Ciidammada Ammaanka Kenya Oo Weli Wada Hawlgal Lagu Soo Afjarayo Weerrarkii Nairobi

0
1

Ciidammada ammaanka ee Kenya ayaa weli iskudayaya inay soo gebagabeeyaan weerrar ay caasimadda Nairobi ku soo qaadeen dad looga shakisan yahay inay yihiin maleeshiyaad Islaami ah.

Afar nin ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen dhismayaal ka kooban hoteel iyo xafiisyo iyagoo la dhacay qaraxyo iyo rasaas.

In ka badan laba iyo toban saacadood kaddib, waxaa weli la maqlayaa dhawaqa rasaas iyo qaraxyo walow dowladda Kenya ay sheegaytay in ciidamadeeda ammaanka ay dib ula wareegeen gacan ku haynta goobtaasi.

In ka badan 100 qof ayaa la soo badbaadiyay xalay saqdii dhexe waxaana la geeyay goob maskaxda loogu dajinayo, waxaananse weli kala caddeyn tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba.

Ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerrarka.

Taliayaha booliska Joseph Boinett ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu hoteelka ka soo galay albaabka, sidaana ay ugu fududaatay in ragga hubeysan ay gudaha u galaan. Ilaa haatan lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi. Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa daqiiqado ka hor laga maqlayay qarax kale oo xooggan.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo, waxaana la arkayay iyaga oo samatabixinaya dadkii ku xayirnaa gudaha dhismahaasi.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, iyo dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitter-ka lagu sheegay in la xiray waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dhismaha hoteelka DusitD2, isla markaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay weerarkaasi ku soo afjari doonaan sida ugu dhakhsaha badan. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo dhawr ah ay jiraan, booliskuna ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan sida ay wax u dahceen.

Kenya ayaa dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay weerarro argagixiso oo intooda badan ka dhacayay deegaannada u dhow xudduudda Soomaaliya. Bishii Sebteembar ee 2013 mintidiinta Al-Shaabab ayaa galay Westgate oo ah goob laga dukaameysto oo ku taal Nairobi, waxa ayna halkaasi ku laayeen dad rayid ah oo halkaasi ka dukaameysanayay.

Weerarkaasi oo socday ku dhawaad afar maalmood ayaa waxaa ku dhintay 67 qof.

Laba sano ka dib, Al-Shabaab ayaa geysatay weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay ku dhinteen qiyaastii 150 qof ka dib markii ay weerar ku qaadeen Jaamacad ku taal magalaada Garissa ee woqooyi bari Kenya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here