Ciidanka Booliska Oo Xabsiga Dhigay Mujaahid Dhaliila Siyaasadda Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Ka Hadlay

0
19

“Waa Rafadkay Rafanaysay Xukuumaddu Oo Waxa Ay Ogaatay In aanay Jirin Wax Dalkan Ugu Hadhay,  Sharciyaddii Ay Dalka Ku Maamulaysay-na Wey Dhammaatay”

Hargeysa (Hubaal)- Ciidamada Booliska, ayaa shalay xabsiga u taxaabay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ka mid ah siyaasiyiinta  reer Hargeysa ee in dhawaaleba dhaliilaha warbaahinta u marin jiray  hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.  Marjiro war faahfaahsan oo xadhiga Ooto Biixi laga soo saaray hase yeeshee sida lagu baahiyey barta internetka ee Hadhwanaagnews.com Mujaahidka ayaa ciidammada ammaanku xabsiga u taxaabeen shalay isaga oo ku sugan Hargeysa,  isaga oo ku xidhan hadda saldhiga dhexe ee Hargeysa. Maxamed Biixi Caalin (Ooto)  ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaliilo u jeediynayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku eedayn jiray inay ku guuldaraysteen kasbahada kalsoonida shacbiga Somaliland.

ooto-biixi-292x180Dhinaca kale  labada xisbi Mucaarid ayaa cambaareeyey xadhiga ay xukuumaddu kula kacday  Mujaahid Ootto Biixi. Musharraxa  jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag u cambaarreeyey xadhiga ay Xukuumadda cimrigeedu dhammaaday ee Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Mujaahid Ootto Biixi Caalin. Mr. Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay Xadhiga iyo tacaddiga ay Xukuumadda Siilaanyo kua kacayso shacbiga reer somaliland, kuwaasoo uu sheegay in Fikirkoodda lagu haysto, taasoo uu tilmaamay inay ka hor imanayso xoriyatul qawlka iyo shuruucda xuquuqul insaanka oo dunnida si wayn looga ixtirraamo. “Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa inay Xorriyaddiisa u soo celliso Mujaahid Ootto Biixi Caalin oo ah ragii dalkan u soo halgamay ee xuquuqda ku leh. Xukuumaddan wakhtigeeddu wuu dhammaadday ciddna ma xukunto marka la gaadho 27 jully, dadka Muwaadiniinta ah waxay ku xidhaysaa fikirkoodda xorta ah, arrintaas waannu cambaaraynaynaa.” Ayuu yidhi Murashaxa Jamaal Cali Xuseen, waxaanu intaa ku daray

“Horta waa rafadkay rafanaysay oo waxay ogaatay inaanay jirin wax dalkan ugu hadhay, waxaan leeyahay 27 jully wixii ka dambeeya ma aqoonsanin, horrenna taas waan u sheegay Sharciyaddii ay dalka ka ku maamulaysay way ka dhammaatay, wax-ba ayay ku meeraysan Muwaadiniinta ay ku xidhayso Car juuq dheh, waxaan leeyahay taasi horreba way u shaqayn wayday”.  Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ayaa  Waxaa Uu Canbareeyey Xadhiga Ay Xukuumada Somaliland U Geystay Mujaahid Ooto Biixi Isla Markaana  Waxaa Ay  Ugu Baaqeen In Sida Ugu Dhakhsaha Badan Ay  Xoriyadiisii  Ugu Soo Celiso . Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbigaasi  Axamed Muumin Seed Oo Arintani Ka Hadlaya Ayaa Waxaa Uu Yidhi “ Waxaan Aad Uga Xunahay Xadhiga Ay Xukuumada Somaliland U Geysatey Mujaahid Ooto Biixi Oo Ku Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa Waxaana Aan  Ugu Baaqeyna Xukuumada In Sida Ugu Dhakhsaha Badan Ay Dib Xoriyadiisa Ugu Soo Celiso Mujaahidkaas” Ayuu Yidhi Gudoomiye Axmed Muumin Seed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here