Cali Khaliif Oo Qirtay Inuu Ku Fashilmay Hirgelinta Khaatumo + Dhibaatooyinka Ka Hor Yimid Iyo Canaan Uu Kula Dul-Dhacay Qurbe-Jooga Beeshiisa

0
22

Hargeysa (Hubaal) Hogaamiyaha Maleeshiyada Nabad Diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa Shir Telefoon Xalay ugu Qoos Gooyay Qurbo Joog ay Isku Beelyihiin oo Wadamada Reer Gabeedka Ku Filiqsan, Shirkan oo ahaa Mid ay Qurbojaaga ay Qadiyada Gacan Kurismiska ah ee Khaatumo Madax Martay ay Su,aalo Badan Kuwaydiiyeen Cali khaliif, Ayaa Waxa Wariye Katirsan Shabakada Somalilandlive.com Usooro Gashay in uu Dhagaysiga Su,aalaha iyo Dooda Cali Khaliif Galaydh kaqayb Galo. Sidan ayay Hadaba Waxa Udhaceen!

cali khaliif gWaxa ay ahayd 9: 00 habeenimo Wakhtiga UK Markii aan Kudhex Dhacay Shabakad Isku Xidhan oo Dood Wadaag Falaqayn Kulahayd Khad Telefoon oo Ay kujiraan Dad 40 Qof Kor Udhaafayay Sidii Meesha Laga Sheegay Waxyar Kadib Waxa Khadka Lagu Soodaray Cali Khaliif Galaydh oo Muqdisho Kusagan Sida uu Sheegay, Waxana Mid kamid ah Dadkii Dooda Hagayay uu Cali kadalbaday Warbixin Kusaabsan Halka Xaalka Khaatumo marayo, Waxana uu Markiiba Si Degdeg ah Bariidin Kadib Cali Khaliif Dhexgalay Xaaladaha Cakiran ee Ka Horyimi Hankiisii iyo Kii Khaatumo, Waxana uu Kubilaabay Sida Tan.-Salaanta Islaamka Kadib iyo Nabad Qab:- Maanta Aduunka War iskuma Seegana oo waxan aan Joogna aduun Casriya oo Sacad Saacad Warka loo kala helayo Meelaha aad rabtaan in aan idiinka Xogwaramo waxa aan Filayaa idinkaaba iiga War roon Balse aan Hadana Idiin Guudmaro Waxyaabaha Noo Qabsoomay, mudo Waxa aan Kusuganay Halkan Muqdisho oo aad Ogtiin in ay Tahay Meelaha Maanta Masiirka Somalia Laga Go,aamiyo Runtii Halka Wax Taageero ah Ugumaan Iman oo Nimanka Meesha Haysta Arinteena Waxa kala Waynta Qolada Somaliland , oo aad muudo in a Iyaga Danaynayaa in ay Marka hore Dhan ukala Dhacaan, Dhawaan Waataan lakumay Xasan Sheekh Waanan kala Hadlay Arinta Runtii Sidii aan Rabay Wax ilama Qaadan Balse Waxba umaan Qarin Guud Ahaan Xamar Arinteenu Uma Dhaadhacsana oo beeno kale ayaa Laga Dhaadhiciyay, Runta Hadaan Idiin Sheegona kulanka aan Laqaatay Xasan Sheekh Waxa Ku Qasbay Xubno Baarlamaan ah oo Beelaha Daaroor Kasoojeeda Kuwaas oo Cudud Kumuquuniyay, Balse Hada waad Ogtiin oo Qoladan Kibirtay ee Hargeisa Joogtaa Waakuwan kabaxay Wada Hadalkii Markaas Laga Yaabaa in aan Halkaas Fursad Kahelno,anan waanu Kudadaalaynaa.

Halkaas Marka ayay Marayso ayaa Mid Kamid aha Dhagaystayaasha oo Degdegayaa Cali Khaliif Waydiiyay. Waxa uu Muqdisho Kaguray Kol Hadii anu Wax Taageero ah Kuhaysan Waxana uu Usiidabo Dhigay Maxaad U imanwayday Buuhoodle oo aad Dagaalka U Xoojin Wayday Si, aan Caalamka u Tusno Halgankeena? Cali Khaliif Galaydh oo aad Moodid in uu Dhibsaday Su,aasha aa ayaa Markiiba Ooda Qaaday Canaan aad Moodaysid in ay Cadho Kakeentay Waxana uu Yidhi .- horta Qoladiina Qurbaha Canaan iyo Maxaad Dagaal Uqaadi Wayday ayaad Lasoo Taagantihiin Wax Aduun ahna laydinkama Hayo oo kamaydaan soo bixin balan qaadkii haa 300 oo Qof oo Qurbo Jooga ah oo Bilkasta Soodiray 30.000$ Si aan ugu Qorono 300 oo Askari oo Weerar Joogto ah Qaada, Wax aad Soobixiseen Marjirto ana Aduunyo iyo Qarash aan ku Maal Galiyo umahayo, Maxaan Markaas kutagaa Buuhoodle oo aan Kadoona Waad Ogtiin oo Maamulka Hargiesa 20.000 oo Askri ayuu Kuhayaa Gobolka Dhaqaale Malaayiin Doolar Gaadhaya ayuu Kubixiyaa Bilkasta Markaa Waxa Loobaahanyay Awood Ciidan Iyo Awood Dhaqaale oo aan Kala Hortagno , intase aad Afka kaleediin Dagaal Qaad oo aydaan Wax Aduunyo ah Bixinaynin Faashilka Qayb Ayaad Katihiin.

Waxa kale oo uu Cali Khaliif Galaydh Sheegay in Bulshada Buuhoodle Laba loo kala Qaybiyay oo Waxa uu sheegay Cadawgu uu kala Jabiyay oo ay Hada Jilibyo Yar oo kaliyi Taageersanyii Maamulkiisa iyo Maleeshiyada uu Wado Waxa uu Niyad Xumo Kamuujiyay Taageero uu Xamar Kahelo Basle Waxa uu Hadana Kawar Wanaajiyay in ay Dani Ugu Jirto Burburka Wada Xaajoodkii Somalia iyo Somaliland oo uu Sheegay in ay Halkaas Ka Iman Karto Taageero ay Xamar Kahelaan.

Isku Soo Wada Xoori oo Dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh ayaa Quus Kamuujiyay Dhaqaale uu Kahelo Qurbojooga Beelaha Dhulbahante oo uu Kutilmaamay kuwo aan Ujeedo Midaysan Wadalahayn. Dhawaan Kadhagayso Somalilandlive.com Hadalka Cali Khaliif Galaydh oo Dhamaystiran iyo Faashilka uu Qirtay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here