HUBAALMEDIA.COM
Cawil Miyaanu Halba Seegin?
October 5, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

Mohamed A. Askar, Sweden, Stockholm

picture-12Nasiib-wanaag waxa aan jaanis u helay in aan akhristo Buugga “RAAD- RAACA TAARIIKH SOOMAALIYEED” ee uu qoray Ambassador Xuseen Cali Ducaale “Cawil”. Buuggani maaha buuggii ugu horeeyay ee uu Cawil qoray bal se, waa kii ugu horeeyay ee aan ka akhristo buugaagtiisa. Inkasta oo aanu buuggani dhalliil la’ayn, oo aan qaar dhalliilihiisa ka mid ah idinla wadaagi doono, haddana waxa aan jecelahay, ugu horayn, in aan si kal iyo laab ah uga mahad-celiyo qoraaga buugga waa Cawile iyo intii kale ee gacan ka gaysatay dhamaystirkiisaba. Si la mid ah sida buugaagta kale ee aan akhristo, buuggani waxa uu igu dhaliyay su’aalo badan. Su’aalahaas uu buuggu igu dhaliyay oo igu soo noqnoqday awgeed iyo waliba waxa uu buuggu ka hadlayo oo ah wax aan wada-leenahay waa taariikhda e, ayaa waxa ay igu dhaliyeen in aan qoraalkan idinla wadaago. Sida magaca buuggaba ka muuqata, buuggu waxa ay ahayd in uu ka waramo taariikh Soomaaliyeed laakiin taa bedalkeeda qoraagu waxa uu kaga sheekeeyay taariikhdiisii iyo waxqabadkiisii. Nassib-darro inta uu taariikhda Soomaalida ka sheegayna waxa ay noqotay in bilaa tix-raac ah.  Akhriste, waxa aan kugula talin lahaa in aad akhrido buuggan sabobtoo ah waxa suura-gal ah in aad u fahanto si ka duwan sida aan anigu u fahmay. Ceebna maaha in la kala fikir duwanaadaa. Kala fikir duwanaanshaha ay dadku ku kala fikir duwanaadaa hal shay oo isku mid ah wax ka dhasha is-fahan iyo in uu qofba qofga kale wax ku biiriyo waana hab ka mid ah hababka badan ee xaqiiqda loogu dhawaado. Sida aan hore u sheegay aniga buuggu waxa uu igu dhaliyay su’aalo badan. Su’aasha markiiba i saaqday ee ilaa inta aan buugga dhamaynayay igu soo noqnoqonaysay waxa ay ahayd, tollaw miyaanay Cawil halba seegin? Sabobtuna wax kale maaha ee waxa uu Cawil aad ugu dheeraaaday ka sheekaynta guulihiisii iyo waxqabadkiisii. Cawil, casharka inooguma darin, habayaraatee, wixii uu seegay ee caqli, cilmi iyo itaal gaadhsiin waayay. Waxa kale oo aan is-waydiiyay sabobta uu qoraagu inoola wadaagi waayay habka iyo hanaanka uu ku ogaaday sheekooyinka tirabeelka ah ee aanu isagu goob-jooge ka ahayn? Tix raac-la’aanta sheekooyinka aanu goob-jooga u ahayni waxa ay su’aal galinaysaa ku kalsoonaanta xogta uu isagu u taagnaa.

      Haddaba inta aanan u galin falanqaynta buugga iyo wixii igu dhaliyay su’aalaha aan kor ku xusay aan wax yar idiinka sheego buugga. Buuggu waxa uu ka koobanyahay sagaal cutub. Cutubka koowaad oo hordhaca ah marka laga reebo waxa uu qoraagu ku bilaabay cutubka labaad oo uu kaga waramay carruurnimadiisii iyo laba magaalo oo xasuus gaar ah ku leh. Cutubka saddexaad iyo afraad waxa uu kaga waramay, sida uu u dhigay, taariikhdii Soomaaliya laga soo bilaabo xornimadii 1960 kii iyo isku-biirkii Soomaaliya iyo Soomaaliland ilaa iyo dhamaadkii dawladdii milateriga ahayd ee Mohamed Siyaad Barre. Cutubka shanaad waxa uu qoraagu kaga hadlayaa dib-u-dhalashadii Soomaalilaand, duruufihii adkaa ee ay soo martay iyo qaar ka mia ah dagaaladii sokeeye, shirarkii dib-u-heshiisiineed ee la qabtay iyo waliba xukuumaddihii Soomaalilaand ee kala danbeeyay. Cutubada lixaad, toddobaad iyo sideedaadna waxa uu kaga waramayaa saddex waddan oo aan jaar nahay iyo madaxdoodii halka cutubka sagaalaad uguna danbeeyana uu qoraagu kaga hadlay xal-u-helida Soomaaliya.

Falanqaynta Buugga

Sida aan hore u sheegay waa lagu kala duwanaan karaa fikirka, waanan ixtiraamayaa qof kasta oo iga fikir duwan isla markaana waxa aan si qalbi furan u soo dhawaynayaa inta aan isku aragti ka noqono buuggan. Marka laga yimaado in wixii sax ah loogu dhawaado in lakala fikir duwanaado, waxa kale oo faa’iido ah in wax la isugu kordhiyo oo caqliga iyo caqoontuba ay ku koraan in lakala aragti duwanaado. Aan ku soo noqdo buugga e, inta uu qoraagu naftiisa iyo taariikhdisa qofeed ka hadlay ayaa ka badan inta uu taariikh Soomaaliyeed ka hadlay. Si kale haddii aan u dhigo, mowduuca buuggu maaha taariikh Soomaaliyeed ee waa taariikhda Cawil, qoraaga buugga. Sidaa darteed waxa aan u qaybin doonaa falanqayntaydan saddex qaybood oo kala ah 1) Cawil iyo inqilaabkii fashilmay ee 1961 2) Cawil iyo dawladdii milatariga ahayd ee madaxwayne Maxamed Siyaad iyo 3) Cawil iyo Soomaaliland. Waxa aan intaa sii raacin doonaa laba sheeko oo aan aad uga helay iyo laba sheeko oo aan tusaale uga dhigayo dhaliisha ugu wayn buugga oo ah tix-raac la’aan.

