Cawayskii Hiil-qalin: Madal na deeqday. W/Q: Cabdishakuur (Heersare)

0
53

Muu ahayn caways madadaalo iyo meexaano la isugu yimi. Manuu ahayn mid waqtiga lagu luminayay. Guud ahaan dadkii madasha ka soo qayb galay oo uu badnaa dhalinyaro waxay isugu yimaadeen inay si mug leh daaha uga rogaan baylah wax ka qabashadeedu bulshada ka dhexayso. Waxay si aqooni ku jirto uga doodayeen waddooyinka ugu mudan ee lagu badhitaari karo dadaallada ku waajahan qabyo-tirka baahidaa jirta.

 Hiil-qalin

Waxa aan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay ka qaybgalka cawayskaa. Arrimaha diiradda lagu saarayay waxa ka mid ahaa akhriska, qoraalka iyo u hiilinta afka hooyo ee Soomaaliga. Madasha waxa ku wada sugnaa hal-abuurro isugu dhafnaa qalinlley iyo suugaanley. Labaduba waxay ka midaysnaayeen abuurista dadaallo kor loogu qaadayo heerka wax akhriska ee bulshada dhexdeeda, faa’idada wax aqkhriska ku duugan oo ah inuu qofka wax badan akhtiyaa uu dadka fursad qaali ah dheer yahay.

Cawayskaa oo Hargeysa ka qabsoomay habeennimadkii sabtidu gelaysay ee todobaadkan, ayaa waxa soo qabanqaabiyey isutag dhallinyaro oo la yidhaahdo “Hiil-qalin”. Waxaana Nada Yuusuf Cumar oo ka mid ah dhalinyaradaas kana hadashay madashu ay sheegtay inay dhalinyaro ahaan u midoobeen u hiilinta qalinka, soo saarista sheekooyinka joogto ah oo lagu baahiyo baraha bulshadu ku kulanto sida mareegaha iyo Facebook-ga.

Waxaana ay madasha ku kulansiiyeen qoraayo isugu jiray kuwo hadda uu soo saaray buugaagtii ugu horreeyey iyo kuwo muddoo dheer ku soo dhex jiray badweyna qoraalka iyo dadka, naadiyada akhriska iyo dadka sameeya akhtiska joogtada ah. Waxa kale oo madasha lagu soo bandhigay filim gaaban oo uu sameeyey saxafiga Cumar Seerbiya kuna saabsanaa faa’idada wax akhriska.

Waxa kale oo la is hogatusaaleeyey in afka soomaaligu u baahan yahay u hiilin ku qotonta barashadiisa, qoristiisa, faafintiisa, ku-ababinta da’ yarta soo kacaysa, iyo guud ahaan goobaha waxbarashada ee isugu jira dawliga ah iyo gaarkuba ay muhiimad gaar ah siiyaan dhigista afka soomaaliga.

Afkaarta madashada lagu soo bandhigayay waxay ka kala imanayeen qaar ka mid ah dadka haldoorka hal-abuurrada “qoraalka iyo suugaanta” iyo inta kale ee ehelka u ah dhiirrigelinta hal-abuurka. Iyadoo cawayska lagu wadaagayay dood furan oo fikirrada lagu wadaagayay lagagana arrinsanayay arrimaha aynu kor ku sheegnay. Qof kasta oo fikirkiisa dhiibanayay wuxuu isu arkayay in xil ka saaran yahay u hiilinta afka soomaaliga, ku-dhiirigelinta bulshada ee wax akhriska iyo kobcinta qoraalka.

Arrimaha kale ee la guddoonsaday in la dardargeliyo waxa ka mid ahaa in bulshada si toolmoon loogu dhiirrigeliyo wax akhriska, si tacabka qoraayaashu u noqdo mid loo aayo. Loona helo qoraayaal da’ yar oo ku qalabaysan aqoon iyo hal-abuurnimo xeer-dheer, kuwaas oo ku dhiirran kara inay bulshada la wadaagaan wax-soor-saar tayaysan iyo curin wax-ku-ool ah.

Dhankasta oo laga eego cawayskaasi wuxuu dhabbada u xaadhayey qaybo-tirka qaybo ka mid ah baylaha jira ee bulshada ragaadiyey. Wuxuu ahaa caways xitaa aniga igu beeray in aan sii lalablaabo dadaalkii aan awal ba hore u waday ee ahaa dhiirrigelinta qoraalka iyo wax akhriska. Ballanteennu waa “wax qoris ama wax akhtis”.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here