Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigey   Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Puntland General & Maxaabiis Badan Oo Kale  

0
1

HALKAN KA AKHRI: Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigey   Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Puntland General & Maxaabiis Badan Oo Kale  

 

Hargeysa(Hubaal)-Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Maamulka Puntland General Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii ciidanka Puntland Weerrar kusoo qaadeen saaka fadhiisinka hore ee deegaanka Tukaraq ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Warkan Oo Wargeyska HUBAAL Kasoo Xigtay  degelka wararka Internetka ee Arraweelo News oo warbixin uu ku baahiyey bogiisa internetkakaga hadlay qabashada sarkaalkan ayaaa intaa ku ladhay in   General Muxiyadiin Axmed Muuse uu ka mid ahaa sarkaalka ugu sareeya ee lagu qabtay  dagaalka, iyadoo ay jiraan sida ay wararku sheegayaan maxaabiis labaataneeyo ah oo laga qabtay Ciidanka Maamul goboleedka Puntland.

Maxaabiista laga qabtay Puntland, waxay wararku sheegayaan in ay u badan yihiin Ciidamadda Badda ee Maamul goboleedka Puntland ee lagu magcaabo Saracen oo dawladda Imaaraadku maal geliyo Iyo kuwa loo yaqaan shahaado la dirirka.

sidoo kale wararka, ayaa sheegaya in gaadiid dagaal laga qabtay maamulka Puntland, Isla markaana dhaawacyo baddan la gaadhsiiyay Cusbitaalka Garoowe, iyadoo uu jirto khasaare dhimasho

Dhinaca Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa khasaare sahlan soo gaadhay, Isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac, balse Khasaare sahlan soo gaadhay marka loo eego maamulka Puntland.

SHARE
Article horeQurbe joog & Qolqoljoog; Midkoodna Fadhi Uma Yaal!!!!. W/Q: Axmed Cismaan Batuun
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here