Cawil iyo Inqilaabkii fashilmay ee 1961 kii

Inkasta oo aanu tix-raac sheegin haddana qoraagu waxa uu sheegay in uu inqilaabkani ahaa inqilaabkii labaad ee ka dhaca qaarada afrika. Waxaan se anigu hubaa in uu ahaa inqilaabkii ugu horeeyay ee ka dhacay midawgii labadii dal ee Soomaliya iyo Soomaliland. Qoraagu waxa uu xoogga saaray sidii uu u dhacay inqilaabku iyo doorkii uu isagu ku lahaa oo runtii aad moodo in uu udub dhexaadba u ahaa inqilaabka sida uu uga sheekaynayo isagu. Waxa kale oo uu sheegay qoraagu in uu Xasan-Kayd lahaa eeda ugu wayn ee uu inqilaabku u fashilmay. Waxa ka mid ahaa waxyaabaha uu qoraagu sheegay in uu Xasan-Kayd ka codsaday in uu saraakiishii la qabqabtay oo markaa lagu hayay guriga Cawil qorshuhu se ahaa in la geeyo buurta Gacan-Libaax uu isaga (Cawil) u xil-saaro wareejintooda. Aan idin xasuusiyee waxa u suura-gashay qolada inqilaabka waday in ay saacad wax ka yar ku qabqabtaan saraakiishii ciidanka ugu sarsaraysay. Waxana ay ku balansanaayeen in saraakiisha la geeyo buurta Gacan-libaax hawshaana waxa u xil-saarnaa Xasan-Kayd (Cawil, 2016). Hawshaa wareejinta Saraakiisha la qabqabtay oo aan la fulin ayaa ka mid ahayd waxyaabaha uu inqilaabku u fashilmay. Haddaba Cawil isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Xasan-Kayd ayaan si adag ugu sheegay in haddii aan saraakiisha la gayn Gacan-Libaax inta aanay iftiin noqon uu inqilaabku fashilmi doono….. waxa aan u soo jeediyay in uu arrintaa qaadista aniga ii xil-saaro. Wuxuu iigu jawaabay “imika ayaan ku dhaqaaqayaa oo qaadaynaa saraakiisha” (Cawil, 2016, p: 60).

Waxa kale oo uu Cawil ka sheekeeyay intii inqilaabku socday in uu ku dhiiraday arrin ay cid kale ku dhici wayday. Sida uu Cawil buugga ku sheegay waxa jiray hal sarkaal oo ciidan badan ku haystay magaalada Cadaadlay isla markaana inqilaabka ka soo horjeeday. Sarkaalkaa iyo ciidankiisuba waxa ay caqabad ku ahaayeen habsami-u-socodka iyo guusha ama guul-darada inqilaabka. Waxa lagama-maarmaan-noqotay in cid loo diro sarkaalka oo ay hore isugu dheceen hawl wadeenada inqilaabka. Haddaba Cawil isga oo ka sheekaynaya cidii loo diray iyo sida ay ku timi waxa uu yiri: “Saraakiishii way ka maageen in ay is-miidaamiyaan, oo ay sarkaalkaasi xeradiisa tagaan. Markii aamuskii dheeraaday ayaan soo jeediyay in aan anigu diyaar u ahay in aan waajaho sarkaalkaasi oo dhibaato badan aanu u tirineyno, welina aan naga hadhin anaga oo si kasta u barinay. ……….. Dhinaca Cadaadley ayaan u kacay. Waxaan sii kaxaystay sarkaal ay aad isugu dhawaayeen sarkaalkan naga soo horjeeda si ay kalsooni ugu abuurto in aan wax dhibaato ah loo wadin. 5-tii subaxnimo ayaanu xeradii galnay. Askartii irridda joogtay ayaa na joojisay. Markii aanu isu sheegnay ayey na sii daayeen. Irrida waxa ku samaysnaa qol loo yaqaan “Guard-room” oo xerada laga ilaaliyo, kaas oo uu fadhiisto marba saddex-Aliflaha madaxda u ah askarta ilaalinaysa xerada. Saddex-aliflihii ayaan ku amray in uu bigilka ciidanka loogu yeedho afuufo. Waxan marnaba maskaxdayda ka bixin sidii ay ciidankaasi u tabobarnaayeen. Muddo aan ka badnayn toban daqiiqo ayey askartii oo hubkoodii u dhan-yahay isa soo tubeen xafiiskii ilaalada hortiisa. Khudbad ayaan halkaasi uga jeediyey. Waxa aan ku idhi “Waxaan idiin sheegayaa in Saacaddan laga bilaabo taliyo-nimadii ciidanka laga wareejiyey taliyihii hore, xilkana aniga la ii magacaabay, sarkaalkan i barbar taagana loo magacaabay taliye-ku-xigeen. Imikana waa fasaxan tihiin. Askari walba shaqadiisa ha qabsado” (Cawil, 2016 p: 60-61) Waxa uu qoraagu intaa raaciyay in uu sargaalka xerada haystay soo istaagay inta aanu khudbadii dhamayn oo uu haddana gurigiisa ku noqday isaga oo waa sargaalka e, aan habayaraatee waxba ku darsan.     Halkan qoraagu waxa uu sheegay in uu muujiyay geesinimo aanay muujin saraakiishii kale ee ay inqilaabka ku wada jireen. Waxa se cajiib ah in aanu mar qudha sheegin magaca sarkaalka uu sii kaxaystay ee ay xerada wada tageen. Waxa kale oo xusid mudan in uu sida qoraalka ku cad isagu waa Cawile waajahay khatarta ku jirtay in la aado xero ciidan oo waaliba taliyohoogu ogyahay isla markaana ka soo horjeedo inqilaabka. Waxa uu qoraagu yidhi mar uu ka hadlayay taliyaha xerada iyo sida ay khatar u tahay in loo tagaa “dhibtu waxay noqotay ayaa ugu tegi kara xeradiisa, waayo qofkii ugu tega awood ayuu u leeyahay in uu toogto amaba xidho” (Cawil, 26016 p: 60). Ugu danbayn waxa uu Cawil sheegay in inqilaabkii fashilmay isaga oo wali Cadaadley jooga waxana uu yidhi “La-yaab ayay igu noqotay markii aan raadiyawga isgaadhsiinta ka maqlay Kornayl Caynaanshe oo amarro bixinaya. Markiiba waan gartay in saraakiishii aanu qaadi waynay xoog lagu furtay inqilaabkiina uu sidaas ku fashilmay. Niyad-jab weynaa! In yar kadibna waxaba ii yimid oo I qabtay ciidankii aan la wareegay ee Cadaadley” (Cawil, 2016 p 64). Halkan waxa guusha iyo geesinimada Cawil qalin-daaray laba arrimood. 1) Sababta uu Cawil u sheegi waayay magaca sarkaalka raacay ee khatarta u badheedhay si la mid ah sida uu isaguba ugu badheeday. 2) Warka uu Cabdilaahi Aadan (Koongo) sheegay ee ah in uu Cawil baxsaday oo laga soo qabtay meel Jabbuuti u dhaw. Koongo waxa uu yidhi“waxa kale ee aan la isla ogayn, markii Cawil iyo Lugooyo iyo guruubkani ay Berbera qabsadeen ayuun bay mar qudha Jabbuuti u baxsaden” (Koongo, 2016: Waraysi uu siiyay HCTV) Waxa kale oo uu Koongo isla warysigaa ku sheegay in Cawil, Lugooyo iyo guruub kale laga soo qabqabtay meel Jabbuuti u dhaw.

