Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Lagu Wareejiyey Shixnad Gaadiidka Badda Ah

0
1

Ciidanka Xeebaha Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Ku Howlgeli Doona Gaadiid Casri Ah Oo Doonyaha Dheereeya Ka mid Yihiin

 

Berbera(Hubaal)-Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa lagu wareejiyey saddex doonyood oo ah nooca dheereeya ee loogu talogalay howl-galada Badda oo ay dawladda Sweden ku caawisay Ciidanka. Waxa kale oo Mucaawimadan kamid ah saddex Gawaadhi Lancruiser ah. Taliyaha Ciidanka Xeebaha Admiral/guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo ka hadlay munaasibad balaadhan oo lagula kala wareegay Gaadiidkan, ayaa u mahad-celiyey Dawladda Taakuladan ku deeqday iyo Hay’addaha kale ee la shaqeeya Ciidanka Xeebaha.

Waxa uu sheegay inay dawladda Ingiriisku dhawaan bilaabi doonto mashaariic kale oo Ciidanka lagaga caawin doono kor u qaadista nidaamka lagaga shaqeeyo Xafiisyada, isagoo dhinaca kalena tilmaamay inay Ciidamadu u baahnaayeen qalabkan iyo kor u qaadista aqoontooda. “waxa loo tababaray 15 Sarkaal oo shanba doon ku qoran yihiin, waa howl loo baahnaa” ayuu yidhi Taliye Admiral-guuto Xiirane.

Waxa kale oo munaasibadan ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Saraakiil ka socday Hay’adda ECAP iyo Hay’addo kale oo caalami ah, kuwaasoo soo dhaweeyey Gaadiidkan baaxad leh ee loogu deeqay Ciidanka Ilaalada Badda Somaliland.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyey ku talaabsanayey horumar dhanka qalabka, Aqoonta iyo howlgalada ah, waxaanay iminka si buuxda gacanta ugu hayaan guud ahaan Xeebaha dalka.

SHARE
Article hore“Dalka Somaliland Oo Ay Bajaaj Ku Dhexqarsoomi Wayday, Madaxtooyadda Itoobiya Kuma Dhexqoorsami Karto”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here