DAAWO Dugsiga Nuuradiin Oo Horseed Ka Noqday Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland  

0
204

 

Hargeysa(Hubaal)-Maamulka Dugsiyada Sare ee Nuuradiin School ayaa maanta soo bandhigay kaalinta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin School ka galeen Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare,dalka guud ahaan iyagoo sigaar ahna u xusey Dugsiga Gabdhaha oo bilow u ahaa Dugsiyada Nuuradiin oo afar gabdhood ku guulaystyeen kaalmaha Sare, iyo tobanka qof ee ugu sareeya Dugsiyada Sare ee dalka oo laba wiil oo kamid ah Ardeyda Dugsiyada Sare ee Nuuradiin wax kabarta Kamid noqdeen.

Munaasibad ay u qabteen Maamulka Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Shaacinta Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare kaalinta uu Nuuradiin School kulahaa ayaa,waxa kasoo qeyb galey Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa,Ardeyda ku guuleystey natiijooyinka kaalmaha Sare,iyo Waaliidiintooda Gabdhaha  iyo Wiilasha,iyo Waliba Marti Sharaf kale.

Nuuradiin  SchoolMunaasibadan oo lagu qabtey Dugsiga Sare ee Gabdhaha Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa waxa ugu horeyn hadal ka jeediyay Maamule Kuxigeenka Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Ismaaciil Maxamuud Cakuushe oo halkaa ugu horeyn hadal ka jeediyay ayaa faafaahin ka bixiyay tirade Guud ee Ardeyda Dugsiyada Sare ee Nuuradiin uga qeyb galey Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka oo dhan,iyo tirada Ardeyda galey,  kaalinta darajada (A),tirada Ardeyda galey Kaalinta Darajada (B),iyo Ardeyda galey Kaalinta Darajada (C),iyadoo aanay jirin habayraatee  Ardey gashey kaalinta darajada (D),iyo kuwa ku dhacey imtixaanaadkaasi habayraatee,waxaanu Maamuluhu xusey isagoo ku tilmaamay guul weyn oo usoo hoyatey Dugsiyada Sare ee Nuuradiin islamarkaana, illaahay ugu  mahad naqey in Ardeyda Wax ka barta Dugsiyada Sare ee Gabdhaha Nuuradiin ay kaalinta koowaad ee dalka ku guuleysteen afar gabdhood oo  kamid ah ASrdeyda wax ka barta Dugsiyada Nuuradiin School,halka ay  kaalinta koowaad ee tobanka Ardey ee ugu sareeya dalkuna ay ku  guuleysteen in ay kamid noqdaan laba Ardey oo kamid noqdey tobankaa Ardey,isagoo arimahaa ka hadlaya waxa kamid ah hadaladiisii. “Waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa ilaahay mahadi haka gaadhee  Tirooyinka guud ee Ardeyda wax ka barta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin  School ee galey imtixaanaadka shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare ee dalka kaalinta ay Nuuradiin School ku lahaayeen tobanka Ardey ee ugu  sareeyay Imtixaankaasi,iyo kaalinta Nuuradiin School ka galey  Imtixaanaadka Shahaadiga ah Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Gabdhaha oo uu Nuuradiin School doorkan kaga qeyb galey Dugsisa Sare ee Gabdhaha  oo lagu guuleystey oo sanadkani kow noo aheyd,waxa ka qeyb galey guud ahaanba Dugsiyada Sare ee Nuuradiin 395 Ardey(Sadex boqol iyo shan iyo sagaashan)Ardey,darajooyinka ay kala keeneena waxa ay kala ahaayeen Sidan.

Darajada (A),waxa kusoo baxey 116 Ardey(boqol iyo lix iyo toban Ardey).

Darjada (B)- waxa kusoo baxey 249 Ardey(laba boqol iyo sagaal iyo afartan Ardey).

