Cali-Sandule Oo Isu Sharaxay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Murrashaxa Madaxweyne

0
47

Hargeysa(Hubaal)-Siyaasiga Cali Xasan Maxamuud oo kamid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool, xilal kala duwanna ka soo qabtay Xukumadihii dalka soo maray, ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas.

Cali Xasan Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in hankiisu ku salaysan aragti iyo qorshe lagu mideynayo Dalka, kaasoo uu sheegay inuu ka turjumayo wada-lahaanshiyaha Somaliland.

 

Siyaasigan oo kamid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana markii u dambeysay ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu badka soo dhigo in lagu tartamo Kursiga ugu sareeya Xisbigaas oo uu iminka isagu hayo.

 

“waxaan caddeynayaa inaan u sharaxay Murrashaxa Xisbiga Kulmiye ee uu iminka hayo Madaxweyne Muuse, ku-xigeenna uu ka yahay Maxamed Kaahin” ayuu yidhi Sandule.

 

Geesta kale Cali Sandule waxa uu tilmaamay in Xiisada ka aloonsan Xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Tuka-raq ay tahay mid aan xilligan loo baahnayn, isagoo Madaxweynaha Somaliland ku dhaliilay qaadista dagaal uu ku tilmaamay in lagu deg degay. ” Somaliland Dhul maanta ka maqani ma jiro, waxa jira deegaamo aad u yar, kuwaasoo ay ahayd in si nabadeed lagu gaadho ee aanay ahayn in dagaal lagu qabto. dadkaasina waxay u baahan yihiin in horumar iyo waxqabad lagu kasbado” ayuu raaciyey.

 

Cali Sandule, waxa kale oo uu baaq nabadeed u diray laba beellood oo dagaal ku dhex maray Deegaamo ka tirsan Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here