Cudurka Kushinka, Kiimikada la isku Caddeeyo iyo Kiniinka la isku Naaxiyo

0
1

Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

Kushinku waa xaalad ay kor u kacaan dheecaammo uu soo daayo qanjidh ku yaalla kelyaha korkoodu. Dheecaammadan oo ah nooca loo yaqaanno “steroids; istiiroodis” ka waxa ugu muhiimsan mid la yidhaahdo “cortisol; koortisool”.  Koortisooshu jidhka waxa ay u qabataa shaqooyin muhiim ah, sida in ay cunta samaynta jidhka ka qaybqaadato, in ay cadaadiska dhiigga inta caadiga ah ku ilaaliso, in ay caabuqyada jidhka ka yarayso, iyo in sigaara loo soo daayo xilliga qofku kacsan yahay “stress; isjares”.

Badashada dheecaankan koortisoosha oo loo yaqaanno Kushin sayndaroom waxa uu qofka u geystaa dhibaatooyin baaxad leh. Calaamahada ugu caansan iyo cawaaqib xumada ka dhalata dheecaanka koortisoosha oo kor u kaca waxa ka mid ah, miisaanka qofka oo kordha iyo muuqaalkiisa oo is beddela, sida hilibka oo qofka wajiga kaga urura ilaa uu goobo wajigu u ekaado, hilib qofka garbaha ka fuula, xarriiqyo cadcad oo qofku kalxamaha ,bogga iyo miskahaba ku yeesho, calool weyn oo qofka ka soo dhacda, dumarka oo codku weynaado, caadaduna yaraato, timuhuna ku bataan wajiga, ragga oo naaso yeesha, iyo ugu danbayn ma dhalaysnimo rag iyo dumarba ku timaadda.

Badashada koortisoosha ama Kushinka waxa keeni kara dawooyinka istiirooydiska oo la isticmaalo ama xaalad badinaysa soo daynta koortisoosha oo qofka ku timaadda sida, kansar ku dhaca qanjidhka bituwitariga, adreenalka, ama xaalad kale oo badinaysa dheecaanka  kale ee ACTH ka. Ta ugu caansani waa isticmaalka dawooyinka istiirooydka. Dawooyinka istiirooydisku waa qaar la mid ah kuwii jidhku soo daynayey oo loogu talagalay in lagu  daweeyo marka koortisooshu yaraato( Kushinka cagsigiisa), cudurrada difaaca jidhku keeno sida roomatiisamka, xasaasiyadda, xanuunnada ku dhaca maqaarka, iyo kansarrada, si hoos loogu dhigo difaaca jidhka ee qofka weeraraya, caabuqana loo yareeyo. Dawooyinkan qoriddooda laguma degdego, marka la qaadanayana inta ugu yar ee wax tari karta ayaa la qaataa, marka la joojinayana si aayaraayara ayaa loo joojiyaa. Waayo? Istiirooydisku waxa ay hoos u dhigaan difaaca jidhka dabadeedna waxa ay fududeeyaan infakshannada, waxa ay hoos u dhigaan bogsashada dhaawacyada, lafaha ayey u nugleeyaan jabidda, buurni ayey keenaan, muuqaalka qofka ayey beddelaan, Kushinkan aan ka hadlayno ayey sababaan, macaanka iyo dhiigkarka ayey soo horkacaan.

 

Dawooyinkaa istiirooydiska ee xilliyadaa kooban iyo xaaladahaa gaarka ah loo isticmaalayey, ayaa beri dhexdaa ahayd la bilaabay in xeelado kale loo isticmaalo. Waxa dunida laga bartay waxa la yidhaahdo “skin bleaching” ama “iscaddaynta”. Caadadan iscaddaynta oo caafimaad darro weyn lihi waa hab habluhu ku beddelaan maqaarkoodii madoobaa yee caadiga ahaa iyaga oo isticmaalaya kiimikooyin dawooyinka istiiroodisku ku jiraan. Hadda waa dawooyinkaad ogayd! Dawooyinkii dadkii dantu ku qasabtay dirqiga lagu siinayey. Kaaga sii darane, kiimikooyinka dawooyinkani ku jirto waa in muddo dheer la qaataa, si madowga meesha looga saaro caddaan meel fog jirana loogu soo dhaweeyo. “Anoo aabbahay la yaabban ayaa aabbahayna aabbihii keenay!”  Isticmaalka waqtiga dheer ee dawooyinkan la isku caddeeyaa waxa uu waxyeelleeyaa maqaarka, maskaxda iyo uurku jirtaba. Maqaarka waxa ay ku keenaan cuncun farabadan, qallayl ilaa uu jidhku dildillaaco, olol, diirimaadka dabka iyo cadceedda oo aan loo adkaysan, jidhka oo dhiig roora iyo dhabannada oo caasada. Maadddada Mercury-ga oo dawooyinkan qaar ku jirtaa kelyaha iyo maskaxda ayey waxyeellaysaa. Dawada hydroquinone oo 2% ugu jirta qaar badan oo ka mid ah kiimikooyinka la isku caddeeyo, waxa la ogaaday in ay kansarrada maqaarka iyo midka dhiiggaba keeni karto.

