HUBAALMEDIA.COM
Cuqaal reer Hargeysa Ah Oo Raalli-gelin Ka Bixiyey Naxli Ladh Kasoo Yeedhay Boqor Raabi Oo Ay Mas’uuliyadiisa Dusha U Saareen Xisbiga WADDANI
July 17, 2017 - Written by Mustafe Faro

Waxaa Ay JAwaab Ka Bixiyeen Weedho Ay Meel-ka-dhac Ku Tilmaameen Oo Boqor Raabi Wax Kaga Sheegay Murashaxa KULMIYe iyo Beeshiisa

“Umadda Somaliland ee Hadalka Boqor Raabi Uu Dhegeheeda Ku Dhacay Waxaanu Ka Raalli Gelinaynaa Inaanaan La Qabin, Muuse Biixina…”

 “Xisbiga WADDANI maadama oo uu Murashaxiisii meesha joogay waxay ahayd in  hadalka  halkiisa lagu xidho, waayo Somaliland oo dhan ayuu cod uga baahan yahay, Laakiin……”

 Hargeysa (Hubaal)- Madax dhaqameed iyo Salaadiin Kasoo jeeda beellaha Daa’uud Ismaaciil [Ciidagale] ayaa raalligelin iyo xaal gole joog ah ka bixiyey hadallo ay meel ka dhac ku  tilmaameen oo dhawaan uu Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi ku weeraray murashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, kaaso o ay sheegeen in nuxurka uu xambaarsanaa iyo ujeedada uu boqorku ka lahaa hadalladaas aanay beel ahaan iyo deegaan ahaantoona la qabin balse uu isaga ku koobanyahay.

cuqaal

Shir Jaraa’id oo Shalay ay Hargeysa ku qabteen  Salaadiinta iyo Madax dhaqameedkani  ayaa Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI  dusha u saaray hadalka Boqor Raabi oo ay ku tilmaameen mid anshaxa iyo milgaha dhaqankaba ka baxsan  islamarkaana gef ku ah shacbiga reer Somaliland guud ahaan gaar ahaanna deegaanka uu kasoo jeedo murashax Muuse Biixi. Waxaanay sheegeen in xisbiga WADDANI uu dabadaka riixayo arrintaasi oo  ay uga dan leeyihiin in layskaga hor keeno deegaanka abka iyo awowga isu ah ee labada beellood.