Cawil iyo Dawladdii Milateriga ahayd  

Si la mid ah sidii hore, waxa uu Cawil ka sheekeeyay shaqo iyo nolol bilaa turxaan ah oo guul mooyee aan guul-darroba lahayn. Waxa ka mid ah waxyaabaha uu qoraagu inla wadaagay intii uu Maxamed Siyaad Barre la shaqaynayay ilaa sagaal kulan oo uu la yeeshay iyo kulan walba wixii ay ka wada hadleen, Shaqooyinkiisii Uganda iyo Kiinya iyo sida aanu midhba u seegin ee uu wax walba u wanaajiyay. Waxa kale oo uu qoraagu sheegay in uu waxtar badan u lahaa dadka, gaal iyo islaamba, isaga oo sida uu sheegay dad badan xadhig ka bebaadiyay halka qaar kalena uu dil ka badbaadiyay sida Cabdilahi Yusuf. Kulamada uu Cawil madaxwayne Siyaad la yeeshay iyo guud ahaanba shaqooyinkiisu waxa ay ka simmanyihiin geesinimo uu muujiyay oo si ku tala-gal ah uu u rabo in laga dhex fahmo qaraalkiisa. Kulamadaa qaar waxa uu Cawil madaxwayne Siyaad kaga muslaxay rag la haysto, qaar wuxuu ku siiyay talooyin halka qaar kalena uu su’aalo kaga waydiiyay talaabooyin uu madaxwayne Siyaad qaaday iyo sababta ku kalliftay. Bal haddaba aan soo qaadano qaar ka mid ah kullamadaas. Waxa uu yidhi Cawil isaga oo ka hadlaya kulankoodii afraad iyo Su’aalihii uu ka waydiiyay magacaabistii uu madaxwayne Siyaad u magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Barre, madaxwayneha inaadeerkii, in uu noqdo wasiirkii arrimaha dibabadda:

“Waxaan la kulmay Maxamed Siyaad Barre markii uu Cabdiraxmaan Jaamac Barre u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda. ….. Waxa aan waydiiyay sababta uu jagadaas ugu magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo ay ilma’adeer yihiin. Waxa kaloon u sheegay dareenka ay dadku ka qabaan Cabdiraxmaan Jaamac oo ah nin aan lahayn dabeecadii iyo khibraddii laga rabay si uu u guto xilka Wasiir Arrimo Dibadeed. Waxa kale oo uu Cawil inala wadaagay jawaabtii Madaxwaynaha isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: Wuxuu iigu jawaabay “Waa run dareenkaa ay dadwaynuhu ka qabaan. Cabdiraxmaan aniga ayaa koriyay, dabeecaddiisana aad ayaan u aqaan. Waa jacjacoor dabci xun. Sababta ugu weyn ee aan u magacaabay waxa weeyi aabihii Jaamac Barre ayaa abaal igu lahaa”” (Cawil, 2016, p: 146) Sheekadani waxa ay khilaafsantahay sheeko kale oo uu Cawil ka sheekeeyay iyo waliba sida uu madaxwayne Siyaad ugu jawaabay nin kale oo safiir ah mar uu isla arrintaa Cabdiraxmaan Jaamac Barre wax ka waydiiyay. Waxa uu Cawil ka sheekeeyay in kulankoodii sideedaad oo uu ku weheliyo Gacaliye oo markaa ahaa safiirka Soomaaliya ee Paris uu ku yidhi Madaxwayne Siyaad  “Madaxawene waxa suuqa ku jirta in aad damacsan tahay in aad Cabdiraxmaan Jaamac Barre u magacawdo Wasiirka Arrimaha Dibedda. Cabdiraxmaan shakhsi u qalma maaha in loo magacaabo xil sidaasi u cuslu. Madaxwayne, ha ku ceeboobin”. Madaxweynaha oo wejigiisa cadho ka muuqato ayaa ugu jawaabay “Madaxwayne ayaan ahay, awood ayaan u leeyahay in qofka aan doono aan xil u magacaabo. Waxaan shaqadaada ahayn ha gelin, imikana iga bax” (Cawil, 2016, p: 159).   Ku darso oo waliba sida uu Cawil sheegay, Gacaliye waxa ay isku hayb ahaayeen Madaxwaynaha. Inkasta oo ay run noqon karto, in sida uu Cawil sheegay, talada labada safiir waa Cawil iyo Gacaliyee ee ay ka siiyeen Cabdiraxmaan Jamac Barre uu madaxawayne Siyaad midna ka cadhoodo midna ka garaabo haddana waxa aan meesha laga saari karin in ay sababi jirto.     Waxa kale oo uu Cawil sheegay in uu Siciid Cali Giir ka badbaadiyay mar lagu daray liis kacaan-diid ah. Waxa uu kiiskaa ku waayi lahaa Siciid Cali Giir shaqadiisa isla markaana waxa uu ku gali lahaa xabsi sida uu Axmed Saleebaan Dafle u sheegay Cawil markii uu u dirayay in uu madaxwaynaha u tago si uu ninkaa u badbaadiyo (Cawil, 2061 p: 151). Waxa uu Cawil kaga sheekeeyaya sida uu Siciid Cali Giir u badbaadiyay iyo wixii isaga iyo madaxwayne Siyaad dhexmaray kulankoodii lixaad waxana uu yidhi:

