Cabdiweli Gaas Oo Xalay cawayskii Durbaan Colaadeed Ka Tumay Garoowe, Hadal Ciil-qab & Colaadi Ku Lammaantahayna Hawada U Soo Mariyey Dawladda Somaliland

0
66

Waxaa Uu Ku Dhawaaqay Dagaal Uu Maamulkiisu Ku Soo Qaadayo Ciidammada Qaranka Somaliland

 

“[Ciidanka Qarankas Somaliland] Waxa Uu Garab Iyo Gaashaan Buuxa U Yahay Argagaxisada Caalamiga Ah, Waxaanan Ku Wargelinayaa Shacbiga Puntland Inay U Diyaar Garoobaan  Oo Ay Garab Istaagaan Ciidammada Puntland Si….”

 

GAroowe (Hubaal)- Madaxweynaha Maamul gobolleedka Beri ee Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAas ayaa ku dhawaaqay dagaal uu maamulkiisu kaga jawaabi doono jabkii ciidankiisa kasoo gaadhay hawlgalkii ay ciidammada qaranka Somaliland ku ruqaansadeen deegaanka tukoraq ee gobolka Sool halkaas oo ay ka baacsadeen malleeshiyo beelleedyo ka tirsan maamulka Puntland. Cabdiweli Gaas oo ay wejigiisa ka muuqato niyad jab kasoo gaadhay hawlgalka ciidankiisa lagu baacsaday ayaa caddeeyey in ay u hub urursanayaan dagaal jawaab celin ah isaga oo ku dhawaaqay dagaal. Qoddobka xusida mudan ee uu u cuskaday jawaab celinta hawlgalkaasi waxaa uu ahaa in uu Somaliland ku eedeeyey inay gacansaar la leedahay argagaxisada oo ay xoojinayso.  Hase yeeshee wax sabab ah oo uu u cuskaday ma ay jirin, marka laga reebo xasilooni darro uu sheegay in hawlgalkaasi ka abuuray deegaannada mamaulkiisa.

“sida aad la wada socotaan 8dii bishan January 2018 malleeshiyaad [waxaa uu u jeedaa ciidammada qaranka JSL] laga soo abaabulay   Hargeysa ayaa waxay duullaan qaawan kusoo qaadeen maamulka Puntland, iyaga oo duulaankaas ku qabsaday deegaanka Tukaraq oo ka tirsan degmada Laascaannood ee gobolka Sool”. Sidaas ayuu yidhi Cabdiweli gaas oo xalay cawayskii shir jaraa’id ku qabtay magaallada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo  isagoo ay wejigiisa dareen urursani kamuuqdo uu warbaahinta uga akhriyey qoraal, waxaanu intaas ku daray in ay tallaabada ay ciidammada Somaliland ku qabsadeen deegaanka uu sheegay in ay Puntland ka tirsan yahay ay ku soo beegan tahay xilli uu maamulka Puntland xaruntiisa Garoowe uu ku sugnaa madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isaga oo ku dooday in hawl galkaasi uu carqalad ku ahaa xasiloonida iyo midnimada soomaaliya. “waayo Puntland waxay ku mashquulaysanayd la dagaalanka argagaxisada shabaab iyo daacish, duulaanka uumaamulkaasi ku soo qaaday Puntland waxa uu garab iyo gaashaan buuxa u yahay argagaxisada caalamiga ah”. Sidaas ayuuyidhi madaxweynaha maamulka Garoowe Cabdiweli maxamed Cali Gaas. Geesta kale na waxaa uu ku goodiyey  inay  u diyaar garoobayaan dagaal uu maamulkiisu ku qaadi doono Ciidammada Qaranka somaliland, isaga oo wargelin u diray shacbiga iyo ciidanka taagta daran ee maamulkiisa  “waxaannu u sheegaynaa [Somaliland] duulaanka ay ku soo qaadeen Puntland  inay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo ayna heli doonaan jawaabta ku haboon. Haddaba waxaan ku wargelinayaa shacbiga Puntland inay u diyaar garoobaan  oo ay garab istaagaan ciidammada Puntland si loo xaqiijiyo midnimada iyo wada jirka Shacbi ahaan iyo dhul ahaanba”. Ayuuyidhi Madaxweynaha Puntland. Hadalkan ayaa ka dembeeyey laba maalmood kadib hawlgal ay ciidamadda qaranka JSL ku baacsadeen ciidanka Puntland kuwaas oo ku ruqaansaday deegaannada xukuudka ee gobolka Sool.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here