“Ciidanku waa ciidankii qaranka somaliland wax dhibaato ah oo uu u wado reer Awdal-na ma jiraan, waxa uu u socdaana waa inuu Nabadda Ilaaliyo,”

0
12

Hargeysa (Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa ka Hadlay Xaalado Nabadda ka dhan ahaa oo dhawaanahan kasoo kordhayey Gobolka Awdal oo uu kamid ahaa Saraakiil xukuumadda ka tirsan oo arrintaas Turxaan Bixinteeda loo igmaday.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo maanta la Hadlay Qaar kamid ah Warbaahinta, ayaa sheegay inay Guulo kasoo Hooyeen arrinta Suldaanka Falaagoobay ee Reer Awdal iyo Tabashadii Shacabka Gobolkaasi soo jeediyeen.

Mudane Saylici, waxa uu sheegay in Suldaanka Falaagoobay in badan lagu deyey Maslaxad, isla-markaana loo diray Masuuliyiin kala dambeeyey oo dhammaantood Guul darro kala soo laabtay,

“Hawsha salaadiinta waxa ugu horreeyey wasiirrada markii hore waxa galay Wasiirradii jufudiisa ahaa, markii dambena wasiirradii kale ee somaliland intabana wuu ka dhego adaygay, ugu dambayntii intii aanay dawladdu go’aan qaadan waxay ku wareejisay Golaha Dhaqanka oo Labaatan ah oo ay leeyihiin Beelaha Gudi biirsi, taasaana keentay in Dorraad la qaatay Go’aan ah ninkaasi uu ka far taagtay oo uu gaar uga Baxay oo aanu u aqoon sanahay maanta nin qaran dumiye ah oo arrimaha Somaliland dibadda uga Baxay.”ayuu yidhi Mudane Saylici.

 saylici

Mar wax laga weydiiyey Tabashada Shacabka Gobolkaasi inay sabab u tahay Mawqifka uu suldaanku qaatay, ayuu sheegay inaanay taasi wax saamayn ah ku lahayn, isla-markaana aanu ku jirin ciddii wax tabanaysay suldaanku, waxana uu yidhi,

“Tabashadu ma ahayn mid suldaankaas gaar ugu taalay, salaadiintii keentayna kuma jirin, halkii ay wax ka tabteen iyo wixii loogu jawaabayey Waddo cad bay taalla odayaashuna way caddeeyeen inay halkay taalo ka sugayaan isagase tiisu waa arrin ka baxsan wixii umadda Reer Somaliland ku heshiisay ka Baxsan.”

Waxa uu sheegay in Suldaanka Fallaagada Noqday uu la mid yahay xubno badan oo reer Somaliland ah ooh ore ugu kacay arrimo qaddiyada ka dhan, isagoo intaas ku daray inay wali Tawbaddu u furan tahay oo uu rajo leeyahay,

“Wadadii ay in badan oo la mid ahi ay kaga baxeen qaranimada somaliland ayuun buu kaga Baxay sidaas ay imika Golaha dhaqankuna waa ku taageersanahay, baaqa ay u jeediyeenna waa inuu kasoo noqdo khaladkaa uu galay oo gogoshiisii iyo dhaqankiisii kasoo noqdo, taas hadduu kasoo noqdana anagu waxba kama qabno.”

Mudane Saylici waxa uu ka Hadlay Ciidamo Militeri oo dhawaan Loo daad gureeyey Gobolka Awdal, kuwaas oo keenay Jawi shacabka baqdin ka qaadaan, waxana uu ku adkaystay in ciidamada shaqadooda ay kamid tahay in la geeyo Goob kasta oo khatar ammaani ka iman karto, waxana uu yidhi,

“Ciidamadu wax belaayo ah oo ay Gobolka ka wadaan ma jirto, amnigana sidaas ula socotaan cid waliba ciidan bay samaysataa, ujeeddadiisu waa laba arrimood oo kala ah inay ka difaacaan Cadowga iyo inay adkeeyeen Nabadgelyada Gudaha oo meel kasta oo dhibi kasoo ifayso ay awdaan, Ciidankuna waa ciidankii qaranka somaliland wax dhibaato ah oo uu u wado reer Awdal-na ma jiraan, waxa uu u socdaana waa inuu Nabadda Ilaaliyo, maadaama uu baaq colaadeed uu ninkaas fikirka khaldan qaatay wado.”

Himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here