Cidhiidhi Mar Kale Ka Dhashay Caado La Filayay In Madaxweynuhu Suuliyo Oo Shalay Beennoobay

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Boqolaal kamida Shacbiga ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo ay hogaaminayaan Masuuliyiinta Heer Degmo iyo Gobol, ayaa weftiga Madaxweynaha kaga hortegay deegaamo ku yaalla dhinaca Bari ee Magaalada. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii la soo dhaweeyey kaddib shacbiga  kala hadlay Fagaare loo asteeyey  soo dhaweyntiisa, isagoo uu uga mahad-celiyey dadkii soo dhaweeyey, isagoo si gaar ah u bogaadiyey Madaxdhaqameedyada iyo Ururrada Bulshada ee ka qayb-qaadanayey soo dhaweyntiisa.

Geesta kalena Xubno isugu jira Madaxdhaqameedyo, Ganacsato iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo halkaa ka hadlay ayaa ka dareen celiyey soo dhaweynta madaxweynaha.

Inta badan Jidadka mara Suuqyada bartamaha Magaalada, kuwa Xaafadda shacabka ee loo maro Xafiisyada Dawladda iyo goobaha kale ee adeegyada aasaasiga ah oo uu kamid yahay Cisbitaalka guud ayaa saxmad darteed u xidhnaa saacado badan.

Qaar kamida dadkii ay saameysay Cidhiidha iyo culayska isu socod ee ka dhashay soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa iyagu warbaahinta u sheegay  inay saacado badan u xanibnaayeen waddooyinku imaanshiyaha Madaxweynaha, taasina ay dhibaato ku tahay Bulshada.

Gaadiidka ku xanibnaa goobaha qaar waxa kamid ahaa kuwa dadweynaha, Gaadiidka gurmadka caafimaadka oo meelaha qaar saacado ku xayirnaa, saxmada iyo cidhiidhiga dartii.

In saacado badan ay u xidhnaadaan waddooyinka waaweyn ee dalka qaar kamida imaanshiyaha iyo bixitaanka Madaxweynaha, ayaa ah caado wakhti dheer soo taxnayd, taasoo marka ay timaado saameyn taban ku yeelata nidaamka iyo isu socodka Magaalada.

Waxaana saameynta lafteeda qayb ka ah waddooyinka waaweyn ee Magaalada oo marka horeba aad u yar iyo jiritaan la’aanta qaab lagu xaliyo marka ay xaaladahan oo kale yimaadaan, taasoo ay ku guul-daraysteen Maamuleyaashii u kala dambeeyey Caasimada.

Madaxweyne Biixi ayaa looga baahan yahay inuu wax ka badalo caadadan oo xukuumadihii ka horreeyey soo taxnayd hase yeeshee ay ra’yul caamku aaminsanaayeen inuu suulin doono Madaxweyne Biixi marka uu talada qabto iyaga oo u sibir saaraya in uu yahay masuul in badan wax ka og xaallada bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba.

SHARE
Article horeWefti Somaaliland Ah Oo Guulo Midho-Dhal Ah Ka Soo Hooyay Safar Ay Ku tageen Waddanka Ingiiriiska
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here