Cali-gurey Oo Shaki Geliyey Ajendaha Shirka Mucaaridka Ku Baaqeen Iyo Shir-guddoonka Maamuli Doona

0
15

Waxa Iswaydiin Leh Cida Gacanta Ku Haysa Maaraynta   Shirka Oo Ay Durbo Muuqato In Talada Meel Gaar Ah Laga Hagayo

 Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga Ucid, ahna ku simaha guddoomiyaha Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali-ruey, ayaa  Daaha ka fayday khilaafka mucaaridka dhexdiisa ah oo ka taagan shirka  ay ku baaqeen, kaas oo sida uu sheega aan ajandihiisa iyo ujeeddadiisa wali la isla meeldhigin.bCali-gurey oo qoraal uu arrintaas kaga hadlayo soo dhigay Bartiisa Facebook-gga soo dhigay, ayaa waxa uu sheegay inuu jiro Isfahan waa ka taagan cidda shirkaas maamulaysa, isagoo ku baaqay in si deggen shirka looga baaraandego ka hor inta aan Mucaaridka laftiisu iskhilaafin.  cali gurayQoraal Cali Guray Arrintan ka soo saaray ayaa u dhignaa sidan:- Waxad moodaa inuu jiro madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin, oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsanayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inuu yahay Shirweyne Qaran oo loo wada dhanyahay, halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo.  Waxaa muuqata in aan Shirka ajandihiisa, ujeedooyinka laga leeyahay iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meeldhigin ama aan la qeexin.  Waxa kale oo iswaydiin leh cida gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.  Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inuu muran ka dhex dhalin karo  mucaaridka ama xisbiyada gudahooda.

Wa Billaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga UCID

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here