Coronavirus: Talyaaniga oo Karantimeeyay 16 Million Qof oo ku nool Gobollada Waqooyi ee dalkaasi

0
4

Italy (Hubaal) – Tirada Dadka uu ku dhacay Caabuqa Halista ah ee Coronavirus ayaa kor u dhaaftay 106,000 Adduunka oo dhan, xilli Dawladaha Adduunku xadidayaan socdaalka, lana xidhay Dugsiyada Waxbarashada, shaqaalahana la fasaxay meelaha qaarkood.

Illaa hadda dadka Dunida oo dhan ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus ayaa gaadhay 3,500 Qof, sida la soo weriyey. Dhanka kale, Malaayiin qof oo ku nool Gobollada Waqooyi ee dalka Talyaaniga ayaa la karantimeeyay isla-markaana lagu amray in aanay Guryahooda ka soo bixin, ka dib markii Xukuumaddu qaadday Tallaabooyin lagaga hor tagayo faafidda Coronavirus. Dadka la Karantimeeyay ayaa ka badan 16 Million oo ruux, kuwaasi oo ku nool Gobollada Waqooyi-bari ee dalka Talyaaniga, tiradaasi oo 3 meelood marka loo qaybiyo shacabka dalkaasi noqonayso Meel. Karaatimaynta ayaa soconaysa illaa 3-da bisha dambe ee Aprill, 2020. Dadka illaa hadda Talyaaniga ugu Geeriyooday Caabuqa Coronavirus ayaa gaadhay 233 Qof. Sidoo kale, Sucuudiga oo dhawaan joojiyey in lagu cibaadaysto Xaramka, ayaa sidoo kale joojiyey Dadka ka soo galaya Dhanka Imaaraadka Carabta, Kuwait iyo Baxrayn, kuwaasi oo uu dhammaantood ka dilaacay Caabuqani.

SHARE
Article horeWADDANI Oo dib u hawlgaliyey xubintiisii Komiishanka Doorashooyinka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here