Iyada oo xaaladdu halkaa marayso oo qurux macmalana meel aanay jirin laga doonay, ayaa haddana xaalad kale oo tii horeba meel fadhiisisay meesha soo gashay. Soomaalida oo aan hidde hore u lahayn hilibka, lafo yaryarida iyo tafeenno xumadana iskaga dhalatay, ayaa mar kale buurni iyo baruur kuuwii lagu rarayba la ildaran yihiin boholyow iyo caashaq darani u galay. Cayilaadda oo caafimaad darrada ay keento laga cuudu bilaysto, ayaa cishqi waalliya loo qaaday.

Sidee si fudud la iskugu naaxiyaa ayaa meesha soo gashay. Si lagu ogaadayba waxa mar kale loo ceelalyooday istiirooydiskii. Xagga hore maxaan ku soo sheegnay? Saamaynta aan loo baahnayn ee istiirooydiska waxa ka mid ah miisaanka oo ay kordhiyaan. Haa, miisaanka ayey badiyaan. Macnihii buurni iyo cayilaad ayey keenaan. Sida dawo kasto oo dunida taal lagu ogyahay, waxa jirta wax la yidhaahdo “side effect; sayd efekti” oo dawo kastaa jidhka ku yeelato. Sayd efekti gu waa saamaynta taban ee dawadu jidhka ku yeelato. Dawadana waxa lagu qiimeeyaa saamaynta togan ee ay leedahay inta ay ka badantahay saamaynteeda taban. Haddaba halkan, buurnida ay istiirooydisku keenaan oo saamantooda taban ee aan loo baahnayn.

Haddaba waxa aad ka warrantaa marka aad dawo u qaadato bil cagsiga? Faa’iidadeeda maahee faa’iido darradeeda? Waxqabadkeeda iyo wixii weynaa yey ka koobnayd maahee, waxyeelladeeda? Horta dawooyinka aynu ka hadlannaa waa ku wee? Waa ku wii aan xagga hore ku soo sheegnay, istiirooydiskii. Kuwii inta kooban iyo sida taxaddirka leh loo qaadanayey. Kuwii marka la qaato xanuunnada loo nuglaanayey. “Anoo marka horeba ooyayey, ayey weylina igu sii istaagtay!”

Waan ogahay oo adigu dawo istiirood la yidhaahdo ma qaadatid. Sideedabana dawo magaceeda koowaadba istiirood la yidhaahdaa ma jirta. Laakiin waa dawooyin noocyo kala duwan u jira, magaca guud ee istiirooydis la yidhaahdana si guud u wada matala. Laga yaabaa adiga laftaada, qof ehelkaaga ah, ama qof kale oo bulshadeenna ahi, marka uu dawooyinkan qaadanayo in uu yidhaahdo “labo xabbo oo tii barayska ahayd ah i sii”. Waa hubaal taasi in ay tahay istiirooydiskani aan hadda ka hadlayno. “Dexamethasone; degsaamesasoon” waa dawada u badan ee dhallintu hadda u isticmaasho is naaxinta, waa ta ayna ula baxeen “tii barayska u ekayd”.

Gabagabadii, haddii ay jirto xaalad caafimaad oo kugu qasabtay in aad istiirooydiska dawo ahaan u qaadato, sida xiiqda, ama xanuunno kaleba, u qaado si taxaddir leh, adiga oo raacaya tilmaamaha dhakhtarka. Haddii aad isticmaasho kiimikooyinka la isku caddeeyo ee istiirooydisku ku jiraanna iska jooji Kushin kaa aan soo sheegnay iyo kun xanuun oo kale ayey keenaane. Haddaad caataad tahay cuqdad aad ka qabto laakiin aad caafimaad haysato, Caadilka mahad u celiyoo cayilaad caafimaad darradeeda waxba ha raadsannin.

W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

Ubaxle959@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here