“Siyaad Barre: Maxaa ku soo celiyey sownagii is maca salaameynay?

Aniga: Madaxweyne, waxa isoo celisay arrin shakhsi ah

Siyaad Barre: Waa maxay arrintu?

Aniga: Waxa jira sarkaal ka tirsanaa kacaankii kaaga ka horeeyay oo Jeneraal Aadan Gabyow Liiksa shaqaalaha laga eryayo ku daray.

Siyaad Barre: (Maxamed Siyaad Barre oo labada indhood soo baxeen) Waa kee kacaanka kayga ka horreeyay?

Aniga: Waa kaayagii 1961-kii?

Siyaad Barre: Ma kiinii baydhsanaa ee dalka kala goynayey?

Aniga: Maxawayne, haddii uu inqilaabkaagu dhicisoobi lahaa, isagana wuxuun baa laga sheegi lahaa.

Siyaad Barre: Raali ahow. Niman dhallinyaro ahi waxay wadeen khayr uun baa ku jiray. Arrinta aad u socotay ka haddal.

Aniga: Waxaan kaa codsanayaa in aad Jeneraal Samatar amar siisid oo Siciid Cali Giir liiska eriga laga saaro. Waxaan kaloo kaa codsanayaa, inaad Madaxtooyada shaqo ka siisid, qol uu seexdona aad ka siisid.

Siyaad Barre: Telefoonkii ayuu sare u qaaday. Jaalle Samatar, Siciid Cali Giir ka saar liiska eriga ee ku hor yaalla. Madaxtooyadana u soo beddal” (Cawil, 2016 p: 152).

 Cajiib! Waar Cawil geesisanaa. Ninkii Siciid Cali Giir eri iyo xadhig uun kama uu badbaadine waxa uu shaqo iyo waliba qol uu seexdo uga diyaariyay madaxtooyada. Haddaba waa su’aale, maxaa Cawil iyo madaxwayne Siyaad ka dhexeeyay? Marka laga yimaado taladii uu Cawil ka bixiyay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977, ma sheegin Cawil wax inta uu madaxwayne Siyaad uu kala hadlay lagu celiyay.

    Madaxwayne Siyaad uun maaha cida uu Cawil furaa. Bal ila eeg mar uu ka sheekeeyay sidii uu u badbaadiyay Cabdilaahi Yusuf iyo saraakiishii la socotay markii inqilaabkii 1978 kii uu ka fashilmay. Waxa ay Cabdilaahi Yusuf iyo saraakiishii la socotay u baxsadeen Kiinnya. Markii ay Kiinya ogaatay in saraakiil inqilaab ka fashilmay ay dalkeeda soo galeen waxa ay go’aan ku gaadhay in ay celiso. Waa tan sheekadii uu Cawil inala wadaagay iyo sidii uu u badbaadiyay Cabdilaahi Yusuf iyo saraakiishii kale ee la socotay.

“Subax ay saacaddu tahay 8.00-dii subaxnimo, 11-kii April 1978, aniga oo aan weli guriga ka bixin ayaa telefoon soo dhacay. Markii aan qabtay waxa ila hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Dr. Munyua Waiyaki. Wuxuu I waydiiyey “Ma taqaanaa Kornayl Cabdullaahi Yuusuf?” Haa ayaan ugu jawaabay…… Wasiir Munyua Waiyaki wuxuu ii sheegay in magaalada mandheera lagu hayo Cabdilaahi Yusuf iyo afar sarkaal oo kale. Wuxuu kaloo ii sheegay in dawladda Kenya ay go’aan ku gaadhay in dib loogu celiyo Soomaaliya……Wuxu ii sheegay in uu isagu ku dooday in aan dib loo celin, laakiin golaha Wasiiradu u bateen in dib loo celiyo.

Markii aan Telefoonkii wasiirka dhigay degdeg ayaan u baxay. Waxaan xafiiskeeda ugu tagay Margaret Kenyatta oo ahayd Maayorka magaalada Nairobi. Waxaan u sheegay arrinta dagdegga ah ee jirta, waxaanan ka codsaday in ay aabeheed ii gayso. Markii ay gabadhii u gaysay aabeheed oo dabcan ah madaxwayne Kenyatta waxa Cawil iyo madaxwaynihii dhex-martay sheekadan.

