HUBAALMEDIA.COM
Ciidammada Booliiska Oo Xidhay Masuul Dawladda Somaliland Ka Mid Ah, Halka Laga Qabtay Iyo Su’aalaha Ku Xidhiidhsan Sababta Xadhiggiisa
September 29, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

booliskaHargeysa -(Hubaal) – Gudoomiye Ku-xigeenka Komiishanka Xuquuqul Insaanka Qarranka Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed,  ayaa Shalay Ciidammada Booliisku ku xidheen Xarunta Ciidammada Dambi baadhista ee Loo yaqaanno C.I.D-da  ee Magaalada Hargeysa.

Maxamuud Garaad Maxamed oo Xukuumaddii Daahir Rayaale mar ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, imikana ah Guddoomiye ku-xigeenka Komiishanka Xuquuqal iinsaanka Qaranka, ayaa Ciidammadu ka soo Xidheen Gurigiisa subaxdii hore ee Shalay.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Masuulkan oo ay u dhaxday Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ah Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland aan ilaa hadda la ogeyn sababta loo xidhay iyo Cidda amartay Xadhiggiisa.

Xogaha kale ee Wargeyska Himilo helayo, ayaa sheegaya inaan Xadhigga Masuulkan oo markii hore gurigiisa looga soo kaxeeyay si qabow, aan lala socodsiinin Qoyskiisa.

Wargeyska Himilo oo Xalay Dhowr jeer la xidhiidhay Taliyaha Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Afhayeenka Booliiska Faysal Xiis iyo Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Marwo Fadxiya Jaahuur si wax looga waydiiyo Sababta loo xidhay Masuulkan Dawladda ka mid ah, ayaanay noo suurto-gelin inaanu hello, ka dib markay saddexdooduba ka jawaabi waayeen Telefoonnadooda gacanta (Mobiles).

Xigasho: Himilo

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews