Ciidammada Mareykanka Oo Sheegay Inay Duqayn Ka Gaysteen Soomaaliya

0
1

Muqdisho (Hubaal) Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay weerar duqayn ah ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku dileen weerarkaasi labo kamid ah kooxaha jihaad-doonka. Bayaan kasoo baxay taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqaynta Salaasadii doraad ay ka fuliyeen meel u dhaw magaalada Kismaayo islamarkaasna aanay jirin rayid ku dhaawacmay ama ku dhintay. Bishii June ayay ahayd markii mid kamid ah ciidammada Mareykanka lagu dilay halkaasi, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii Al Shabab ay weerartay saldhig ku yaallay agagaarka magaalada Kismaayo.

SHARE
Article horeSOMALILAND: “Dalku Waa Nabad, Ninkii Nasoo Doonta Isagaa Yaqaana”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here