“Mr Ambassador, what can I do for you” oo macnaheedu yahay “Mudane Danjire, maxaan kula qabta?”

Waxan u sheegay haddii la fuliyo go’aanka ay dawladda Kenya ku celinayso saraakiisha Soomaaliya ee Mandheera u soo tallaabay in dhammaantood la toogan doono. Waxaan ku idhi “waxaad ka mid tahay aabeyaasha Africa, arrintanina waxay adiga iyo dawladda Kenya u soo jiidi doontaa magac-xumo weyn”

Si fiican ayuu ii dhagaystay. Markii aan hadalkii dhammaystay ayuu telefon ag yaallay lambar taabtay. Qofkii wuxuu kula hadlay af-Kikuyu. Waxaan ku qiyaasay hadalkiisu in aanu toban erey ka badnayn, kadibna telefoonkii ayuu isa saaray. Margaret Kenyatta ayaa igu tidhi “Arrintii way dhamaataye innakeen” (Cawil, 2016, p: 274-276).

Halkaas ayuu Cawil, Cabdullaahi Yusuf iyo afartii sargaal ee kale kaga badbaadiyay in inta la celiyo dabadeedna qoorta loo dheereeyo si la mid ah sidii laga yeelay intii la qabtay ee inqilaabka kula jirtay. La soco, arrintan badbaadada ah ee uu Cawil qabtay waxa qaban waayay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya sida uu isaguba sheegay. Waxaa se xusid mudan in uu Cawil sheegay in Maxamed Xasan oo ahaa soddogii iyo Kenyatta ay aad isugu fiicnaayeen arrintaasina ay wax badan u fududaysay.

Cawil iyo Soomaalilaand

Inkasta oo aanu Cawil si faahfaahsan uga waramin labaddii xukuumaddood ee ka horeeyay tii madaxwayne Daahir Rayaale ee uu ka midka aha haddana waa uu ku soo qaaday Buugga. Waxa cajiib ah oo waliba wax lala yaaba ah, in uu buugga dhan ee 450 ka bog ah ee waliba wata magaca “RAAD-RAAC TAARIIKH SOOMAALIYEED” uu Cawil ka qoray xukuumaaddii Cabdiraxmaan Ahmed Cali oo ah xukuumadii ugu horaysay isla markaana gun dhiga u ahayd Soomaalilaand wax ka yar hal BARAGARAAF. Waxa uu Cawil ka sheegay xukuumadda dhan:

“In shirwayne lagaga dhawaaqay in Soomaaliland madaxbannaanideedii la soo noqotay, waxaana la dhisay dawlad uu Madaxwayne ka noqday Cabdiraxamaan Axmed Cali “Cabdiraxmaan-Tuur”, madaxwayne-ku-xigeena waxa ka noqday Xasan Ciise Jaamac. Wasiiradii ay magacabeen waxa ka mid ahaa Saleebaan Maxamed Adan (Salbeebaan-Gaal), Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Axmed Ismaaciil (Diqsi), Xasan Adan Wadaadiid, Ismaacill Buubaa iyo xubno kale oo dhammaantood lahaa miisan culus qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii dheeraa ee SNM ku xoraysay dalkla” (Cawil, 2016, p: 314).

Halkaa marka uu marayo, waxa uu Cawil ku booday shirwaynihii Boraman. Waa markaa marka aan is-waydiinayo in uu buuggu buug taariikh Soomaaliyeed yahay sida magaca ka muuqata iyo in uu yahay buug uu Cawil inagula wadaagay taariikhdiisii iyo waxqabadkiisii.

     Xukuumaddii labaad ee madaxwayne Cigaal lafteeda wax badan kama uu sheegin qoraagu marka laga reebo dagaalkii sokeeye iyo safaro uu sheegay in isaga (Cawil) iyo niman kale ay u fududeeyeen madaxwayne cigaal in uu ku tago waddamada Kiinya iyo Ugaanda. Halkaa waxa xusid mudan in uu Cawil sheegay hal shay oo uu ku guul-daraystay. Waxa uu Cawil sheegay in uu madaxwayne Cigaal ergo ahaan ugu diray Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare). Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu markaa ka mid ahaa madaxda ciidan-beeleed haystay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Hargaysa. Waxa uu Cigaal yiri “waxaan rabaa inuu ii noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha si uu ciidankii boliiska inoogu dhiso” Cawil, 2016, p: 319). Waxa uu Cawil sheegay in uu u tagay Jaamaca oo uu fariintii madaxwayne Cigaal gaadhsiiyay bal se Jaamac aanu ka aqbalin ergadii. Jawaabtii Jaamac waxa ay noqotay sidan “Cigaal in aan la shaqeeyo diyaar uma ahi. Cigaal-na wax aan xabbad ahayn ku tagi maayo. Xabbad ayaa ii qorshaysan inaan ku eryo” (Cawil, 2016 p: 320)

    Inkasta oo, sida uu sheegay, aanu Cawil rabin in uu ka mid noqdo xukuumaddii madaxwayne Daahir Rayaale haddana waxa uu noqday wasiirkii maaliyada ee 2003-2010. Taasi oo Cawil ka dhigaysa wasiir maaliyadeedkii ugu muddada dheeraa intii ay Soomaalilaand jirtay. Si la mid ah sidii hore, waxa uu Cawil ka sheekeeyay gaasinimadiisii iyo sida aanu halba u seegin intii uu ka midka ahaa xukuumaddii madaxwayne Daahir Rayaale. Waxa uu ka sheekeeyay in aanu amar uu bixiyo ka noqon, doorkii uu ku lahaa dadaaladii ictiraaf-raadinta ee dawladdii madaxwayne Daahir Rayaale isaga oo waliba ah wasiirka maaliyada iyo ugu danbayn qaar ka mid ah doodihi golaha wasiirada. Bal aan soo qaadano waxa uu Cawil ka yidhi qodobbada aan xusnay.

Maadaama uu Cawil ahaa wasiir maaliyadeed shaqadiisa ugu badana ay ahayd cashuur iyo wax la hal-maala, waxa uu Cawil ka sheekeeyay, sheekooyin badan oo soo kala dhex-maray isga iyo ganacsata waawayn ee reer Soomaaliland. Waxa ka mid ahaa sheekooyinkaa, sheeko dhex-martay isaga iyo qaar ka mid ah ganacsatada mar uu mamnuucay in cashuurta jeeg lagu bixiyo sida uu sheegay. Waxa uu yiri “Waxaan amray in aan la aqbalayn jeeg dambe laakiin kastamka la geeyo lacagtii oo kaash ah oo shillinka Soomaaliland ah. Waxaan xasuustaa Jaamac Oomaar oo igu yidhi: “Waxay igu kallifaysaa in aan xaajiyad ku qaado lacagta” iyo Xaaji Baxsane oo igu yidhi: Wasiir, alaab ayaa iga taalla kastamka Saylac. Cashuurta Hargeysa ma ka bixin karaa. Haddii kale waxay noqonaysaa in aan baabuur ku qaado lacagta cashruurta ilaa Saylac” Cawli, isaga oo haddalkiisa sii wata waxa uu yiri: “Waxaan ugu jawaabay “Xaaji, lacagta ku qaad baabuur, waayo amarka aan bixiyay ma beddeli karo” (Cawil, 2016 p: 344).

   Mar uu Cawil ka sheekeeyay doorka uu ku lahaa ictiraaf-raadinta xukuumaddii madaxwayne Daahir Rayaale waxa aan kala garan waayay in uu wasiir maaliyadeed ahaa iyo in uu wasiir arrima dibadeed ahaa. Sida uu Cawil sheegay waxa ay xukuumaddii madaxwayne Daahir Rayaale is-tuseen in qadiyadda Soomaaliland la gaadhsiiyo qaar ka mid ah dalalka Africa. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yudhi Cawli:

“Waxaan u baxay Nairobi oo aan ku sugnaa muddo bil ah si aan dawladahaasi ballamo uga soo qabto. Waxaan la kulmay Mwai Kibaki, madaxweynaha Kenya….. Markii aan xafiiska Kibaki fadhiyay waxa ii muuqday dhawr wasiiro oo iyagu madaxweynaha sugayay oo ka mid ahaa Mr. Karume, Wasiirka Gaashaandhigga ahna wasiirka ugu dhow Kibaki isuna da’ ahaayeen. Waqtigii aan ku qaatay kulanka Madaxweynaha ayuu dhibsaday” (Cawil, 2016 p: 346). Cawil in uu madaxda ballamiyo uun kuma uu ekaane waxa uu sheegay in uu madaxwayne Daarhir la soo maray dalalka Kiinya, Tansaaniya, Zambiya, Ruwanda iyo Uganda.

         Waxa kale oo uu Cawil ka sheekeeyay qaar ka mid ah doodihii dhex-maray golihi wasiirada ee xukuumaddii Daahir Rayaale iyo waliba doorkii uu ku lahaa. Markii ay ciidanka Butland qabsadeen magaalada Laascaanood, waxa uu Daahir Rayaale shir degdag ah isugu yeedhay golihiisii wasiirada. Isaga oo shirkaa ka waramaya waxa uu yidhi Cawil:

“Waxaan xasuustaa wasiirrada qaarkood sakati ayaa ka muuqday. Maxamed Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirka Ganacsiga ayaa ku qayliyey “Wallaahi Afguduud wuxuu inoo dhaafayaa ilaa lowyocaddo. Taas ayaan aad uga baqayaa”. Cadho ayaan is hayn kari waayay. Aniga oo u jawaabaya Maxamed Xaashi ayaan idhi bal waxaad nagula hadlayso eeg “Alarmist” ayaad tahay. Ma inankan yar ee Putland ka yimid ee aanu ognahay tamarteeda iyo taagteeda ayaa noo dhaafi kara ilaa iyo Lowyocaddo?” Maxamed Xaashi ayaa mar kale ku qayliyey “Madaxweyne, Wasiir Cawil wuu I caayay. Wuxuu igu sheegay “Alarmist”. Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa ku yidhi “Maxamed Alarmist cay ma aha, ee waa “buun-buuniye” Cawil, 2016 p: 365-366).

Tix-raac la’aanta Buugga

Waxa aan jecelahay in aan mar labaad ku celiyo arrin aan hore u sheegay. Buugga dhaliishiisa koowaad uguna wayni waa tix-raac la’aan. Tix-raac la’aanta sheekooyinka tira-beelka ah ee aanu Cawil goob-jooga ka ahayni waxa ay su’aal galinayaan kuwa kale oo uu goob-jooga u ahaa iyo wliba dhexdhexaadnimada buugga guud ahaan. Aniga intii aan buugga akhrisanayay aad bay iigu soo noqnoqtay arrintaa tix-raacu. Hal mar ayaan xasuustaa in uu  buug wax ka soo xigtay, nasiib-darro markiina magaca buugga ayuu khalday. Wuxuu yidhi qoraagu “Cabdullaahi Yusuf laftiisu buuggiisa Halgan iyo Hadimo (B.378-379) wuxuu ku qiray”. Buugga Cabidlaahi Yusuf waxa la yiraahdaa “Halgan iyo Hagardaamo taariikh nololeed”. Waxa uu dhawr jeer soo xigtay maahmaayo iyo odhaaho af-ingiriisi u badan iyo Jaraa’ido aanu haba yaraatee magocooda, xilliga ay soo bexeen iyo meesha ay ka soo baxeen toona sheegin. Bal aan eegno qaar ka mid ah sheekooyinka bilaa tix-raaca ah ee buugga ku jira. Waxa uu Cawil sheekadan ka sheekeeyay mar uu lahaa, waxa jiray waddamo badan oo carbeed oo Siyaad Barre kala taliyay in aanu SNM la dagaalamin.

