Cali Khaliif Oo Hannaan Gurracan Uga Hadlay Wada Hada-hadalka Somaliland Iyo Somalia

0
13

Muqdisho: (Hubaal)-Hoggaamiyaha Maleeshiyada KHaatumo, ayaa si Gurracan uga Hadlay Hannaanka loo wado wada-hadallada somaliland iyo Somalia oo haatan ay caqabadi soo wajahday, waxana uu deedafeeyey Xaqa somaliland u leedahay inay badheedhaheeda sheegato.

cali khaliif gCali Khaliif oo u warramayey TV-ga Universal, ayaa diiday dalabka somaliland ku diiday Xubnaha kasoo jeeda Deeganadeeda ee shirkaas ay Dhinaca uga soo dirtay Somalia, “waxa yaab leh meel adduunka laga maqlay ma jirto labada dhinacba annagaa ka talinayna cidda imanaysa, tooda cidna kama talo geliyaan, Dawladdii dhamaydna waxan odhanayaa Hebel iyo Hebel ma imanayaan ama dadka xaqa u leh ee Dhulka Waqooyi(somaliland) ka yimi shirarkaas ma imanayaan waa arrin Gurracan, Iyagaana shirka u baahane Dawladda Soomaaliyeed shirka uma baahna.”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Cali Khaliif ayaa ayaa noqday xubinti ugu horraysay ee Aaminsan Aragti ka dhan Somaliland eek a hadasha Caqabadaha haysta Shirka Labada dhinac ee la doonayey inuu Turkiga ka Furmo.

Wali Waxa taagan Caqabadaha ay sababeeen Maamulka Muqdisho, waxana ay Somaliland ku adkaysanaysaa inaanay Aqbali doonin inay shirk aka qaybgalaan Xubnaha Somaliland u dhashay ee Dhinaca kale kasoo jeeda.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here