Cabdiraxmaan Faroole Oo Ka Dareen Celiyey Booqashadiisa Hargeysa Iyo Xusuustiisii Waayo-waayo

0
57

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Puntland Md Cabdiraxmaan Faroore oo booqasho aan ujeeddadeedu caddayn ku jooga Magaalada Hargeysa, ayaa ka dareen celiyey aragtidiisa la xidhiidha Safarkiisa.

madaxweyne farooleMudane Faroole oo ay Hargeysa kusoo dhaweeyeen madax-dhaqameedm, Saaxiibbo iyo xubno  kale ay xidid dhaw yihiin, ayaa qoraal kooban oo uu face-book-giisa soo dhigay ku sheegay inay Caasimadda Hargeysa tahay magaaladiisii, isla-markaana aragtideedu maskaxdiisa ku abuurtay xusuus waayo hore ah.

Cabdiraxmaan Farooel, ayaa qoraalka kooban ee uu Muuqaalka Hargeysa ku qaabishay kaga falcliyey waxa uu u dhignaa sidatan:

“Waxaan Booqday Hargaysa, Waxaa iigu Danbaysay Waqti Hore ,Haragysa Waa magaaladaydii……..”

Qoraalka Madaxweynaha Hore ee Maamulka Puntland ku cabbiray Magaalada Hargeysa ayaa ladha dhex dheehan karaa jiritaanka Boholyow xeel-dheer oo uu  caasimadda u qaaday, maadaama oo uu kamid ahaan jirey Dadkii hore u soo dhadhamiyey noloshii hore ee Hargeysa oo dad badani majiirtaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here