhiisan kamid tahay”

cukuse iyo doodaHargeysa:(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa jawaab adag u diray Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Ucid Md Cabdirashiid Xasan Mataan, waxana uu ku eedeeyey inuu xasaradeeyey socdaalka Madaxweynaha.  Wasiir Cukuse oo  ka hadlayey Safarka Madaxweynaha, gaar ahaan socdaalkii uu Toddobaadkan ku tegay Magaalada laascaanood, ayaa si maldahan u sheegay innuu Cabdirashiid Caan ku yahay afxumada,   “Markasta in marka laga hadlayo xasilooni-darro in Bariga Gacanta lagu fiiqo ma ah, Hadii qaar gacan-ka-hadalka ku dhiirran yihiin, qaar kalena afxumaday ku dhiirran yihiin.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.  Wasiir Cukuse oo Hadalkiisa sii wata, ayaa  Musharax Cabdirashiid ku eedeeyey inuu Hadallo dhiifaysan ka sheegay socdaaalka Madaxweynaha, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay taasi tahay aqoondarro dalka ka haysata, sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,“Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Ucid ayaa yidhi Dalkii oo qalalaase ka taagan yahay baa madaxweynuhu laascaanood tegay, laakiin inanku Maraykanku ka yimiye waxa uu u baahan yahay in Maabka dib loo baro inay laascaanood Gobolada ugu muhiisan kamid tahay, waxana aynu leenahay madaxweynihii dalka kama uu bixin.”  Cukuse waxa uu Hambalyo u diray shacabka somaliland oo uu ku sheegay qaar aan dhegaysan dhawaaqyada dhiillada sida,  “waxan  ku bogaadinayaa shacabka somaliland sida marka kuwa xasaradda jecel ama fidmo wadayaasha ahi isku dayaan inay toosiyaan belaayada jiifta sida ay uqaabilaan ee uga hortagaan.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.  Waxa uu wasiirku sheegay in inta uga hadhay muddo-kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxqabadka loo badin doono Dhinaca Gobollada Bariga, waxana uu yidhi,    “intii hore haddii waxqabadka xukuumaddu u badnaa galbeedka Muddadan dambe ee la kordhiyey Bariguu ku badan doonaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here