Coronavirus: Madaxweyne Ku Taliyay In Lugaha La Isku Salaamo

0
1

Madaxweyne John Magufuli oo doordibay in lugta uu ku salaamo siyaasi ka tirsan mucaaradka cabsi laga qabo Corona dartiis.

Aqalka madaxtooyada Tanzania ayaa baahiyay sawir muujinaya madaxweyne John Magufuli oo lugta ku salaamayo siyaasi ka tirsan mucaaradka oo lagu magacaabo Macalin Seif Shariif Axmed. Madaxweynaha wuxuu doorbiday inuu lugta ku salaamo dadka si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka ay shaaca ka qaaday wasaaradda caafimaadka dalkaas ee looga hortaggayo caabuqa Corona. Caabuqa Corona ayaa saameyn ku reebay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiinaha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof. Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona. Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona.

SHARE
Article horeQaramada Midoobay Oo Sheegtay In 56,000 Qof Oo Rayid Ahi Ku Barakaceen Dagaalka Gedo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here