Cabdimaalik Coldoon Oo Lagu Xukumay 3 Sano Iyo Lix Bilood Oo Xabsi ah

0
1

Hargeysa, (Hubaal) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo maalmihii u dambeeyay ay ka socotay dhagaysiga Dacwada Suxufi C/maalik Muuse Coldoon ayaa maanta ku dhawaaqday xukun xadhig oo lagu riday Suxufigaasi.

Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo loo haystay eedo ku saabsan dugsiga Abaaro iyo Eedo ka dhan ah xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu xukumay 3 sano iyo 6 bilood oo xabsi.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maalmihii u dambeeyey ku xidhnaa Magaalada Hargeysa, isagoo dhawr jeer Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex la hor keenay.

Maaha markii ugu horaysay ee Suxufigan dhinaca samafalka caanka ku ah la xidho ama la xukumoba, waxay ahayd badhtamihii bishii February markii lagu xidhay Hargaysa, wax yar uun ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Hase yeeshee hay’adda Xuquuqal Insaanka Somaliland iyo kuwa caalamka ayaa cambaareeyey xadhiga suxufigan kuwaas oo ku tilmaamay xadhigiisa xadgudubyo ka dhan ah xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida suxufiga.

SHARE
Article horeSomaliland Oo Qabsatay Ciwaannada Warbaahinta Caalamiga Ah Iyo Shacbiga Oo Taageeray Socdaalka Saameynta Yeeshay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here