Waxgaradkan oo ay kamid ahaayeen Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, Caaqil Jaamac  Muuse Yuusuf, Caaqil Cali Axmed Cabdilaahi iyo madax dhaqameed kale waxa ay  sheegeen in ay xurmo iyo xushmadba u  hayaan musharraxa KULMIYE isla markaana ay la garabtaagan yihiin hiil abtinimo iyo hoo tolnimoba,  taas bedelkeedana waxaa ay digniin u direen Boqor Raabbi iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo ay ugu baaqeen in ay ka waantoobaan waxkasta oo  naxli kala dhex dhigaya reer Somaliland. Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo ugu horeyn halka ka hadlay ayaa waxaa uuyidhi “Waxaanu ka jawaabaynaa Hadal ka soo baxay xaflad uu xisbiga WADDANi ku qabsaday magaallada SALLAXLEY, Hadalkaas oo  damqay  Nabarro bari hore ay dadku ka bogsadeen, hadalkaasi maalintii uu soo baxay illaa immika waanu la galgalanaynay oo ha ka hadlina ayanu is lahayn laakiin way suurtoobi weyday, waayo hadalka xumi haddii uu meel dheer ku dhaco waa in  beenintiisa oo meel dheer ku dhacda iyana la helo.” Sidaas ayuu yidhi Caaqil Askar, waxanau intaa ku daray “Haddii uu qof qaldamo oo wax laga tegay uu ka hadlo oo loo aamuso waxay noqonaysaa in  hadalkaas lala qabo, markaa   Beel ahaan Beesha Ciidagale haddii aanu nahay hadalka ka soo yeedhay  Boqor Raabi arrin aanu la ogayn,   arrin aanu la ogolahay iyo arrin aanu ka raali nahay midna maaha ama xata arrin aanu maqalay    maaha. , wakhti ayaa jirtay dagaalo sokeeye dalka ka dhaceen wixii dhacay ee dagaal sokeeye ahaana waanu ka heshiinay oo anagu hadii aanu nahay reerka uu ninka Boqor Raabi ka soo jeedana dadka waanan is dilaa waanan heshiinaa calooshana waxba kuma hayno oo arinta uu ka hadlay arin horta noo taalaba maaha.   Caaqil Askar oo hadalkiisa sii wata waxa uu si adag u naqdiyey in colaadihii iyo dagaaladii sokeeye ee Somaliland ka heshiisay 1994-kii Xisbiga WADDANI uu dib u soo fadh fadho si umadda layskaga horkeeno waxaanu yidhi “Runtiina in maanta la baadh baadho ila ma qurux badna arintaasi iyo hadalka ka soo yeedhay Boqor Raabi aad ayaanu uga xunahay waxa kale oo ay dhib ku noqonaysaa ololaha iyo doorashaddan aynu wadno oo waar hadii uu dadku Qabiil, Qabiil noqdo oo aan anigu Garxajis noqdo oo ninka iga soo horjeeda uu Awal noqdo oo KULMIYE iyo WADDANI loo kala codeeyo waxay ila tahay in waxay faa’iido ka tahayba aanay jirin, hadalkaasi waxa uu ka soo yeedhay nin Qudha waanu khaldamay oo Xisbiga WADDANI maadama oo uu isagu meesha joogay oo Murashaxii joogay hadalka in halka lagu xidhaa  ayey ahayd oo lagu joojiyo oo aan Saxaafadda la gelin anigu madax dhaqameed ayaan ahay oo arinta in aan u talax tago ma rabo, laakiin Xisbiga WADDANI arinta wuu ku qaldamay runtiina Xisbiga WADDANI Somaliland oo dhan ayuu cod uga baahan yahay ee Garxajis oo kaliya cod uga ma baahna oo hadii lagu ololeeyo dhulka Garxajisku dego  1994-kii ayaa waxaas nay la yeelay dee dhulka kale waxay noqon doonta in lagu ololeeyo 1994-kii Garxajis ayeynu is haynay oo cida taasi faa’iido uma aha”. Caaqil Cabdirisaaq Askar wuxu inta ku daray “Marka aniga waxay ila tahay waar waxa la soo dhaafay ee dadku ka bogsaday a in lasoo faqo maaha,   waxaasi Cunfiga ahna in la baadho maaha wakhti xun bay ahayd. marka waxaanu ka raali gelinaynaa guud ahaan umadda Somaliland ee hadalka Boqor Raabi dhegeheeda ku dhacday,  inaanaan la qabin hadalkaas,  sidoo kale waxaanu Murashaxa KULMIYE U cadaynaynaa in aanaan hadalka Boqorka la qabin.”  Caaqil Cali Axmed Cabdilaahi  oo isaguna sido kale ka mida Madax dhaqameedka Shirkan Jaraa’id sida adag ugu naqdiyey hadalka ka soo yeedhay Boqor Raabi Muuse Biixi-na raali gelin isaga iyo beeshiisa ka siiyey “Aad iyo aad ayaanu uga xunahay hadalkaasi aanu maqalay runtiina hadal aanu qaadan kari waynay weeye ninkan hadalka yidhi ee Boqor Raabi anigu barigii hore Boqor Raabi ma odhan jirine maanta waaniga Idhiye Boqor ayaan ahay oo umadda oo dhan ayaan Boqor u ahay iyo waxaan doono ayaan ku hadlayaa isma leh waxaan leeyahay magaca aad sidato iyo hadalada aad leedahay hays leegaadaan oo haysku miisaanaadaan hadalada aan sharafta lahayn ee uu Muuse Biixi ka sheegay maan maqal dib ayaan u xog doontay wax ii sheega maan arag waxaan jirina in dadka laga sheega waa mamnuuc, waxaan leeyahay hadii aanu Beesha (Ciidda-Galle) nahay waanu ka raali gelinaynaa hadalkaasi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Beel waynta Sacad Muuse iyo Xisbigiisa KULMIYE iyo umadda Somaliland intaba waanu ka raali gelinaynaa waxa weeye arinka la ma qabno hadii aanu nahay Beesha Garxajis sii ahaanba reerkan aanu nahay ee Ciidda-Galle sida wax loo dilo wuu yaqaana marka la dilona ma cawdo, hadii lays xisaabiyo wixii aanu hadal umadda  ku nidhi Ibna aadanka hadalkii aanu ku nidhi Maxkamadda Heeg ayaa na la saarilahaa oo kelmadda hadalba la yidhi ah reerka inay lafo jab tahay ayaan qabaa intii aanu umadda hadal ama Gabay ku nidhi Illaahay ayuumbay u Qiyaasan tahay maxa kelmad laga hadal hayaa dagaal ayaa laysku dilaayey oo Xabad ayaa laysla dhacaayeye waa lays dilaayey oo madaafiic ayaa laysla dhacaayey , waxaan leeyahay waar hadalka laf jabka ee meela inoo wadayn ee nusqaanta ah ha laga koro oo ha laga waynaado, waar ninku hadii wax laga dilo ama uu dilo ma hibateeyo waar hadalkeenu wuu soo noq noqday ila barigii aynu xaga u yar kacnay hada Maryo aloolk Garxajis iyo Ciidda-Gale ayaa ku jiray oo hadalka la sheego in uu Muuse Yidhi ee Gabayga Hadraawi ah agtaana marka uu lahaa waar rag is dilay wax kasta waa is odhanayaan ee hadalka waa ka raali gelinaynaa hadalka aad iyo aadna waa uga xunahay”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews