HUBAALMEDIA.COM
“Caku Mudanahaygii,Mooryaantu, Dhaantoow” Abwaan Weedhsame Oo Maanso Ku Dhaliiley Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiillada
February 13, 2017 - Written by Mustafe Faro

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa maanso uu ku dhaliilaayo u tiriyey golahayaasha wakiilada iyo guurtida somaliland oo shalay ansixiyey in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera halkaasi oo ku dhawaad 144 mudane oo labada gole ka mid ahi ay HAA ugu codeeyeen in la siiyo Imaaraatka Carabta gudaha Somaliland.

abwaan-weedhsame

Halkan Ka Akhriso Maansada

Caku mudanahaygii

Mooryaantu dhaantoow

Dhiig miirtihiiyoow

Kii loo mashxaradee

Isna nagu maqnaayee

Quus nagu macsuumoow.

Maxastiyo Adduunkii

Macaluul ku nooshiyo

Wadhatada miskiinta ah

Laga faro maroojiyey,

Sawtaad malaayiin

Moohaar ku gurateen,

Iimaan macbuud baa

Uur madhane buuxshee

Xaaraanta maandhoow

Ma mahadin hortaa jire.

Milladii islaamkiyo

Dhaartaad marteeniyo

Xaqa muuminiintiyo

Ducadii madluunkee

Toos loo maqlaayiyo

Mawdkiyo xabaashiyo

Munkar iyo nakiiriyo

Qabrigii madoobaa

Ee maro cad mooyee

Maal lala tegayniyo,

Muduciga qiyaamaha

Maxkamada ilaahay

Kugu maadsanaayiyo

Xaaraanta maandhoow

Cishadaa macaanayd

Muruqaad ku xoogtiyo

Midigtaad ku taabtiyo

Dhuuntii ad marisaa

Kugu marag furaysiyo

Mustafaha warkiisii

Moogaha illaawoow

Magac dhawristiiyo

Dhaqankii masuulnimo

Xil kaskiyo marwaadkii

Maydhaamihiiyoow,

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews