Ciidammada Bilayska Oo Bilaabay Hawl-Gal Soo Jiitay Indhaha Bulshada Oo Ay Ku Bartilmaameedsadeen Dhalinyarada Dhoorka La Baxay Iyo Farriinta Taliye Fadal

0
136

“Waxaanu Shacabka Reer Somaliland U Sheegaynaa In Dhalinyarada Oo Bahallooday Ee Maalin Iyo Habeen Inuu Wax Boobo,  Waxna Eryado Diyaar U Ah Ay Ciidanka Boolisku Waajibkooda Ayya Ka Gudanayaan”

 

Ciidammo Sita Maqaska Timaha Oo Hadh Cad Timaha Madaxa U Simay Dhalinyarada Dhinacyada Xiiran Ee Dhoorka La Baxay

 

Hargeysa (Hubaal) – Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa Magaalooyinka Dalka ka bilaabay hawl-gallo ay kaga sifaynayaan dhallinyaro Budhcadoobay oo habeen iyo Maalinba dhibaato ku haya Shacabka.  Taliyeyaasha Ciidammada Booliiska Somaliland oo shalay si wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Hawl-gallada Boolisku sameeyeen lagu soo qabtay dhallinyaro, Tuug iyo Magefayaasha Dadka Tahriibaya ooo tiradoodu isku noqonayso Boqol ku dhawaad, kuwaasi oo qayb ka mid ah durba la xukumay. Taliyaha ciidammada bilayska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isagu kamid ahaa madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa yidhi “waxa jira kooxo dhalinyaro ah oo caadaystay inay nabadgalyada waxyeelleeyaan iyagoo koox koox isu dilaya ama dadka baadhanaya amaba gaadiidka xadaya. Dhalinyaradas ciidanka bilaysku isagoo mar walba wadada sharciga ah u maraya waxaa uu galayaa hawlgallo ballaadhan oo ku wajahan kooxahaas, hadday tahay caasimadda iyo haday gobollada tahayba”. Sidaas ayuu yidhi taliyaha ciidanka bilaysku, waxaanu intaa ku daray “waxaanu shacabka reer Somaliland u sheegaynaa una ballanqaadaynaa in dhalinyaradaas oo bahalloobay oo aan soo hoyanayn oo maalin iyo habeen inuu wax boobo, wax dhaco, waxna eryado diyaar u ah, ciidanka boolisku waajibkooda ayya ka gudanayaan”. Geesta  kale taliye ku xigeenka bilayska sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay bilaabeen hawl gallo magaallooyinka lagaga sifaynayo dhalinyaro uu ku tilmaamay in ay yihiin food dheerayaal laga nasan waayay iyo tuugtaba “illaa hadda ciidammada bilaysku waxaa ay hawlgalladaas ay bilaabeen kus oo qabteen tiro aan ka yarayn boqol food dheere kuwaas oo lixdan iyo toddoba ka mid ah la xukumay, laba iyo toban magafe iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah”. Sidaas ayuu yidhi taliye ku xigeenka bilaysku.

Geesta kale waxaa dhawrkii caano maal ee la soo dhaafay lagu arkayaayay fagaarayaasha magaallooyinka dalka ee bulshadu ku badan tahay ciidammada bilayska oo kooxo u socda kuwaas oo sita Maqasyo ay ku bartilmaameedanayaan dhalinyarada wiillasha ah ee timaha madaxoodu dhoorka leeyihiin iyo kuwa aanay sinnayn timahoodu ee dhinacyada xiiran, kuwaas oo ay qasab kaga xiirayeen timaha fooda inta dheer. Weriyeyaal HUBAAL ka tirsan oo shalay la kulmay goobo barkulan ah oo ku yaalla Hargeysa oo ay ciidammada Bilaysku timaha kaga goynayeen dhalinyarada foodda dheer la baxay ee dhinacyada xiiran ayaa soo weriyey in ay hawl galkaas goob joog ka ahaayeen dadweyne badan oo iyagu daawanayay kuwaas oo ku ammaanay ciidanka tallaabadan ay qaadeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here