“Cirro waxa uu Kulan Qarsoodi Ah Kula Qaatay Gurigiisa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Iyadoo Lagu Soo Qaaday Gaadhi Ay Madaxtooyaddu Leedahay Lagana Reebay Dareewalkiisii Iyo Ilaaladiisii Gaarka Ahayd”

0
1

Xisbiga UCID Oo Dhiggiisa WADDANI Ku Eedeeyay Kulamo Hoose oo uu La Qaatay Madaxweyne Biixi

 “Waxa xusid mudan in markii uu bilowday kulankaasi uu guddoomiye Cirro codsaday inuu kulanka dibada uga baxo, masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye oo madaxweynaha ku wehelinayay” Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Basbaas

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Basbaas ayaa soo bandhigay kulan qarsoodi ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) gurigiisa kula qaatay madaxweyne Muuse Biixi

“Waxaan ummada reer Somaliland u sheegaynaa, in guddoomiye Cirro iyo xisbigiisu 29 Jully 2018 uu kulan qarsoodi ah kula qaatay gurigiisa, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo guddoomiye Cirro lagu soo qaaday gaadhi ay madaxtooyaddu leedahay lagana reebay dareewalkiisii iyo ilaaladiisii gaarka ahayd. Cirro oo kaliya ayuu ahaa, wax xisbiga ka tirsan oo madax ahina lamay socon. Waxa xusid mudan in markii uu bilowday kulankaasi uu guddoomiye Cirro codsaday inuu kulanka dibada uga baxo, masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye oo madaxweynaha ku wehelinayay. Kulankaasi oo qaatay muddo afar saacadood ah, waxa uu guddoomiye Cirro xeer iyo xilofur uu madaxda xisbiga Waddani ugu saraysa ugu maray, inaanay is arag Muuse Biixi, wax wadahadal ahina aanu dhexmarin isaga iyo Muuse, ayuu u sheegay.” Sidaasi ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Basbaas oo shalay warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa

SHARE
Article horeXildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Dhaliilay Siyaasadda Dalku Ku Socdo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here