Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Kusoo Dhigay Baabuur Tukhaan Ah Oo Dhawaan Afduubtay Haweenay Kiraysatay

0
139

Hargeysa(Hubaal)-Ciidanka ilaalada Nabadgelyada waddooyinka, ayaa gacanta kusoo dhigay Gaadhi nooca Dukhaanka loo yaqaano oo si weyn loo raadinayey, kadib markii uu isku dayey afduubka Haweenay dhallinyaro ah oo kiraysatay. Gaadhigan oo Number-kiisu yahay 58037, ayaa maalintii shalay la arkay isagoo yaalla goob u dhaw Xarunta Tv-ga Hctv, Waxana ciidamadu ku qaadeen Wiish, kadib markii hore loo arki waayey dirawalkii watay.  Gabadha Wadaha Gaadhigan hore iskugu dayey inuu afduubto ayaa kiiskeeda u gudbisay Ciidanka ammaanka, waxana raacdo dheer kadib ay ciidanku ku guulaysteen inay Gaadhisaas soo qabtaan, maadaama uu galay kiis nabadgellyada ka dhan ah.  taxi tukhaanGaadhiga ayaa sida Gabadhu u sheegtay Ciidamada ula kacay Dariiq ka duwan kii ay doonaysay, waxana markii ay xaaladda aragtay ay iska tuurtay gaadhiga, iyadoo halkaasna uu kusoo gaadhay dhaac culusi.  Wadihii gaadhisaas ayaan gacanta lagu dhigin, waxana la tuhmayaa inuu baxsaday markii uu arkay inay ciidamadu isaga raadinayaan.  gaadhi tukhaanbalse shacabka caasimada Hargeysa iyo guud ahaan kuwa Somaliland ee gaadiidkan is ticmaala ayaa looga baahan yahay inay taxadar badan ka muujiyeen raacista gawaadhidan maadaama ay khatar horleh soo kordhiyeen, horena ay ugu kaceen dhacdooyin badan oo kala duwan, halka mar marka qaar iyaga la afduubo oo ay maafiyo ama tuug hubaysani kiraystaan ka dibna ay dib u baadhaan wadaha gaadhiga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here