“Markii ay soo gadheen dalka Kuwayt, Siyaad Barre wuxu kulan la yeeshay Boqorka Kuwayt. Warqad mashaariic badani ku qoran tahay ayuu u dhiibay Boqorka, kana codsaday in Kuwayt maal-geliso. Boqorkuna wuu u ballan-qaaday. Markii ay Siyaad Barre iyo wefdigiisu bannaanka u soo baxeen ayaa waxa yimid Amiirka dhaxalka Boqortooyada iska leh Sheekh Sacad Al-Sabaax oo ay hooyadii madow ahayd, isagana midabkiisu madow ahaa. Wuxuu ka codsaday Siyaad barre in uu galabnimada ku soo booqan karo huteelka uu Madaxwaynuhu deggan yahay. Maxamed Siyaad Barre-na wuu ka aqbaly. Shantii Galabnimo ayuu Amiirkii oo ay laba qof la socdaan huteelkii ugu tageen Maxamed Siyaad Barre iyo wefdigiisii. Wada-hadalkoodii sidan ayuu u dhacay:

Amiirkii: Walaalkay Madaxwayne Maxamed, madaxda Carabtu inta ay isa soo booqdaan ayay labada dhanba iska dhunkadaan; xaqiiqada dalalkooda ka jirtana aanay ka wada hadal, runna aanay isu sheegin. Aynu labadeenu noqono madaxdii Carbeed ee ugu horreysay ee run isu sheega. Jabhadan SNM ee aad dagaalka kula jirto, dadka ay ka soo jeedaan waxa naga dhexeeyay xidhiidh taariikhi ah oo dhawr boqol oo sanno taxnaa. Madaxaweyne Maxamed, haddii aan kuu sheego jagooyinka xasaasiga ah ay dalka u hayaan madaxda asalkoodii hore ka soo jeedo dadkaaasi waad yaabi doontaa. Waxay ahaayeen dadkii doonyaha ka soo raaci jiray marsada Berbera oo markii Kuwayt yimaadeen dadka ku dhex milmay noqdayna Kuwaytiyiin dhab ah. Maanta waa Kuwaytiyiin laakiin asalkoodi hore meeesha ay ka soo jeedaan waa ay ogsoon yihiin. Sow ma niyad-xumaan karaan marka ay maqlaan in boqorkoodii madaxwayne gummaadaya dadkii ay asal ahaan ka soo jeedeen uu caawinayo. Waxa hubaal ah in daacadnimada iyo jacaylka ay u qabaan boqorkooda uu dhaawac wayni gaadhi karo” (Cawil, 2016, p: 296).

Haddaba marka laga yimaado tix-raac la’aanta sheekadan oo aanu qoraagu haba yaraatee waxba inooga sheegin sida ay sheekadani ku soo gaadhay waxa kale oo iyaduna is-waydiin leh, xidhiidhka fiican ee qoraagu sheegay in uu ka dhexeeyay Kuwayt iyo dadka asal ahaan  SNM ahaan jiray meesha uu ku danbeeyay. Ta kale, haddii sheekh Sacad Al-sabaax oo wakhtigaa ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwayt uu sidaa u jeclaa dadka reer Soomaaliland muxuu wax-ula-qaban waayay markii uu noqday Amiirka dalka Kuwayt?

      Sheekada kale ee bilaa tix-raaca ah ee aan tusaalaha u soo qaatay waatan. Sheekadan waxa uu qoraagu markhaati uga dhigayaa in ay Kornayl Cabdilaahi Yusuf iyo Kornayl Maxamed Faarax Caydiid ahaayeen laba nin oo qabyaaladiistayaal ah oo saraakiishii koonfureed 70% ka dhigay Habar-Gidir iyo Majeerteen. Qoraagu waxa uu yidhi:

“Marka saraakiisha la qorayo ciidanka dhallinyarada ah ayaa saf la soo joojin jiray, kadibna Kornaylka ayaa kuwa uu jeclaysto ka xulan jiray. Kornayl Caydiid si uu u xusho saraakiil wada Habar-Gidir ah habeenimada ayuu u sii diri jiray calaamad af-garasho, taas oo ah in askarta Habar-Gidir ay safka soo galaan iyada oo badhanka jeebka sare go’an yahay si markaa uu xulanayo uu u garto ulana soo baxo inta Habar-Gidir. Sidoo kale Cabdilaahi Yuusuf wuxuu habeenimada hore sii diri jiray calaamad af-garasho taas oo ah in askarta Majeerteen marka ay safka soo galayaan ay jeebka sare khad mariyaan u eg in uu qalin ay jeebka sii galinayeen ka maray, si uu u xusho askar wada Majeerteen ah oo saraakiil noqota” (Cawil, 2016 p: 116)

Labadan sheeko maaha kuwa keliya ee bilaa Tix-raaca ah. Sida aan hore u sheegay buugga oo dhan baa bilaa tix-raac ah. Markaa ayaan loo qaadan kuwa inta aan si gaar ah  u soo xushay aan qoraaga si gaar ah ugu dhaliilayo. U malayn maayo in ay qoraaga ka daahantahay muhiimada tix-raacu laakin garan maayo si ay wax ka noqdeen. Si loo rumaysto in waxani ay tahay taariikh Soomaaliyeed oo dhacday sida uu qoraaguba ugu tala-galay ee uu wakhtiga u geliyay in uu buugga qoro waa in ay ka duwanaataa sheekada suuqa oo ay yeelataa tix-raac.