Dugsiyada Sare ee Nuuradiin School marka la isku celceliyo waxa

darajada (A),keenay Boqolkiiba Sodon 30%,waxaana Darjada (B) Keenay (boqolkiiba sadex iyo lixdan), 63%.

Waxaana darajada (C),keenay (boqolkiiba todoba) 7%.

Waxaana xusid mudan in Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Schools aanay waxba  ka dhicin islamarkaana, aanay jirin wax keenay Darajada(D).

Kaalmaha ugu sareeya ee dalka oo dhan marka la isku dara Wiilasha iyo  gabdhaha Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Schools waxa ay kaalmaha hore ku  guuleysteen lix Ardey oo kamid ah Ardeyda wax ka barta Dugsiyadan Nuuradiin, Gabdhuhu waxey ku guuleysteen afar kamid ah Kaalmaha sare ee dalka oo dhan waxaanay kala yihiin kaalinta labaad, kaalinta  sadexaad, kaalinta afraad, iyo kaalinta lixaad.

Tobankii hablood ee ugu sareeyay jamhuuriyada Somaliland oo dhan  imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare Nuuradiin School  waxey ka galeen sidan hoos ku xusan.

1-Samiira Maxamed Ismaaciil Muxumed: ——-702 (kaalinta Labaad)

Nuuradiin Girls High School.

2-Nafiisa Cabdixamiid Maxamed Cali: ———699(kaalinta

sadexaad),Nuradin Girls High School.

3-Xamda Baashe Cabdi Ismaaciil: ——-681.(Kaalinta afraad).

4-Warda Cabdilaahi Cali Muuse:——-667(kaalinta lixaad).

Tobanka Ardey ee ugu sareeya Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka Nuuradiin School waxa ay ka galeen wiilasha.

1-Ridwaan Cabdi Daahir Suldaan:—–715 (kaalinta sadexaad).

2-Xamse Aadan Warsame Xirsi:—-704, (kaalinta sideedaad).

Wiilashu waxey ku guuleysteen kaalmaha ugu sareeya ee imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare kaalinta Sadexaad iyo kaalinta  Sideedaad sida aan xusney waana guul wanaagsan oo Dugsiyada Nuuradiin usoo hoyatey dhamaanba Ardeyda Wax ka barta. Hadaan ka waramo is barbardhiga Dugsiyada Sare ee dalka oo dhan Dugsiyada Nuuradiin,Gobolka Maroodi Jeex darajada(A), Marka la isku daro Waxa keenay 241,Ardey(Laba boqol iyo kow afartan)Ardey, waxaana Dugsiyada Nuuradiin ka galey kaalintaasi Darajada(A) 101Ardey(Boqol iyo kow)Ardey, taas oo marka la isku elceliyo noqoneysa 42% (Boqolkiiba laba afartan), Ardey. Guud ahaanba dalka oo dhan waxa darajada (A),keenay ama galey 564 Ardey (Shan boqol iyo afar iyo lixdan)Ardey Dugsiyada Sare ee Nuuradiin waxa ka galey kaalinta darajada (A) 116Ardey(boqol iyo lix iyo toban)Ardey, marka la isku celceliyana waxa ay boqolkiiba ka noqonayaan 22%,(Laba iyo labaatan boqolkiiba).

Marka la isku celceliyo guud ahaanba dalka oo dhan Nuuradiin Secondry Schools waxa ay ka noqonayaan 78%(boqolkiiba sideed iyo todobaatan. Marka laga yimaado imtixaanaadka Shaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee  dalka oo dhan Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Secondry Schools waxa ay mar walba ka galyeen kaalin mug leh oo muuqata taas,oo ah sumacda balaadhan iyo guul weyn oo usoo hoyatey Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Nuuradiin lixdii sano ee u dambeeyay,waxaanan ugu mahad celinaynaa illaahay marka hore iyadoo ay ka muuqato dhinaca kale dedaalka iyo tayada Waxbarashada Macalimiinta ee Dugsiyada Nuuradiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here