Sheekooyin cajiib ah

Dhinaca kale waxa buugga ku jira sheekooyiin badan oo isugu jira qaar naxdin leh, qaar la yaab leh, qaar xiisa leh iyo qaar aad u qosol badan. Waxa jira sheekooyin badan oo aan dul istaagay intii aan buugga akhriyay oo qaarna aan la yaabay qaarna aan aad u xiiseeyay runtii. Waxa aan jeclaystay in aad idinla wadaago laba sheeko oo aan midna aad ula yaabay midna aad uga helay oo aan ku qoslay. Aan ku horeeyo sheekada aan la yaabay.

     Sidii aan hore u soo sheegay waxa uu qoraagu saddexda cutub ee buugga ugu danbeeya kaga sheekeeyay saddexda wadan ee kala ah Jabbuuti, Itoobiya, Kiinya iyo waliba qaar ka mid ah madaxdii soo martay. Waxa ka mid ahaa madaxda uu sida gaarka ah uga sheekeeyay Ismaaciil Cumar Geele, Males Zenawi iyo Jomo Kenyatta. Sheekada aan la yaabay ayaa qoraagu waxa uu ka sheegay Jomo Kenyatta oo ahaa madaxwaynihii ugu horreeyay ee Kiinya.  Kenyatta waxa uu madaxwayne ka ahaa Kiinya intii u dhexaysay 1963 oo ahayd markii ay Kiinya xornimada qaadatay ilaa iyo 1978 oo ahayd xilligii uu geeriyooday. Waxa uu Cawil sheegay in aanu Kenyata waligii diyaarad raacin isaga oo sheekadaa ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Madaxwayne Kenyatta, weligii dayuurad muu raacin. Dayuuradaha wuu ka baqi jirey. Shir dalka dibeddiisa lagu qabtayna, waligii kama uu qayb gelin. Intii uu Madaxwenaha Kenya ahaa, marnaba dalka kama dhoofin, oo dayuurad ma raacin. Dalka gudihiisa baabuur ayuu raaci jirey. Dalalka Afrikada Bari ee Uganda iyo Tanzania; baabuur ayuu u raaci jirey” (Cawil, 2016: P. 423)

Bal adigu suurayso, adiga oo 15 sanno dal madaxwayne ka ah oo aan waligaa diyaarad raacin isla markaana aan ka qaby galin shir caalamiya oo lagu qabtay meel ka baxsan dalka aad xukunto. Alla malaha maxaa fursad seegtay Kenyatta.

    Aan ku xijisiiyo sheekada xiisaha leh ee aan ku yara nastay intii aan buugga akhriyay. Waxa uu qoraagu ka sheekeeyay mar ay isaga iyo Cabdullaahi Maxamed Duale safar shaqo  ku tageen Itoobiya, in ay la kulmeen Cabdirisaq Juriille oo mar ahaa Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu yidhi qoraagu, Cabdirisaq Juriille wuxuu ka soo jeedaa qoyska saldandda beesha Dashishe. Waxa uu qabaa gabadh Majeerteen ah oo ku dhalatay Hargeysa, iyada oo hooyadeed ka soo jeeddo beesha deggan xaafadda Ibraahim Koodbuur. Nairobi ayaanu jaar ahayn. Waxaan aad u qosli jiray marka uu igu yidhaahdo:

“Cawilow, Soddohday ayaa maanta Hargeysa ka timid. Waxaan caruurtaydii ku idhi calankii Puntland ee qolka fadhiga inoo sudhnaa dejiya, calankii Somaliland inoo saara. Inta ayeydiin inala joogto kuligeen waxaynu nahay Somaliland. Yaan afkiina laga maqlin Puntland. Subaxa uu dayuuradda Hargeysa u saaro ayuu igu odhan jiray “Soddohday saaka ayaan Hargeysa u dhoofiyay. Waxaan caruurtii ku idhi innaga xareeya calankii Somaliland; keennii Puntland inoo soo saara” (Cawil, 2016: P 370).

Aad iyo aad baan sheekadan uga helay, waxanan jeclaystay sida uu Cabdirisaq Juriille u ixtiraamayay soddohdii ee dhallinyarow ha la ogaado in ay siyaasaddu meel badan xadxantayn karto oo ha la digtoonaado sidaa Cabdirisaaq Juriille.

Gabagabo

 Sideedaba, waxa fiican in magac buugga iyo waxa uu ka hadlayaa ay is-lahaadaan oo haddii ay taariikh ummadeed tahayna uu taariikhdaa xoogga saaro haddii ay taariikh shakhsi tahayna uu taariikhdaa xoogga saaro. Aragti ahaan, buuggani taa waa uu khilaafay. Waxana ii muuqatay in magaca buugga iyo waxa uu ka hadlayaa aanay is-lahayn. Ta kale xogta uu buuggu xanbaarsanyahay oo dhami waxa ay ka bilaabantaa isla markaana ku dhamaataa qoraaga buugga. Ma jirto meel aw qoraagu inala wadaagay oo aad u sii raacdo haddii aad u baahato in aad hubsato waxa buugga ku qoran.

     Waxa kale oo aan dhalliil u arkay in uu Cawil inala wadaagay nolol bilaa turxaan ah iyo guulo badan oo bilaa guul-darrooyin ah. Marar badan waxa aad moodaysaa in aad akhriyayso buug “fiction” ah oo ruwaayad ama filin ah gaar ahaan marka aad eegto sida uu qoraagu ugu talax-tagay ka sheekaynta guuliha uu nolosha ka gaadhay. Mar waxa aan is-idhi malaha nolosha qoraagu sidan uun may ahayne waxa uu idiin soo xulay intii uu guulaystay. Mar kalena waxa aan is-idhi malaha qoraagu waxa uu noqday ninkii ugu horeeyay ee beeniyay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “Nin habari dhashay hal ma seegi waayo”

Ugu danbayn waxa aan u mahad celinayaa saaxiibkay Muse Maxamuud Ise (Muse-Dalmar) oo ila wadaaga buuggan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews